Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

WAA SAWIRKA DHABTA EE BIYO MEEL GODAN BAY ISKUGU TAGAAN(SOMALILAND IYO SOMALIYA)

Mudo ku siman rubuc qarni ayaa ka soo wareytey kala baxii Somaliya iyo Somaliland ka dib Markii Somaliland 18 May 1991 Ururkii SNM oo kaashanaya Waxgaradii,hogaamiyaashii dhaqanka,Siyaasiintii,Ganacsatadii,Culimadii ,dhalinyardii iyo haweenkii Somaliland oo isku duubani go’aamiyeen in midowgii labadii gobol ee somalidii talyaanigu gumeysan jirey iyo Somalidii maxmiyada boqoryooyada midowday (UK), 1 July 1960 laga baxo,dibna loogu noqdo xornimadii Somaliland ee 26 June 1960,waxaa halkaa loogu wan qalay Somaliland ta cusub.Go’aankaasi wuxuu ahaa go’aan badbaadiyey Somaliland oo dhan, oo taariikhi ah,ahna mid Allah(swt) waafajiyey dadkii wax garadka ahaa oo hogaaminayey siyaasadaa ka dambeysey go’aankaa,waana dawlada Somaliland iyo Xisbiyada Qaranka,ururada bulshada,Hayadaha iyo cilmi baadhayaasha somalinderka ahba ku waajiba in Buug taariikhdaas iyo dadkii shirkaa hogaaminayey ee lahaa odayaal dhaqameed,hogaamiyayasha siyaasadeed,Ururkii SNM hogaamiyayaashoodii,haweelkii,ganacsatadii,dhalinyaradii,gobolkii martigeliyey shirkaa weyn ee qiimaha leh lagu xuso magacyadoodii oo dhan.

Haddii caalamku kala masuugey NOBEL PRIZE Somaliland,Inagu waa in aynu ku maamusnaa shirkaa lagu aas aasey Somalilandta cusub. Nobel Peace Prize waa lagu lagu guuleystey 97 goor oo la kala siiyey 130 Nobel Laureates intii u dhaxaysey 1901 iyo 2016, 104 Shaqsi iyo  26 ururo.

Taasi may dhicin waa cadaalad daro mudan in ay dib u saxaan ururada bixiya Nobel Peace Prize ka Waayo shirkaasu wuxuu kala badbaadiyey dhiig badan oo ku daadan lahaa dhulkaasi.Intaas hadii aan ku xuso taariikhdaa kooban ee dulmarka ah.Waxaa aan u gubayaa nuxurka macaalkeygan kooban oo ku saabsan Siyaasiinta Somaliland ka soo jeeda eek u jira Dawlada Federalka ah ee Somaliya oo ber yahan dambe soo food saartey xaqiiqada dhabta ah ee dhismaha dawlada Federalka ah ee Somaliya ee cusub.

Mudo rubuc qarniga ka badan ayey Somaliland ka maqan tahay Somalidii midowday,taani waxay dhalisey in siyaasiinta Somaliya ay dhistaan dawlado tani waxaa shaqo ka helay siyaasiin Somaliland ka soo jeeda oo mudadaasiba ka xoogsan jirey iyaga oo xilal loogu taxi jirey. Siyaasiintani Waxaa hal dhig u ahaa Waxaanu ka soo horjeednaa Fikirka kala haajirida Somaliland iyo Somaliya markaa midnimada Somaliya ayaanu halkan u joognaa,hal ku dhigaasi waa mid caam ah balse waxaa dhici karta in ujeedada lagu kala duwan yahay qaar daacad ka tahay iyo kuwo xoogsigooda ku qarinaya oo dantoodu tahay uun dhaqaale iwm.Balse  Maalinba maalinta ka dambeysa waxaa soo shaac baxaya sawirka dhabta ah ee cida ay tahay dadka dhisanaya dawlada Federalka ah ee Somaliya,tani oo keentay in ay cabasho ka muujiyaan siyaasiintii ka soo jeeday Somaliland ee xoogsiga u joogey Somaliya,oo ay yidhaahdaan saamigii Somaliland waa la qaatey,waanu qaadacnay dhismaha goloyaasha ee la soo xulayo.Tani waa riyo maalmeel wakhtigeedii dhamaadey waayo jagooyinka ay ku fadhiyeen waxay ahaa yeen kuwo si kumeel gaadha u hayeen oo ay ku simayeen uun in ta Somaliya dawlad ka dhisaneyso. Markaa waxaa haboon in siyaasiintaasi fahmaan xaalada runta ah ee Somaliland in aaney somaliya waxba iskugu jirin.Biyona Meel godon bay iskugu tagaane dadka Somaliyeed dawlad bay dhisanayaane ama dhalasho Somaliya qaata oo Somaliya metela,ama ku soo noqda dalkiinii hooyo ee Somaliland,Anigu ma arko wax aad ka cabataane ha isku dhajinina xilal dadkale lee yihiin ee dadkiina dhinac ka raaca,ileyn in badan baa meeqaam aan jirin wax ku cuneyseene.

Waad Mahadsantihiin

M J Farah. Political analyst and writer, BA, BEng (Hon), AVCE, Cert. C. Journalism Digital and Social Media.

%d bloggers like this: