Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

Waad Badali Kartaa Nololshaada

Nolosha Adamuhu waa mid salka ku haysa qorshe furan oo uu shaqsi waliba awood u lee yahay in uu hagaajin karo,taasi waxaa awood u siiyey Allah(swt) adoomadiisa in jidka ay doonaan qaadaan,oo aaney ku qasbaneynin iney xumaan ama wanaag uun ku waaraan balse uu Allah(swt) u bayaamiyey Adamiga labada jid ee kala duwan oo midna kugu ridayo Janada hadii aan la timaatid shaqada lagu galo janada oo ah wixii Allah (swt) ku faray oo aad raacdid,wixii uu kaa reebayna aad ka tagto.

Jidka kale ee naarta tagana Allah(swt) ha inaga badbaadiyee waxaa qaada dadka iska xalaashada wixii Allah(swt) xaaran ka dhigay(wixii laga reebayna sameeya,wixii la faray iney sameeyaana qaadacay).

Waxaa xaqiiqo ah qofku wuu bedeli karaa fecilada xun ee noloshiisa dib u dhigaya,isaga oo la kaashanaya Allah(swt),waayo dadka Allah(swt) talada saartaa ficil wanaagsana la yimaada Allah(swt) ma hoojiyo ee wuu taakuleeyaa.Sidaa darteed waxaa haboon in qofku adamaha ahi aad u fikiro oo uu isku dayo in uu xumaanta,caajiska,ma shaqeystanimada isku diyaariyo inuu bedelo,oo uu ku bedelo firfircooni,dadaal, ku celcelin wixii ku adkaada ee wanaag ah ugu dambeynta waa uu ku guuleysan dadaalkiisa,balse waa marka uu qofku diyaar u yahay in uu isbedel sameeyo imikaba balse qof aan diyaar u ahayn in uu isbedel sameeyo ma dhaceyso wax bedeli kara oo meel kale uga imanaya.

Waxaa soo diyaariyey M J Farah

%d bloggers like this: