Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

MA FARSHAXANIIN SIYAASADEED MISE FOOLXUMO SIYAASI?Q.1

In badan ayeynu markhaati u ahayn dhib ay abuureen Siyaasiin Somaliyeed,kuwaas oo ay uga dan lahaayeen uun hami gooda jaranjarooyinka ay ku kori lahaayeen masabka umada, si qaldan oo aan waafaqsaneyn sharciga Allah(swt). Iskabadaa kan ay dadku gacmahooda ku sameysteen ee dimuqraadiyadawixii la halmaala,oo aan heshisba lagu aheyn qeexideeda.
Daneysiga shaqsigu waa astaanta aynu ku baraney inta badan siyaasinta Somaliyeed,way yar yihiin siyaasiyiinta Somaliyeed eek a fayow cudurka Aniga uun aan noolaado,magac helo,aan muuqdo iyo waxgaradku waa Aniga uun.
Waa yar yihiin ama maba jiraanba siyaasi Somaliyeed oo ah farshan siyaasadeed,Farshaqanimada siyaasadu waa qurxinta,habeynta,isku dubaridka,gaadhsiinta fikirka iyo shaqada lagu dhisayo mujtamac leh higsi fog oo bulsho barwaaqeyn,si cilmi iyo aqli ku dhisan,waa baadhitaan salka ku haya xaqiijinta,xal raadinta daldaloolooyinka dhismo bulsho loo sahaminayo nolol ku dhisan sinaan iyo waxwada lahaansho ku dhisan sharci iyo kala dambeyn salka ku haysa aragti siyaasadeed oo fog.
Ma aha mid aan dhaafsiisaney maxaa aniga ee dan ah balse waa mid ka balaadhan arintaas oo ah: MAXAA U DAN AH UMADAYDA EE AY KU GAADHI KARTAA HORUMAR CADAALAD KU DHISAN OO DHINAC WALBA KA DHAMEYSTIRAN.
Intaasi waa iga horudhac ku saabsan guud ahaanba sida siyaasiga Somaliyeed igu muuqdo oo aan aminsanahay in ay tahay arin aan muran lahayn in kasta oo ay jiri karaan dad iga aragti duwan.
Halkan waxaan ku soo qaadanaya dhacdooyinka aan markhatiga u haysto in ay siyaasiinta Somalidu 99% yihiin dantooda eeg tayaal ka madhan danqashada umadooda ee dhibaatooyinka haysta kuwaas oo kaga yimi siyaasiintooda.
1- Cali Khaliif Galeyr(Khaatumo) iyo Somaliland.
Mudane Cali waa nin Oday ah oo Siyaasada Somalida mudo dheer ku soo jirey ,waa nin aan la odhankarin khibrad ama waayo aragnimo siyaasadeed,dhaqan,bulsho ayaa haysa.Sidoo kale Waa Aqoon yahan mudo dheer ku jirey xayndaabka Aqoonta Maadiga ah,waxaa loogu yeedhaa Proff.Cali.
Waxaa uu jagooyin wasiirnimo ilaa rayiwasaare ka soo qabtey Dawladihii kala duwanaa ee Somaliya. Iyada oo intaasi oo dhamiba jirto oo loo tirinayo ruugcadaadi siyaasadeed iyo Odey Somaliyeed oo dalkiisa iyo dalkiisaba wax u qaban kara, ayaa wax tarkiisii noqdey waxyeelo, waayo cid kale iska daaye Reer kiisii Dhul bahante ayuu mideyn kari waayey oo uu ku fashilmey midayntooda,waxaana uu ku darsadey in uu idhaha ka xidho duruufaha adage e haysa dadkiisa,oo naf iyo maalba u huro degaankiisa sidii uu abaaraha,colaadaha,duruufaha caafimaad eek a jira wax uga qaban lahaa.Mudane Cali wuxuu lumiyey Kaalintii odeynimo,Somalinimo iyo Somalilandnimoba waayo waxay ahayd in uu maanta odey u noqdo Somali oo dhan kana Shaqeeyo isku soo jiidida dadka Somaliyeed balse hadii uu xitaa lumiyey arintaa muxuu u mideyn waayey reer khaatimo hadii uu daacad ka yahay aragtidii siyaasadeed eek u wajahan beesha dhul bahante. Cali Khaliif wuxuu u tafaxaytey kala fogeynta Dadka reer Somaliland ee Walaalaha ah ehelka ah isaga oo dank a lahay midnimadooda iyo walaalnimadooda,nabad kuwada noolashahooda balse sidii uu afkiisa ka qirtey ee uu yidhi: “ HADDII AANAN ANIGU SALAANKA SIYAASADA KU FUULIN YAA KALE EE KU FUULAYA REER KHAATUMO”.
Mudane Cali oo qudha ma aha Siyaasiita magaca ku leh Dadkooda ee hadana aan qaadan kaalintii lagu horumarin lahaa dalkooda iyo dalkooda balse waxa mid ka mida…………
Lasoco qaybaha dambe

Waad Mahad Sanidin. Allah(swt) Ayaa Mahad Dhamaanteed u Sugnaatey.
M J Farah. Political analyst and writer, BEng (Hon), BA, AVCE, Cert. C. Journalism
©Hogaanka.wordperss.com

Categorised in: Articles, Politics

%d bloggers like this: