Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

SOO DHAWEYNTII GUDOOYIMAHA QURBO JOOGA EE URURKA UMAD

 

Waxaa Fiidnimadii Axadu soo galeysey ee 24/09/16 Saacadu Markey ahayd 8:00 Fiidnimo Lagu Qabtey Restaurant ka Blue Ocean Xaafada shepherd bush ee Galbeedka London Xaflad aad u qurux badan oo Gudoomiyaha Qurba jooga ee Ururka UMAD Marwo Sucaad Sheekh Cali Xaaji Ibrahim u sameeyeen  Qaar ka mid ah Ururka UMAD UK.

Waxaa Xaflada Soo qaba qaabiyey Gudoomiyaha Ururka UMAD ee UK Marwo Raaqiya Cali Eid,Xoghayaha Dhaqaalaha ee UMAD UK Marwo Kaltuun Cabdilahi Ibrahim Juxo iyo Xubno sare oo ka tirsan hawl wadeenaga ururka Umad ee UK iyo Marti sharaf kale.

Xaflaadaas oo ahayd Mid Taariikhiya oo si fiican loo soo Agaasimay, Qabanqaabadeena ay ka wada qayb qaateen Xubnaha UMAD UK, Kuwo goobta ku sugnaa iyo Kuwo hawlo kale ku maqnaaba oo xaga qalbiga ka soo dhaweeney Marwo Sucaad Sheekh Cali Xaaji Ibrahim.

Sucaad Sheekh Cali oo Abaheed Sheekh Cali Xaaji Ibraahim Allah(swt) ha u naxariistee uu ahaa Sheekh Caalim ah,Sidoo kalena Qayb weyn ka soo qaatey Dhismaha Waxbarshada casriga ee Somaaliyeed guud ahaan gaar ahaana Waxbarashada Somaliland oo kuu ka mid ahaa halyeeyadii dhidibada u dhigey waxbarashada, Sheekh Cali wuxuu taariikh da kaga qoran yahay baal dahaba,sidoo kalena wuxuu ahaa qoraa qorey buugaag cilmiya,balse sheekh taariikhdiisa oo bad ah weli maan arag buug koobaya oo laga qorey, balse waxaan filayaa in lala daahay balse fursadan aan ku xusuusanayo qoraya shaya taariikhda sheekh inay ku dhiiradaan soo bandhigida buug dhameys tiran,waayo waxaa waajib inagu ah in aynu dhaxal ka reebno geesiyaasha naftooda iyo wakhtigoodaba u huray umadooda sida Sheekh Cali X. Ibrahim.

Mahadsanidin dhamaantiin

M J Farah

 

 

 

%d bloggers like this: