Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

KALMADEYDA MAANTA EE 18 KA MAY!

 

 

14-May-15 fiidnimadan

Ugu horeyn waxaa Mahad dhamaanteed u sugnaatey Allah(SWT), ina siiyey xornimadan maanta aanu u dabaal degeyno ee 18 May.

Xornimadan aynu haysano maanta waxaa jira umado caalamka ka mid ah oo aan haysan oo maalin walba la kulma tacadiyo ka dhan ah xuquuqda Adamka nolosha iyo jiritaanka dadnimo, Sidaas Darteed waxaa lagama maarmaan ah in aynu ku fara adagno xornimadeena iyo dawladnimadeena, waxaa loo baahan yahay in aynu dhisano dalkeena,horumarino, xulano dadkii ku haboonaa ee hagi lahaa siyaasada,dhaqaalaha,caafimaadka iyo waxbarashada, Qaran waxaa burburiya oo dad xora gumeeyaa waxaa ka mid ah:

1-      Hogaamiye aan daacad ahayn ,naxariis laawe ah,aan la taliyaal wax garada lahan

2-      Siyaasiin Daneestayaal ah,qaar aan aqoonba u lahayn dawladnimada dhismaha qaran

3-      Bulsho aan fahan saneen xornimada,dawladnimada iyo qabiilnimada farqiga u dhaxeeya.

4-      Cadaalad daro iyo garsoor xumo

5-      Jahliga oo ah indha tira Adamiga

6-      Fakhriga oo xadhkaha goosta lana waayo cid mareysa

7-      Nebadgelyada oo la maareyn kari waayo kana dhalata qorshaho xumo iyo qiimeyn la’aan  marxaladaha markaa taagan iyo kuwa soo socda.

Kuwaasi iyo qodobo kale ayaa ah arimo u baahan in ayno maskaxda ku hayno hadii aynu nahay Qarankan Somaliland, Waxaa xusid mudan in aynu ka soo gudubney xasuuq,barakac,iyo dhibaatooyin ay geesteen dhiigyo cabyo si qaldan gacanta ugu dhigey dawladnimadii dalkii la isku odhan jirey JAMHUURIYA SOMALIYA.

Tusaale Fiican waxaa inagu filan Kacaankii 21 Oktober ee uu hogaaminayey General Maxamed Siyaad iyo xasuuqii balaadhnaa ee uu ku baabiyey magaalooyinkii iyo dadkii ku noolaa Somaliland. Waxaa xusid mudan in magacyada ay saxaafada caalamku u bixiyeen hogaamiyayaashii saree e ciidamada qalabka sida :

Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) oo ahaa taliyii qaybta 26 aad ayaa ka mid ah dadkii geystey xasuuqa baahasan, isaga oo loo dalac siiyey Wasiirka gaashandhiga ka dib markii uu xasuuqay dad aan waxba galabsan kulana magac baxay Dad qalkii Hargeisa ama Kaawaan lihii Hargeys “ Butcher of Hargeisa”

Sidoo kale dib u dheeho faalada  : BBC News: Africa.

Tuesday, 8 January, 2002, 18:05 GMT

Analysis: Somalia’s powerbrokers

 

A former army commander and son-in-law of Siad Barre, he became known as the “Butcher of Hargeisa” in the late 1980s when he conducted military operations against SNM. Hadaba waxaa aynu u baahan nahay in aynu ka taxadirno mar labaad in aynu ku dhacno khaladkii ay awoowadeen ama aabayaasheen galeen, taas oo sababtey in laynagu xasuuqo,maalkeenii,qalabkeenii,diyaaradaheenii iyo waliba ciidamadeenii aynu mushaharkooda bixineyney ka waran caalamka diyaarad madaarkii ay ka kacday dib u duqayneysa,magaaladeedii iyo dadkeedii bom gareenaysa taasi waxay ku dhacdey garaadka General Morgan iyo kuwo aan dhaamin,oo walina aan quusan ee la soo taagan idho adag halkii ay ka dhuuman lahaayeen ama cafis Allah(swt) waydiisan lahaayeen iyo dadkii ay dambiyada ka galeen.

Ugu dambey 18ka May ma aha maalin ku timi caadifad ee waa malin ka dhalatey caqliga dad fahamsan waxaa markaa joogey iyo waxaa soo socdaba,waana maalintii reer Somaliland goosteen inay kuwada noolaadaan nabad,cadaalad,xornimo iyo in laysa saamaxo oo loo midooba hal qaran oo la yidhaahdo JAMHUURIYADA SOMALILILAD. Taasina waa ta keentey in Mudane Dahir Riyaale uu madaxweyne ka noqdo Somaliland isaga oo hore u ahaa Taliyaha Nabadsugida degmada Berbera Dawladii Maxamed Siyaad  Halka Axmed Siiraanyo oo ahaa Gudoomiyihii ugu wakhtiga dheeraa ee ururkii SNM kaga guuleystey Riyaale doorashadii Silaanyona ku hadhay dorashadii  aqbaleyna na tijadii tani waa tusaale muhiim ah oo cadeyneysa in Somaliland loo wada siman yahay oo aan Mujaahid iyo Faqash ay mideysay danta Somaliland iyo dhalashada 18 ka May oo ah maalin ku xusan taariikh,isa saamixid,walaalnimo iyo kal soonidii dadka reer Somaliland oo soo noqotey.

(Strong people don’t put others down. They lift them up!.)

Waad Mahadsantihiin, Allah(swt) Mahad dhamaanteed leh

 

M J Farah. Political analyst and writer,  BEng (Hon), BA. AVCE, Cert. C. Journalism

 

 

 

Categorised in: Politics, somaliland 18 may 2016

%d bloggers like this: