Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

KU SOO DHAWOOW GACMO FURAN WASIIR AXMED FARAH CADARE !

 

p1010005

Weedha haasi waxay ka mid ahaayeen,ereyadii UMAD UK Organisation, oo isku duubani ku soo dhaweenayeen Mudane Axmed Farax Cadare oo casho sharaf heer keedu sareeyo ugu sameeyeen Savannah Somali Restaurant & Café ee Galbeedka London.

p1010007

Wasiir Axmed Wuxuu ururka uga warbixiyey xaalada guud ee dalka dhinacyada Nabadgelyada,Caafimaadka,Dhaqaalaha,waxbarada iyo abaaraha. Isaga oo si mug leh uga warbixiyey dadalka Xukumada ee ku aadan horumarka dalka,iyo guulaha wax ku ool  ka ah xukuumadu ka gaadhey dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee Somaliland.waxaana uu sheegay in laga wada qayb qaato horumarka iyo dhismaha dalka, sidoo kale waxaa uu si fiican u faahfaahimey faa’iidada uu dalkeenu ka helayo mashruucyada balaadhinta dekeda iyo saldhiga dhinaca difaaca ee UAE ka sameesanayo Somaliland gaar ahaan magaalada xeebta ah ee Berbera. Casha sharafkan oo ay ka soo qayb galeen Gudiga iyo xubnaha UMAD UK,ayaa waxaa halkaa uu ka Akhriyey Afhayeenka UMAD UK mudane Maxamed Jacayl hadalo soo dhaweyn iyo war bixin kooban oo Gudoomiyaha UMAD UK Marwo Raaqiya Cali Eid ugu talo gashay munaasibada si ka soo qaybgalayashu ula socdaal wax qabadka UMAD UK. Waxaa isna munaasibadaasi hadalo tusaale iyo tilmaamo ka soo jeediyey Dr. Xuseen,iyo Marwo Caasha Ayban oo ka mida haldoorka Xisbiga Kulmiye oo soo booqatey munaasibadan balaadhan.

p1010001
Filo sawiradii Casho sharafta goor dhow.

%d bloggers like this: