Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

WAAN GARTAY ILMADIINU WAXAY DAARAN TAHAY BALSE WAA NASIIBKEEN!

Kol hadii arini sidaa tahay quusan miino dadkeygow waayo waxaa aynu ku kalsoonahay qadarka Allah(swt) inaga waxaa la inooga baahan yahay in aynu Allah wixii uu ina faray u hogaansano taasina waa jidka guusha iyo kaalamada Allah ayaan ku idhi riyo maalmeedkii.Waxaa aan la manaaqishooday naftey amigo oo fikir dheer ka dib is arkey aniga oo ilmaynaya.
Waxaa aan isweydiiyey maxay arimuhu u saxmi layihiin,maxay saxmaan cidii saxi lahayba lama hayee,oo ma ceel uma qodna idina uma maqnaa?
Waa iska riyo maal meed kaygii balse maxay daaran tahay abaarahan joogtada noqday koley waa wax aynu kasbanay oo u baahan in aynu ku baraarugno Allah na u noqono toobadana ku daro Ileyn Allah waa naxariiste tobadana aqbale ah,waa xaqiiqo in dunuubteenu badan tahay ,Waxaa inagu badan aqoon darida diinteena iyo ka faa’iideysiga aqoonta sayniska iyo teknoolajiyada casriga ah.
Hadana dhinac kale ayaa eegay xaalada iyo duruufaha inagu xeeran waxaa aan falan qeeyey bal dadka aqoonta sare leh ee siyaasadana aan weli ka nasan faaladu saddex Prof. ayey ila gashay:-
1- Prof.Cali Khalif Gareydh oo ilaa prime minester ka gaadhay xilka siyaasadeedka ilaa uu ku soo noqday Jahbad reereed,wax uu cid tareyna lama hayo ilaa iyo xoriyadii somaliyana wakhtigu wuu wanaajinayey reerka uu hada Jahbadka u yahayna wax uu tarey ma jiro dhib mooyee abaaraha iyo xaalada adage e dadkiisu ku jiro sidii uu uga saari lahaa waxa uu ka hormariyey sidii uu masab siyaasadeed ku heli lahaa oo magacooda ugu gaadhi lahaa masab siyaasadeed,afkiisa ayaa laga hayaa hadii aanan aniga salaanka siyaasada ka dhigan ayaa kale oo ka dhiganaya, wuxuu halmaansan yahay calafka in uu qoraal yahay miyaa,reerka waxba kama gelin hadii abaartu dhameyneyso iyo hadii kale. Balse waxaa loo baahan yahay in ay dadku fikiraan, Waxaa aan qabaa in rag dhalin yar iyo waayeelba leh oo dadkooda iyo dalkoodaba horumarin karaa ay buuxaan Tusaale fiican Xagle toosiye,Baashe maxamed Farax, Yaasiin Faratoon.Kuwan iyo kuwo kale oo ka mid ah dadka wax garadka ah ayaa mudan in laga talo qaato.Balse Cali khaliif waxaa aan odhan lahaa Adeer iskaga naso siyaasada dadkagana midee intii aad taariikh xumo la god geli lahay Allah na ka baq oo nabada iyo horumarka dadkaga dalkaga ka shaqee. Wada hadalan Jabuutina waa kuwo ujeedooyin iyo dano gaara salka ku haya balse uma arko kuwo wax soo kordhinaya, ee waa xaalad kale oo xeeladeysan.
2- Prof. Buubaa waa nin weyn oo ka mid ahaa dadkii saldhiga u ahaa abuuristii ururkii SNM. Balse wuxuu ka soo horjeystey Siyaasada gooni isku taaga Somaliland,isaga oo ka mid ahaa madaxdii ugu horeysey ee talada dalka qabata markii lagu dhawaaqay Somaliland.In badan buu siyaasad ahaan af iyo adinba ku cabudhiyey go’aankii shacabka ee gooni isku taaga Somaliland.Maantana markii ay soo gaba gabowdey danihii shaqsiyadeed ee uu ka lahaa siyaasada Somaliya ayaa uu ku soo gurya noqday dalkiisii uu godobta ka galey isaga oo weliba aan wax raali gelina ka bixin . Kaga daranta ee Xisbiyada Qaranka ayaa uu ku biirey oo waliba madaxda sare ee hagta ka mid noqday,Aniga fikir kayga waa tilmaan uu wax jira,balse dadka ayey u taalaa waxa ay kula xisaabtamayaan.
3- Prof. Axmed Samater waa nin ka mid ah aqoon yahanada Somaliland, Qadiyada Somaliland wuu yareysanayey markii hore balse wax dhagara umuu ma loogiin,waana uu cadaa rayigiisu macluumaad badana kamuu haynin wakhtiyadii dambe xaalada siyaasadeed ee gudaha somaliya.Balse markuu yimi dalkiisa Ciida ayuu dhunkaday, waxaana uu qirey inuu Somaliland uu hada aamin san yahay dalka inta badan ayuu soo indha indheyey,wuxuu qabtey kulamo badan oo ku saabsan siyaasada iyo maamulka waxa uu aminsan yahay.Waxaa u arkaa in uu yahay nin u qalma in uu madaxweyne ka noqdo Somaliland dalkiisa mustaqbalka waayo si sareexad leh buu rugta uga sheegey fikirkiisi shaley iyo maanta,geesinimaduna waa astaan ka mid ah astamaha hogaamiyaha bisil.Waa prof. kaliya marka la barbar dhigo labada hore ee aan ka qabqaadan carqaladeenta jiritaanka Somaliland balse soo bandhigay aragtidiisa iyo waxa uu aamin san yahay,taasi waa ta keentey in dadka waxgaradka ahi ee reer Somaliland aad u soo dhaweeyaan,waxaa aan kula talinayaa inuu u howlgalo dhismaha qaran awood dhaqaale,siyaasadeed iyo nabadgelyo ba leh xitaa hadii aanu xil ka rabin inuu dhiso dalkiisa iyo dadkiisa waayo lama huraan waa caws jilaal!.
Sheekhadaa markaa hurada ku falan qaynayey ayaa dhinac kale mawjadii igu kicisay waxaa arkay xaruur yar yar iyo hooyooyin ilmaynaya waxaa aan su’aalay maxaa ilmada idinka keenay ee dhiba ee jira waxay igu jawaabeen waxaa aanu maqalney Emaaradkii carabta ayaa saldhig ciidan Berbera laga siiyey!
Waxaa aan ugu jawaabey lama hube balse waxaa madaxda qaar ka maqlayey balayo ma jirtee sidii hore u dhici jirteyba ee Midowgii soofiyeeti iyo Mareykankuba ugu shaqeysan jireen ayey tanina la mid tahay!
Waxaa ay igu jawaabeen Emaaradku goorma ayuu ku dherersaday labda dawladood ee waaweyn.Tan kale Dad baanu iskugu xignayoo abaaraha nahaya iyo duruufaha inagu gadaamaan muxuu iga tarey ee la taaban karaa. Markii uu siyaad bare na xasuuqayey soo tii nalagu daawanayey, Waan u garaabey hadalkoodii waxaanan idhi waan gartey Ilmadiinu waxay daaran tahay balse waa nasiibkeen haddii kuwii hogaanka inoo hayey darsi la yihiin saameynta saldhig la siiyo dal aan xitaa dalkiisaba ka difaaci karan dal badan oo la jaara.Markaa waxa ay igu jawaabeen hoombaro libaax bay soowadaa, Aniguna waxaa aan idhi koley in la dersaa waa muhiim balse hawlshaa cid baa inooga wakiila waa labada gole ,maxkamada sare iyo waxgaradka kale ee cuqaasha leh,sidaa darteed hadii ay hubin waayaan dhib iyo dhiif waxa inoogu jira saldhiga halka ay ka galaan dhibaatada ka dhalata ayuun baynu ka geli doonaa ee ha baqanina wax wada qab waa aade.Ilmadii ayaanu isku darnay ilay waa sheeko baralaye waxaanu ku hambaaburnay Sheekh Adam Siiro oo wacdi iyo wacyi gelinba ka jeedinaya Masaajidka xawaadleh,sheikh ku waa uu u dadaalayaa dadkiisa iyo dalkiisa ayaan niyada ka idhi waanan u duceeyey aminta ayaa isqabsatay,hooyo ka mid ahayd kooxdaydii ilmada isku dartey ayaa waxay tidhi waxaa iloowdeen Madaxweyne Axmed Silaanyo inuu wax badan qabtey dalka iyo dadkaba balse waxaa aan filayaa inta dambe waa la qasayaa oo dilaalinta qarsoon ayaa dhago barjeysey,waxaa mar qudha nidhi wixii uu qabtey ma qarsoona waa halyey ka mida halyeyada lagu faano ee dalkan waana nin adag wax badana og balse nin habari dhashay hal maseegi waayo ee waanu la talin hadii aynu dareeno in majaraha toosan laga leexinayo waana hogaamiye talada fiican qaata mar walba sidaa u aragno anagu. Waa aynu ogaan wixii ka dhasha xaaladaha inagu xeeran ee sameynta inagu leh ayaanu isku nabad gelyeenay.
(Strong people don’t put others down. They lift them up!.)
Waad Mahadsantihiin, Allah(swt) Mahad dhamaanteed leh
M J Farah. Ind.Political analyst and writer, BA, BEng (Hon), AVCE, Cert. C. Journalism

%d bloggers like this: