Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

XOG KOOBAN OO KU SAABSAN DALKA UAE(EMIRATES)

Ber yahan dambe waxaa aynu maqleyney Saldhig dhinaca ciidamada ah oo dalka Somaliland iyo dalka Emirates kawada shaqeenayaan,kaas oo Emirates ku doonayo inuu ka sameysto xeebta bada cas ee magaalada Berbera.Sidaa darteed waxaa aan jecleystey in aad ila wadaagtaan in yar oo ka mid ah taariikhda dalka Emirates ka:

Iskutaga Emirates ka Carabtu  wuxuu dhacaa juquraafi ahaan Koonfurta-bari ee Arabian peninsula( inta u dhexeysa 22⁰-50 iyo 26⁰- Waqooyi latitude iyo inta u dhexeysa 51º and 56º 25 bariga longitude ka). Qadar ayaa ka xigta dhanka waqooyi-galbeed,Sacuudiguna wuxuu ka xigaa dhanka galbeed,Konfur iyo Konfur-bari, halka Oman ka xigto Konfur-bari iyo waqooyi-bari.Cabirka dhulka ay ku fadhidaana waa 83,600 sq. km (32,400 sq. miles).

Dalka UAE ku waa midowga 7 emirates kuwaas oo kala ah:

Abu Dhabi, Dubai, Sharjah, Ajman, Umm al-Qaiwain, Ra’s al-Khaimah and Fujairah.

Midawgan UAE ka waxaa si rasmi ah loo aas aasey 2 December 1971.Waxaa dalkaasi hogaaminayey Sheikh Zayed bin Sultan Al Nahyan,markii si rasmiya loo aas aasay ilaa uu ka geeriyooday 2 November 2004. Waxaa loo doortay madaxweyne 3 /11/2004 Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan oo ilaa hada ah Madaxweynaha dalkaasi.

Asal ahaan dadku waxay ka soo kala jeedaan :

Emirati 19%,  Arab ta kale iyo Iranian ta 23%,  Asian ka Konfureed 50%, qurba jooga kale (oo ay ku jiraan reer Galbeedka iyo Asianka Bari ) 8%.

Dhinaca Afafka:

Arabic (waa afka rasmiga ah), Persian, English, Hindi iyo Urdu.

Dhinaca diimaha:

Muslim (waa diinta rasmiga ah) 76%, Christian 9%, diimaha kale (ugu horeyn Hindu iyo Buddhist, in ka yare 5%  tirada dadku  waxay ka kooban yihiin Parsi, Baha’i, Druze, Sikh, Ahmadi, Ismaili, Dawoodi Bohra Muslim, iyo Jewish) 15%.

Dhinaca Difaaca iyo Nabadgelya:

Ciidamada qalabka sida ee Emirates ka waxaa la aas aasay sanadkii 1951.

Waxaa se dib loo habeeyey sanadkii  1971.

 Qaybaha ciidamada dalkaasi waxay ka kooban yihiin (United Arab Emirates Armed Forces): Critical Infrastructure Coastal Patrol Agency (CICPA), Land Forces, Navy, Air Force and Air Defense, Presidential Guard (2015).

Countries Ranked by Military Strength (2016):

4/01/2016 waxaa daraasad lagu sameeyey 126 wadan  oo ay ku jirto GFP database ku waxaa dalka Emiratis ku ka galay kaalinta 58 aad (ranked at 58 of 126), GFP Power Index rating of 0.9301 (0.0000 being perfect).

La soco qaybaha dambe hadii Allah ogolaado…………

(Strong people don’t put others down. They lift them up!.)

Waad Mahadsantihiin, Allah(swt) Mahad dhamaanteed leh

M J Farah. Ind.Political analyst and writer, BA, BEng (Hon), AVCE, Cert. C. Journalism

References:

Wikipedia, GFP, CIA the World Factbook.

%d bloggers like this: