Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

UMAD ORGANISATION MAXAY ISKU KAASHADEEN?

UMAD Waxaa aan maqal ahaan igu moreysey November 2015.Waxaase isoo jiitey ururkan dhowr arimood oo aan ugu bogey objectives kooda oo aan odhan karo waa mid mudan in la dheeri geliyo.

Ururkani waa urur dhinaca Samafalka ah oo xaruntiisa guud tahay Somaliland, gar ahaan Magalada caasimada ah ee hargeysa balse ka dhisan meelo badan oo caalamka ka mida.Ururkani markaa sheekooyinkiisa maqlay waxaa aan isku dayey bal in aan wax ka ogaado, Sababta ururkan dadka ku midoobey isku keen tay.

Ururkan waxaa uu ka mid yahay ururada faraha badan ee ka jira Somaliland ama meelo badan oo soomalidu degen tahay ee mawqifkoodu ku jeheesan yahay Samafalka.Waase uu ka duwan yahay sida aan anigu u arko hadafkiisa.

Balse aniga oo mudo dheer wax ka qoreyey arimaha siyaasadada,bulshada, ganacsiga iyo idealogy maqalada aan wax kaga qorey Ururada samafalku ama shaqsiyaadka ku hawlan howlahaasi, waxaa aan filayaa inuu yahay maqalkii 2 aad . waayo dadka iyo ururada samafalka ka sheqeeya waa dad neftooda u hurey bulshooyinkooda markaa in la dhaleeceeyo oo wax aadan hubin ka qortaa waxa ay kugu noqoneysaa dhibaato akhirada iyo aduunkaba waayo waxaad is hortagtey dad khayr ka shaqeenayey waana dembi haddii aad sidaas sameysid, ogow  khayrka waa laga qaybgala ee lama hor istaago hadii aanad ka qaybgelinina wax aan xaqiiq ahayn lagama sheego oo aanad marag ka ahayn,sidaa awgeed a yaaney u badneyn in aan wax badan ka qoro ururada samafelka sideedaba.

Ururkan Umad hadii aan u soo noqdo waxaa aan aad uga helay laba arimoodba oo aan filayo iney mudan tahay in aan halkan idinku soo gudbiyo arimahani waa :

  1. Waxay ku guuleysteen in 6 arday oo ka mida ardaydii dhameysatey waxbarashada dusiyada sare ay siiyaan deeq waxbarasho(schoolerships) oo jamicadaha ka bixiyaan
  2. Ardeydan sida la ii sheegay waxay iskugu jiraan Agoon iyo qaar ka soo jeeda qoysas danyar ah oo ka mid ah bulshada Umad.
  3. Ardeydan waa la soo xulay iyada oo lagu kala saareyey dereyada (grades) imtixaanada dugsiyada sare sidey ugu kala sareeyeen, iyo shuruudaha kale ee ururku u dejiyey,ugu dambeytana waxaa lagu kala saarey sida la ii sheegay bakhtiyaa nasiib.
  4. Waxaa Kaalin wayn ka qaateen isku xidhka iyo isku warhaynta Bulshadooda waayo waxaa jira in ay dhinaca abaaraha,caafimaadka,iyo biyahaba wax ka qabteen kana war hayaan bulshadooda.

Ururkan waxaa aan aad uga helay iyaga oo aan Saxaafada waxqabadkooda horkeenin oo aan is tustus iyo isfaanfaanin ka muuqan wax qabadkooda.

Waa aan ugu hambelyeenayaa dhamaan xubnaha UMAD Caawinta Bulshadooda gaar ahaan Agoonta iyo Danyartooda dhalinyarada ah siday iskugu taxaluujiyeen in ay si wada jira iyaga oo isku duubaan uga qayb qaateen hawlahan sama falka. Haddii ay ii suuro gasho waxaa aan isku dayi doonaa in aan madaxda ururkan ama xubno ka tirsan aan ka qoro maqaalo ku saabsan ururka UMAD iyo taariikhdiisa,waxa uu qabto,siyaasadiisa guud ee bulshada iwm.

Waxaan ugu dambeyn aan lee yahay UMAD waxay isku Kaashadeen waa horumarinta,Kheyrka,midaynta iyo dismaha bulshadooda.

(Strong people don’t put others down. They lift them up!.)

Waad Mahadsantihiin, Allah(swt) Mahad dhamaanteed leh

M J Farah. Political analyst and writer, BA, BEng (Hon), AVCE, Cert. C. Journalism

 

 

%d bloggers like this: