Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

MEE CAQLIGEENII CILMIGA HABEYN LAHAA ?

Marka ugu horeysa waxaa aan tacsi u dirayaa dhamaan ehelkii qarabadii iyo shacbiga Somalilandba dadkii inaga dhintey daadadkii kala dambeyey ee dooxyada soo rogmadey,gaar ahaan labadii hablood ee walaalaha ahaa (Foosiya Maxamed yuusuf  iyo Asma Maxamed Yuusuf) Allah (swt) naxariistiisa jano ha geliyo iyaga iyo intii kale ee ku geeriyooteyba.

Waxaa kale oo aan u mahadnaqayaa akhristayaalka maqaaladeyda oo I soo gaadhsiiyey cabasho ku saabsan in aaney ber yahan dambe iga helin wax qoraalo ah.

Intaa hadii aan ku dhaafo waxaa aan manta maqalkan ku ifinayaa dayacyada badan ee ka Jira geyigeena waxaa si gaara farta ugu fiiqayaa arimo muhiim ah nolosha oo u baahan dadaal yar oo keliya balse badbaadin kara nolosha dad badan.

Waxaa isweydiin leh manta oo cilmiga iyo tegnolojiyada heer sare laga gaadhey in aynaan weli ka qatanahay in aanu ka faaiideysano,oo caqligeena u jeedino si aynu ugu maareyno nolol maalmeedkeenad.

1- Masiibooyinka dabeeciga ah:

Markasta oo uu roob inoo da’o waxaa ku dhinta dad oo uu daadadku qaadaan,waxaa aynu ku qanacsanahay in wax laga qaban karo badbaadinta dadkaa,waayo hadii dadaal iyo u diyaar garow loo sameeyo sidii masiibooyinkan looga hortagi lahaa ama markey dhacaan loogu gurman lahaa waa ay yaraan lahaayeen qasaaruhu,balse waa mid aan laba qorsheysan.

Qadarka Allah(swt) lama dhaafayo oo waa mid u dhaca sida Allah(swt) uu ugu talagaley laakiin inagu waxaa waa jib inagu ah in aynu diyaar u noqono samata bixinta iyo badbaadinta dadkeena intii aynu awoodno.

Sidee wax looga qaban karaa ama loo hagradey badbaadinta dadkeena?

a) Ma muuqato qorshe ku adan u diyaargarow dawladeed iyo dad weyne oo salka ku haysa gurmad qorsheysan oo goobaha ay masiibooyinkani ka dhacaan loo diyaareyey la tacaalidooda,Sida:-

I) Dad loo tababarey gargaarka degdega oo gacan ka geysta

ii)Qalab lagu samato bixiyo oo wax lagaga qabto ama lagu mareeyo masiibooyinkan

iii) Ciidan suga amaanka oo ka qayb qaata hawlaha degdega ah

iv) Dad ku shaqeeya iskaa wax u qabso oo u tababaran masiibooyinka noocan ah.

Tusaale:

Waxaa loo yaqaan First Aid ka oo ah gargaar ugu horeeye ee badbaadin kara nafo badan waxaa lagu qaataaa maalin qudha oo lagu baraa dadka wax dhaqaale ama qalab oo buurana kuma baxo maxaa loo waayey in tuulo kasta ama degmo kastaba loogu tababaro dad ka qaybqaatada hawlaha degdega goobahan maalin walba dhibaatadu ka dhacdo.

La soco qaybaha dambe….

(Strong people don’t put others down. They lift them up!.)

Waad Mahadsantihiin, Allah(swt) Mahad dhamaanteed leh

M J Farah. Political analyst and writer, BEng (Hon), BA, AVCE, Cert. C. Journalism

%d bloggers like this: