Xusuusin qormadii aan qoray ,Fri 04/11/2016, 08:50
Waxaa aan ku arkaa in ay maanta tahay maalintii kala saarida xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland waayo waxaa lagu kala baxayaa sida loogu gurmado dadka abaaruhu waxyeeleeyeen, oo loola garab istaago badbaadintooda.Xisbiga maanta kaalinta koowaad kaga gurmadka abaaraha ayaa ah xisbiga mudan in uu hogaamiyo dalkan balse xisbiga xalfadihiisa,taageerayaashiisa ku mushquulaa cidna waxba ku falimeyso,waana xisbi aan mudnayba in la dooro mar kale.
Hadaba waxaa aan kula talinlahaa xisbiyada Somaliland ee saddexda ah iney ay u tartamaan kaalinta Kowaad,labaad iyo saddexaad ee Gurmadka Abaaraha,Xafladaha is muujintuna ay noqoto ku tartanka gurmadaka qaran ee abaaraha ka jira dalka.
Dad badan ayaa mala is leh xisbiyadu dhaqaale ma hayaane maxay ka qaban karaan abaaraha.Aragtida caynkaas ah waa mid aan sax ahayn waxaa la tabayo waxaa ka mid ah:-
- Ma aanan arag abaabul ku saabsan abaaraha iyo wacyi gelin
- Ma jiro sida aan qabo xisbi siyaasadeed oo shir degdega iskugu yimi ama gudi gaara u saarey gurmadka abaaraha iyo sidey uga qabgelayaan.
- Ma anaan maqal madaxda xisbiyada oo kormeer ku maraya ama ugu baxay goobaha abaaruhu ka dheceen oo wax gurmada u fidiyey
- Xitaa maan maqal baaq ay u dirayaan tageerayaashooda,caalamka ,saaxiibadood oo ku saabsan in dadkaa loo gargaaro
- Balse waxaa meel walba ka socda haflado loo sameenayo dad ku soo biirey iwm.
Dhinaca kale waxaa muhiim ah in ururada muxaliga ah iyo degmooyinka gobalada ay is abaabulaan si ay uga qaybqataan samafalka iyo gargaarka dadkeenan abaaruhu waxyeeleyeen,oo ay sameeyaan gudiyo hooseedyo isku abaabulaha ururinta macaawinooyinka sida dawooyinka,dharka,lacag,kabaha iyo xubno volunteer ah oo ka qaybqata gurmadkan iyada oo Gudiga abaaraha qaranka lala shaqeenayo gacana laga siinayo gurmadka. Gudiga qaranka ee Abaarahana waxaa la gudboon in ay dhisaan gudi hoosaadyo hoos yimaada oo isku dubarida hawlaha xafadaha,degmooyinka ee dalka oo si iskaa wax u qabso ah uga qaybqaatada gurmadka.
Waxaa aan u arkaa in aynu isku naxariisano dadkeenana la qaybsano dhib iyo neefba.Ma ah in inaga oo dadkeenii abaaro ku jiraan oo ay u baahan yihiin badbaado in aynu noqono Ismoogayaal Xaflado dhiganaya oo damaashaad ku jira iyada oo dadkeena qaar ka mid ihi ku jiraan dhibaato weyn oo haraad,hayaan,cunto la’aan iyo abaaro ba an ku jiraan.
Allah(swt) ha inaga dhigo kuwo isku naxariista,oo is xaal og.Abaarahana ha inaga badbaadiyo Eebe isaga ayaa awoodiisu weyn tahay naxariistana ah.
(Strong people don’t put others down. They lift them up!.)
Waad Mahadsantihiin, Allah(swt) Mahad dhamaanteed leh
M J Farah. Ind.Political analyst and writer, BA, BEng (Hon), AVCE, Cert. C. Journalism