Be curious, be constructive, and be compassionate. © hogaanka.org

QAYB KA MIDA DHIBAATOOYINKA HARGEYSA HA DHEEYEY

Ma aha Hargeysa oo keliya meelaha dhibaatooyinka dhulku ka taagan tahay balse hargeysa oo caasimadii Jamhuuriyada Somaliland ahi waa meesha ugu daran ee dulmiga iyo isku xoog sheegashada dhulku gaadhey heer nafo ku baxaan oo lagu dagaalamo.

Waxaa arkeysaa dad badan oo meeshii ay degenayeen mudo badan kuwo kale ku haystaan, iyo kuwo iska degey meel ay dadkale lahaayeen,kuwo isku soo durdurkey waxaas oo dhami waa waaqaca jira ee nolol maalmeedka Hargeysa.

In yar hadii aan taariikhda dhibaatada dhulka dib u yara daymoodo waxaa ay bilaab matey Sanadadii dhamaadkii totobaad ta neeyadii iyo bilowgii 1980kii sida aan filayo wakhtiyaadaas oo magaaladu aad u balaadhaneysey culays badanina kaga yimi qaxootiyadii ka soo qaxay Somali galbeed, oo ay ku jiraan dadkii loogu magacdarey Somali Aboo ama Oromadii dhulkaas degeneyd.

Sidoo kale wakhtigaa waxaa jirey rag badan oo ka soo xoogsadey dalalkii khaliisha oo markaa dhismayey dhaqaale ahaan iyo maamul ahaanba ka dib markey ku guuleysteen soo saarka shidaalka. Dadka ka soo shaqeystey dalalkaa Carabta ee shidaalka soo saarey waxay bilaabeen dhismaha ay wadankooda ka dhisanayaan guryo dhagax ah oo ay qooysaskooda u dhisayaan,taasina waxay keentey in qiimihii dhulku kor u kaco. Arinta kale ee Xusida mudani Waxaa dhul dawladii xiligaasi siisay dadkii ka soo qaxay dagaaladii dhexmarey Somaliya iyo Ethopia, Sidoo kale waxaa dhul la siiyey Saraakiishii sare ee ciidamadii Somaliya ee qaybtii 26 aad ee gobolada waqooyi, kuwaas oo iyaguna aan dhisaneynin dhulkaas ee bilaabay iney ka ganacsadaan,oo dib u iibiyaan badankoodu.

Sannadaas khasatan 1980 – 1986 waxaa kor u kacay in dhulka laysku qabsado oo dacwadaha dhulku noqdeen kuwo xadka ka baxay oo wakhtigaa loo sameyey gudi ka garnaqda oo kala saarta dadkaasi, Maalin walba hadii aad dawlada hoose ee hargeysa soo hormarto waxaa in dhahaagu qabanayeen dad hor tuban xafiisyadaasi oo falalka aysitaan sitaan ku dhuugoobeen gacmahooda, dacwadahaasi waxaa ka faa’iideystey oo dadkii xafiisyadaasi maamulayey ama shaqaalaha ka ahaa oo ka heley dhaqaale kor u qaadey dhiirina gelisey musuqmaasiqii iyo abuurida dilaalin iyo shaqooyin aan sharci ahayn oo ku soo kordhey dhaqankii maamulka iyo maareynta ee dalka.

Dhibaatooyinkaasi oo sii balaadhey ayaa waxaa dhacdey in 1988 kii bishii May dabayaaqadeedii uu ururkii SNM dagaal ku soo qaado Magaalooyinkii waa weynaa ee Hargeysi ka midka ahayd dagaalkaas bilowdey wuxuu keenay in xasuuq ba’an loo geysto dadkii ku noolaa magaalooyinkaasi ugu dambeyntiina dadkii iskaga qaxaan dhulkoodii iyo guryahoodii. Iyaduba waxay ahayd arin lagu cibro qaato waayo dadkii isdulmiyayey ee dhulka isku haystey in waliba aqalkiisii oo buuxa ayuu ka lugeyey oo uu neftiisa la baxsadey

Dadkaasi waxay iskugu tageen xeryihii qaxootiga ee Itoobiya halkaas oo loogu qaybiyey Taandhooyin ay ka galaan roobabka iyo dhaxanta,ogow dadkan waxaa ku jira kuwii dhulka isku haystey ee maalin walba falka la dultaagnaa xafiiska dhulka ee magaalooyinka ay hargeysa ugu horeyso.

1991 bilowgiisii ayaa dalkii dib loogu soo noqdey ka dib markii dawladii maxamed siyaad laga xoog roonaadey ,Mudo yar ka dib waxaa bilaabmey in ay dadku dib u dhistaan guryahoodii, marba heer ayey mareysey waxaa barbarsocday soo noolaha dabeecadii dhul isku qabsiga iyo dhul cusub boobka,maalin walba maalinta ka dambeysa ayey sii xoogaysaneysey ilaa ay gaadhey in dad ku waayaan neftooda fidnada dhulka,waxaa soo shac baxay dhaqan aad u liita oo dad dhulkooda lagu damaaciyo,waxaa ka fahmi gartaa ereyga Ku soo caan baxay Dhulka ee ah: KU QABSO KU QADI MEYSIDE

la soco qaybta 2aad oo aan dulmar ku sameyn doono xalka iyo cida masuuliyadeedii gabtey in ay wax ka qabatona looga fadhiyey.

Waad Mahadsantihiin, Allah(swt) Mahad dhamaanteed leh
M J Farah. Political analyst and writer,  BEng (Hon), BA. AVCE, Cert. C. Journalism

Blogs I Follow

%d bloggers like this: