Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

WAA WAX AAN LA AQBALI KARIN DHIIG BAXA CEEL- AFWEYN

Waxaa cad in la caadiystey daadinta dhiig aan cudurdaar lahayn,oo soo noqnoday meelo kala duwan oo ka tirsan Bariga Somaliland gaar ahaan meelo ka mid af gobolada Sool iyo sanaag oo beelo walaalo ahi wax aan macno lahayn oo lagu xalili karo wada hadal dhiig loogu daadiyo tani waxay qarankan Somaliland ugu fadhidaa qiimo sare xalinteeda oo ay ka mid tahay:-

  1. Waxaa culays ku tahay dhaqaalaha dalka waayo
  1. Gurmadka iyo kala dhexgalka dadkaasi waxaa ku baxa malaayin lacag ah oo culeys ku ah qaranka
  2. Waxaa ku dhinta ama ku dhaawacma ciidamada nabadgelyada qaranka ee gurmadka u gala kala badbaadinta dadkan caadeystey daadinta dhiigooda iyo dhiiga samafalayaasha qaranka.
  3. Waxaa ku baxa kharashyo badan oo toos iyo kuwo dadban oo gudiyada,iyo dadka samafalayaalka ah ee dawladu magacowdo ama iskood isku xilqaama ka baxa
  4. Waxay abuuraan bara kac dad iyo deegaan.
  1. Waxay ceeb ku tahay beelaha dagaalamaya waayo
  1. Waxaa wax laga xishoodo ah in ay beelo walaalo ah oo isku dhiig,dhalasho,degaan,xidid iyo xigaal ahi oo weliba Allah(swt) aqaan ahi u badheedhaan daadinta dhiigooda iyo fidmeynta degaano nabad ah
  2. Waxaa aan lee yahay waar Allah(swt) ka baqa oo arlada ha fasahaadanina hadii aad tihiin kuwo Allah yaqaana.
  3. Waxaa ku dhinta oo ku dhaawacma dad balse wax lagu kala guuleystaa ma jirto oo marka la soo gaba gabeeyo shaqaaqada degaanka,dadku waa walaalihii wax lagu kala guuleystey,wax laysku hayey,wax laga faa’iiday midna ma jirto balse waxaa la daadiyey dhiig waxaa ku dhintey dad qarankan wax ka horumarin lahaa waxaa ka abuur ma caruur agoon ah,dad naafo ah iwm taasina waxay ku tuseysaa heerka doqonimada ee dagaaladaasi oo u muuqda uun dad kibir ama maangaabnimo uun caadeystey .Dawlada waxaa kula talinayaa:
  4. Waxaa aan ugu dambeyntii ugu baaqayaa in dadkani si aan shuruud lahayn u joojiyaan falalka nacasnimada ah ee dhiigooda ku daadinayaan dad aan waxba geysan.
  1. In si cilmiyeysan oo mugleh loo darso sababaha ka dambeeya dagaaladan soo noqnoda lana raadiyo,derso,baadho natiijada ka soo baxdana lagu daweeyo dhibta jirta.
  2. In dhamaan kharashyada ku baxa hawlahan ee nafyo maalba leh dusha loo saaro oo ay bixiyaan dhib wadashaashu, lana ganaaxo,la ciqaabo dadka hogaamiya,abaabula dagaalada ku dhisan beelaha.
  3. In lagu xukumo beelaha in ay bixiyaa dhaqalaha ku baxa caruurta iyo marwooyinkii ay ka tegeen ciidamada nabadgelya,qaranka,iyo hayadaha kale ee ku nafwaayey kala badbaadinta beelahan qooqa iyo kibirka ku dagaalamaya.
  4. In cidkasta oo gacan ka geysatada abaabulka dagaalada noocan ah la diiwan geliyo mustacbalkana lagula xisaabtamo wixii uu dembi galey si ay u saameyso mustaqbalka xilalka qaran,shaqooyinka dawladada ee mustaqbalka.Waad Mahadsantihiin dhamaantiin
  5. Arimahan waxaa u arkaa kuwo wax ka tari kara nabadgelyada qaranka Somaliland ee cadawga badan .

M J Farah Political analyst and writer, BA, BEng (Hon), AVCE, Cert. C. Journalism Digital and Social Media.

 

%d bloggers like this: