Be curious, be constructive, and be compassionate. © hogaanka.org

MAXAY ILA TAHAY………?

I) Waxay ila tahay in aynu u baahan nahay

A) Hogaamiye aragti dheer,aqoon,daacadnimo iyo karti leh,u soo diyaar garoobey inuu dalkiisa iyo dadkiisa ka badbaadiyo xaaladaha qalafsan iyo ifafaalayaasha soo muuqda ee isbdelka waayaha dhaqaaale,bulsho iyo siyaasadeed ee inagu soo wajahan sida dibindaabyada qorsheysan ee Farmaajo iyo saaxiibadii oo u muuqda aargoosi dhinaca siyaasada ah oo aan caqli iyo cilmi midna salka ku hayn.

B) Golayaal ina matala oo dhaama kuwan maanta ee aan fahansaneeynba xilkooda iyo waajibaadkoodii loo soo doortey,Waxaynu u baahan nahay haween fahansan dhaqanka siyaasada ee aan ku dhisneyn fikirka Cola cola dabaqaadka, iyo Aflagaada cayda iyo cambaareynta salka ku haysa ololaha siyaasadeed ee qabyaaladeeysan iyo taageerada u badan is muujinta caadifadu hageyso.

C) Odayaal wadaniyiin ah garanaya  Somalilandnimadu waxay tahay,fahansan isbedelada siyaasadeed ee caalamka,farqiga u dhaxeeya fikirka reernimo iyo kan qaranimo, danta guudna ka hormariya tan gaarka ah.

D) Siyaasiyiin buuxiya kaalinta ka banaan siyaasadeena ku saleysaysan wada noolalasha, iskaashiga, deris wanaaga,horumarinta,is xaqdhowka xidhiidhada dalalka caalamka ee midab walba leh lana socda kala garan karana cadawgooda iyo saaxiibkood iyo cadowyada wadankooda iyo saaxiibada wadanka, meel fogna wax ka arki kara abuuri kara saaxiibo garab u ah wadankan yare ee sanadkii 1988 lagu dhuftey bom la mida kii dagaalkii 2aad ( WW II) lagu riday Horoshiima.

E) Culimo lagu aamino caqiidadeena asalka ah ee ku dhisan dastuurka caalamka ee casrigan umada nebi Maxamed (scw) waa Kitaabka iyo Sunnaha nebiga, kuwaas oo daacad ka tahay kana run sheegaya aqoonta ay u lee yihiin kitaabka Alleh(swt) iyo Sunaha nebi Maxamed (scw).

F) Aqoonyahano u heelan korimarinta bulshadoodan la daalac dhacaysa dhibaatooyinka uu ugu weyn yahay Jehliga oo ay ka farcameen Gaajada,Cudurada, Qabyaalada Musuqa,Huguri weynida, bililiqada iyo budhcadnimada.

G) Ganacsato maalgashata dalkeenan hodanka ah ee Allah(swt) inagu maneystey balse aynu garan la nahay sidii aynu u habeysan lahayn khayraadka taasina sababtey in aynu gaajo,biyo  iyo baad lahaan aynu ugu dhex dhimaneyno.

Intaas oo baahiyood ma aha kuwo maalin gelinkeed lagu hagaajin karo balse waa qorshe mudo dheer u baahan ahna barnaamuj lagu dhalan rogi karo caadooyinka xun xun ee bulshadeena dib u dhigay.

II) Uma baahinin in aynu dugsano caadooyinka dib u dhaca ee salka ku haya qabatinka doqonimada aan cudur daarka lahay sida:

1-      Balwadaha uu ugu horeeyo Qaadku:, maalin walba isku celcelis ahaan qofkasta oo reer Somaliland oo qayilaa waxaa qayilaadaas kaga baxa ugu yaraan $10 dolar oo mareykan ah,halka ay cunto,dawo,waxbarasho IWM ay kaga baxdo in ka yar $3 maalin kasta.

2-      Mashaqaystanimada:, waa dhaqan liita adiga oo shaqeysan karaya shaqana heli karaya in aad ku noolaatid shaxaad,baryo iyo wax aan dhaamin ama waalidkaa oo da ahi weli ku masruufo,waxaa lagu qiyaasaa in shaqo la’aanta dalkeenu gaadhayo 97%  dadka xooga ah ee shaqo galka ah baahiyaha shaqo ee ka banaan dalka waxaa lagu qiyaasaa 75% in ka badan,shaqooyinkaas banaan 99% way buuxin karaan muwaadiyiinta Somaliland balse diyaar uma aha waayo waxay u arkaan shaqooyin hooseeya,sidaa darteed waxaa buuxiya dad aan u dhalan Somaliland oo uga soo tacabirey dalalkoodii kuna masruufa caruurahoodii iyo reerahoodii. Shaqooyikaasi waxaa ka mid ah kuwa Adeegyada bulshada,sida nadaafada,caruur ilaalinta,adeegayaasha guryaha, budlayda(waardiyahasha),Adeega guryo dhiska sida kuuliga iyo wastaadnimada,farsamooyinka dhar tolista,doobiilayaasha,shaqaalaha hudheelada iyo kuwo kale oo badan.Shaqooyinkaas iyo kuwo kale oo badan waa shaqooyin laga shaqeysan kara tusaale ahaan wadan reer yurub dadkii u qaxay ee soo galey waxaa ay 80% ka shaqeeyaan waa shaqooyinkaasi aynu soo sheegnay kuwaas oo xitaa ay ku jiraan dad aad wax u bartey markey dalkoodii joogeen ama jagooyin sare ka soo qabtey ayaa ka shaqeeya nadaafada,wardiyanimada iwm.Sidaa darteed xoogaaga oo xalaal ah ayaa wax walba kaga wanaagsan inaad baryo ku noolatid.Shaqo lagu faano mooyee ma jirto shaqo laga faano balse baryada laguma faano ee waa laga faanaa !.

DHAMAAD.

Waad Mahadsantihiin Dhamaantiin,Mahad dhamaanteed ALLAH(swt) ayey u sugnaatey.
M J Farah. Political analyst and writer, BEng (Hon), BA, AVCE, Cert. C. Journalism
©Hogaanka.wordperss.com

Blogs I Follow

%d bloggers like this: