Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

KOW HOOYOOYINKEEN, KA DIB ABOYAASHEEN!‏

Qiimaha waalidku ku lee yahay nolosheena waa mid aan la qiyaasi Karin, waalidku nolosheena waxaa uu ku leeyahay inta badan adamigu waa ogsoon yahay balse waxaa aad iyo aad iskaga xilqaadaa waa dadka ALLAH(swt) ka cabsada ee rumeysan maalinta xisaabta dambe.Dadka islamka ahi intooda badan waa ay og yihiin kaalinta waalidka ee qaaliga ah,xaqa iyo waajibaadka ubadka ka saran waalidkood, gaar ahaan markey gabooban,xanuunsadaan,ama dhibaato kaleba ku timaato.Nolosha xiliyadan oo adag,ama kala fogaanshaha degaan ee waalidka iyo ubadkoodu gaar ahaan dadka somaliyeed oo ku kala faafay dunida dacaladeed ayaa laga yaabaa kuwo badan oo inaga mid ahi ay ka mashquulisay ka warhaynta waalidku uu aad u yaraaday.Aad bay u khatar badan tahay in aanu ilowno waajibaadka inaga saran ilaalinta iyo daryeelka waalidkeen mar kasta iyo meel kastana.Baryada waalidka waa mid Allah (swt) aqbalo oo aanu soo celin marka ay Ilmahooda uduceenayaan.Maahmaah Somaliyeed ayaa waxay tahay : Saddex lagama Kaco habaarkooda,Waxaana ka mid ah saddexdaa HABAAR WAALID.Suubanaheenii nebi Maxamed (scw) wuxuu yidhi ,“wuu duloobey,wuu duloobey, oo wuu duloobey qofka waalidkii ku soo gaadhay iyaga oo gaboobey, mid ahaan ama labada ba ee aan ku gelin Janada”,waxaa soo wariyey xadiiskan Muslim.Xadiiskan waxaa aynu ka faaiideysanaynaa in hadii labada waalid ama midkood ku soo gaadhid nolol iyaga oo gaboobey oo aanad ka soo bixin xilkii waalid nimo ee kaa saarnaa sidaana aanad agtooda kaga muteysan in aad ku gasho janada inaad ka mid noqotey kuwa duloobey maalinta lakala saarayo Adoomaha Allah(swt).Allah(swt) waxaanu ka baryeynaa in aanu Inagu darin kuwaas hoogay ee uu nebigu (scw) inooga waramey Aamin Yaa Allah.

U fiirso Walaalayaal hadalka Allah (swt) “Wuxuu faray Eebahaa inaydaan caabudin isaga mooyee iyo inaad u samo fashaan labadii waalid samo falid, hadduu ku gaadho agtaada wayni midkood ama labaduba ha ku dhihin uf,hana canaanan kuna dheh hadal fiican.Una raarici(jilci) garab naxariiseed( u naxariiso) Dhehna Eebow ugu naxariiso siday ii koriyeen Anoo yar.AL_Isra (17:23,24)

Labadaada Waalid waxaa waajib inagu ah in aanu u samafalno,ku odhano hadal wanaagsan oo naxariis leh,ogaano xaalkooda hoose,oo aynu mar walba ka fikirno,qaadano nasteexadooda,la tashano,la sheekeysano kana dhigano saaxiib dhow,xidhiidhino asxaabtooda, haday dhinteen iyo haday nool yihiinba, u samafalo dadkay u sama fali jireen markey noolayeen oo aynu ogaano.

Waalidkagu marka uu kugu ag goboobo ama xanuunsado waa fursadii aad ku geli lahayd janada ama cadaabka oo gurigaaga dhex joogta ee walaal ka faa’iideyso kuna dadaal sida aad jano ugu gelilahay samafalka waalidkaa.Qoysaska is qaba (ninka iyo Ooridiisa),waxaa ku waajib ah in ay labaduna si isku mid ah u wada xanaaneeya afartooda waalid,ama inta markaa nolol ay ku soo gaadhaan. Waa in aynu ogaanaa hooyadu inay kaalinta kowaad ay lee dahay oo ay ka horeyso aabaha. Waxaa kuu cadaynaya xadiiskan soo socda.

Xadiis ku sugan Bukhaari iyo Muslim ayaa waxaa laga soo wariyey in nin u yimi rasuulka Allah(scw) uuna waydiiyey Su aal,  ‘ rasuulkii Alle oow waa kuma dadka ka ugu wanaagsan ee aan saaxiib ka dhigtaa? Wuxuu ugu jawaabey Hooyadaa, Markale ayuu ninkii weydiiyey isla su’aashii ,waxaa uu rasuulku ugu jawaabey hooyadaa, ninkii mar sedexaad ayuu weydiiyey isala su’aashii nebiga, nebiguna wuxuu ugu jawaabey Abaha’, Wallayaal neftayda iyo tiinaba waxaa aan idinku dardaarayaa in aynu wanaajino,ogaano,lana socono waalidkeen xaalkiisa kuwa dhinteyna aynu u duceyno,sadaqada u bixino, kuwa noolna aynu mar walba ka farxino kana  war hayno.

Waad mahadsantihiin dhamaan

Waa inoo Jimcaha dambe iyo waano kale hadii Allah(swt) ogolaado.F/G wixii aan qalday waa aniga iyo  aqoonteyda gaaban ee Alle Ayaan cafis weydiisanaya idinkuna waa itoosin doontaan.

M J Farah  IND. Political analyst and writer

%d bloggers like this: