Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

Ramadaam iyo Safeynta Nefteena!

Ramadaam waa Bisha 9aad ee Bilaha sanadku ka kooban yahay oo ah 12 bilood tiro ahaan,tani waxay ina tusaysaa in mudo 8 bilood ah sanad kasta nolosheena ku soo qaadano, camalo la xidhiidha kheyr iyo sharba(Camalo Wanaagsan iyo Camalo aan wanaagsaneyn) sidaa awgeed bisha Ramadaam waa mid Allah(swt) uu Adoomadiisa ugu talo galey in camaladooda ay soo wadeen 8 daas bilood ay ku kabaan bishan barakeysan ee Ramadaam si ay sanadka ku kamilaan camaal wanaagsan oo salka ku haysa guusha dunida iyo tan aakhiroba sidaa darted ayaa Allah(swt)naxariistiisa awgeed uu inoogu doorey bishan Ramadaam oo ahna bishii Quraanku soo degey.
Si Adoomada Alle uga qanimeystaan oo ay ugu beregtamaan khayrka,dembi dhaafka,is kaalmeynta iyo isku naxariisashada umada dhexdeeda.Sidaa darteed
Bishan Ramadaam waa in aynu gacan furnaanaa oo aynu foqorada u naxariisanaa oo aynu quudinaa.Waa in aynu dadka wanaaga ku dhexfaafinaa oo aynu bariida dadka aynu badinaa kuwa aynu naqaano iyo kuwa aynaan garaneyninba.
Nin baa weydiiyey Nebiga (scw): ” maxa camal la sameeyo ugu wanaagsan?
Nebigu(scw) wuxuu ugu jawaabey:”Quudinta foqorada iyo salaamida kuwa aad Taqaanid(garaneysid) iyo kuwaanad aqoonba(aanad garaneynin).” (Muslim).Waa in
aynu badinaa cibaadada oo aynu toban labnaa sida:
Soonka(fasting),Salaada(Salah),Quraan Akhriska(reciting Quran),Salladaha Taraweexda(Taraweeh prayers),Xusuusashada Alle(swt),Tusida(u muujinta) dadka naxariista, la wadaaga dadka Cilmiga iyo aqoonta faa’iidada leh,Booqashada bukaanada,Saamixida dadka ku dulmiya ama dhibka kuu geysta,badinta ducooyinka iyo in Allah(swt) kuu dembi dhaafo iyo raadinta Layltul Qadrka.
Dhamaan Camaladaasi wanaagsani waa kuwo aynu u baahan nahay in aynu ku xoojino cibaadadeena bishan barakeysan si Alleh(swt) inoogu dhaafo dunuubteena,Camalkeena uu inooga dhigo mid wanaagsan oo aynu ku liibaano Dunida iyo Akhiroba.ALLAH(swt) ha iga dhoofo wixii khalad ah ee ku Jira qoraalkeyga kooban waa iga aqoon daro ee wixii aan asiibeyna hagu naxariisto.Dhamaantiina Allah ha inaga Aqbolo Soonkeena,Salaadeena iyo Camal kasta oo fiican oo aynu sameyno.Ha inaga dhigo kuwii hela naxariistiisa,iyo abaal marintiisa Janooyinkiisa sare lana jaara Nebigeenii (scw),Nebiyadii,awliyadii iyo saalixiintii uu Allah ku amaanay Camalkii wanaagsanaa ee ay sameenjireen.
Aamin Yaa ALLAH.

Categorised in: Articles, Religion

%d bloggers like this: