Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

QARANIMADA SOMALILAND YAA KHATAR KU AH MA MARWO ZAMZAM ABDI MISE…..!

Marar badan baa aad su’aalo iska waydiiyaa daacadnimada iyo wadaniyada dadka matala siyaasada Somaliland.Tani ma aha mid aan iska mala awaalayo balse waa mid xaqaaqiya oo si dhaba u muuqata, waxaadna moodaa in dadka aynu hormoodka inoo ah dhinaca hogaaminta dhaqanka,ama siyaasada intooda badani aanay si fiican u fahmin qadiyada Somaliland,amaba is yeelyeelayaan amaba qadiyada qaranimada somalilandba mara habaabinayaan  oo  danohooda shaqsiyadeed ka wayntahay tan guud ee qaranimada Somaaliland waayo bal ila eeg oo maskaxdaada la kaasho iskuna day in aad iga qanciso su’aalahan aan qabo oo kala ah:

  • Qaranimada iyo madax banaanida Somaliland waxaa mudnaanta aynu ka siinaa Xil doon iyo xoolo doon?
  • Qaybyaalad ku daanaysi ah,oo xitaa qabiilna dan ugu jirin balse khiyaamo iyo dano shaqsiyadeed u shaqeynaysa,wixii qaranka Somaliland waxtar u leh ayaa Qabiilkana wax tara.

Waayo maalin walba waxaa Somaliya lagu abaabulaa shirqoolo dhanka ah jiritaanka Qaranimada Somaliland Cid ka hadasha oo cambaareysa ma jirto, balse tartanka siyaasadeed ee xisbiyada Somaliland dhexdooda ah  waxaa aad arkeysaa qaylo dhaan iyo cambaareen joogto ah, Siyaasiin waaweyn oo aad moodeyso iney aqoon,waayo-aragnimo, iyo garasho dheer  lee yihiin  ayaad calaama su’aal saareysaa .

Bal ila eeg arimadan la yaabka leh:-

  1. Xisbiga Wadani ee mucaaridka ah ayaa ku eedeyey Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadu iney kala direyso Midnimada umada Somaliland.

Xisbiga wadani hadii uu ka hadlayo cida burburinaya jiritaanka Somaliland oo uu dalkan wax u qabanayo Kulmiye ma aha cida burburinaya ee halista ku ah jiritaanka Somalilandne waa Dawlada fedealka ah ee somaliya, iyo kuwa isku tilmaamay wakiilada Dawlad Goboleedka Somaliland.

Samsam baa tiridhi Laba beelood baa is gaashaan buureysanaya oo afka ah ma waxay ka cuslaatey arintan xamar ka socota ee dal dhan oo jira loogu sameenayo barlamaan iyo golaha saree e aqalka odayaasha  iyo dhisme dawlad goboleed.Ta cambaareynta u baahani waa taasi ee wadani,kulmiye,dawlada,Ucid iyo beelaha somalilandba waxaa waajib ku ah iney ka hawlgasho oo cambeereyso, balse SAMSAM oo Duurka had iyo jeer u wareegeysa Samata bixinta dadkeeda ayaan laysku qaawin oo shaqo laga dhigan waayo waajibaadka ka weyn ee inaga saran ka hortaga ifafalayaasha lagu duminayo dalkeena hadii aynu daacadka nahay halaga hawlgalo waa taasi arinta u baahan in lagu ololeeyo mise raali baynu ka nahay in aynu maamul goboleed nahay oo uu Gen.Jamac Maxamed Qaalib iyo Maxamed Cumar Carte ina ma talaan Jawaabta waxaa iska leh oo aynu ka sugeynaa  cidii ay quseyso. Bal ila arag waxaan arkey

http://somalilandtoday.com/daawo-xisbiga-waddani-oo-xukuumadda-ku-eedeeyay-inay-kala-dirayaan-qaranimadii-ummadda-somaliland-ku-midaysnayd/

 

Sidoo kale bal ila eega kuwan

https://qarannews.com/daawosiyaasi-siciid-sulub-oo-duray-foolxumadii-burco-ee-beelaha-sland-qaar-lagu-takoorayfariin-uu-diray-m-siilanyowasiir-cadaanina/

 

iyo http://togdheernews.com/news/30/11/2016/akhriso-magacyada-musharixiinta-aqalka-sare-ee-gobollada-wqooyi/

 

Q.2aad

Waxaa inala gudboon in aynu ku baraarugno sabariirixada Siyaasadeed ee la inala maagan yahay, taas oo had iyo jeer qubka muuska aynu ku kufi lahayn la inoogu soo dhiibo mid wallaalkeen ah oo dantii maraato ah oo dhinaca dhadhamada lagu qaatey.

Nin walbi intuu xoog iyo xeelad wuxuu heli karo isku daro sidii uu nabada,dhaqaalaha iyo siyaasada Somaliland u burburin lahaa isaga oo af iyo adinba ku dagaalamaya oo sanado badan ku maqnaa xamar si uu u dumiyo masabka siyaasadeed ee qarankan ayuu ka soo degaa madaarada qarankan somaaliland oo ah garoomadeedii uu diidanaa in wax laga qabto,ayaynu kaga hortagnaa soo dhawaantiisa baabuur iyo dad si aynu ugu soo gelbino meeshuu ka degi lahaa magaalada.

Halkii ay ahayd in meelaha dalka laga soo galo lagu qabto oo la waydiiyo khayr iyo shar wixii dalkan u sido.Ciidamada ilaalinta qarankuna daba gelid ku koobaan dhaqdhaqaaqa muwaadinkan ku caasiyoobey dalkiisa hooyo.Ayey ku tilmaanaa waa halgey wadani ah oo waxaaba uu laba cisho ka dib arkeysaa isaga oo ka dhex muuqda xafladaha qaranka ee la qabto ,ha ugu badnaadeen kuwa xisbiyada siyaasaaha,waxaa shaki kaa gelayaaba in uu horeba uga mid ahaa xisbiyada siyaasada qaran waayo qof siyaasad ahaanba aan ogoleen jiritaanka qaran la yidhaa Somaliland oo lawada og yahay sidee ay suurto gal u tahay isaga oo aan maalin qudha joogin magaalada hargeysa inuu ka dhex tooso xisbi qaran oo aanu dalkiisaba aqoonsaneyn!!!!.

Arintan Cid qudha ulama jeedo oo bartilmaansan mayo balse waxaa aan ka hadlayaa uu dhacdooyinka taariikhda ku xusan ee kala doorashada salka ku haysa bisel la’aanta dadkeena weli iyo fikirka,aragtida siyaasiinteenu inaga qabaan oo ah Dooqon waa lagu dan gaadhaa……

Waayo ciyaarta dadka qarankan dhisaya lala ciyaarayo ee kuwa lidka ku ah qaran Somaliland ah oo ka mid noqda Caalamka  aan rabin baa ah mid aan inagu cusbeyn belse aynu iska daawaneyno xabadaha sida ba an la inoogu garaacayaana waa qoriga madaxa hore ku qaata gantalaha halista ah ee Qabyaalada la casriyeeyey, eek u saleysan ku danaysiga kuwa ku murqaama dhawaaqa ereyada ay losocdaan HADDII AANU REER HEBEL NAHAY…….iyo Hanjabaadaha logu xardhay ee NABAD LAGU LA DIMAAYO , haddii Dawladu ka noqon weydo mawqifkeeda IWM.

Waxaa haboon in aynu isweydiino su’aasha ah gari Allah(swt) ayeey taqaanaaye yaa duminaya qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, waa cadehay cida burburka kuwada Somalikand, Balse ZamZam  Abdi  Ma ahee  runta halaga hadlo waxba ayaan logu meereysan ZamZam oo sidii umadan ugu shaqeeneysay Cadceedii dusheeda ku dhaceysay  midabkeedii is bedelay, balse saaxiibada aynu ka lalineyno indhaha waa kuwaa wejigoodu labeeneystey  ee sida muraayada inoo widhwidhaya.Waxaa ku baahan nahay in aynu kala saarno dadkeenaa siyaasada dhexda kaga jira hawlaha ina quseeya in aynu kala kan jarka inaga tuuraya iyo kan dalkeena dhisaya ugu dambey waxaa aan lee yahay Muwaadinow KALA HUBI SIYAASIGA DAFE IYO MA QAATAHA,HURDE IYO MASEEXDAHA,QAATE IYO NA QUUSTAHA, DUNSHE IYO DHISAAYAHA Kala doorto abaar joogto ah iyo qaran aad ku faano oo kaa ilaaliya Tahriibka nolosha ha liga.

Dhamaad

(Strong people don’t put others down. They lift them up!.)

 

Waad Mahadsantihiin, Allah(swt) Mahad dhamaanteed leh

M J Farah. Political analyst and writer, BA, BEng (Hon), AVCE, Cert. C. Journalism

%d bloggers like this: