Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

MA FARSHAXANIIN SIYAASADEED MISE FOOLXUMO SIYAASI?Q.2

Cali Khaliif wuxuu u tafaxaytey kala fogeynta Dadka reer Somaliland ee Walaalaha ah ehelka ah isaga oo danka lahay midnimadooda iyo walaalnimadooda,nabad kuwada noolashahooda balse sidii uu afkiisa ka qirtey ee uu yidhi: “ HADDII AANAN ANIGU SALAANKA SIYAASADA KU FUULIN YAA KALE EE KU FUULAYA REER KHAATUMO”.

Mudane Cali oo qudha ma aha Siyaasiita magaca ku leh Dadkooda ee hadana aan qaadan kaalintii lagu horumarin lahaa dalkiisa iyo dadkiisa balse waxa mid ka mida Mudane Cali marna lagama fileynin in uu ku soo hoos noqdo reernimo balse waxaa dhalinyaradu ka filayeen in uu noqdo mid laga daydo wadaniyada iyo dhismaha qaranimada dalka gaar ahaan Somaliland oo uu ka soojeedo balse xisaabta saadalinta ee cilmiga farshanka siyaasadu way ka qaldantey oo isku darka iyo daraasada qorshaha mala awaalka saadasha ee siyaasada somalida ayaa najiidadii u soo baxdey waxay u eeg tahay in uu istustey Sidan:

Kol haddii Somaliyi Qaybsantey oo Federal iyo Somaliland noqotey sida keliya ee aad ku najixi kartaa waa Adoo Dhulbahante gees u la go’a  oo Somalidii Midowdey 1 July 1960 hadii ay kala tegen oo Somalida Federalka ah iyo Somaliland noqdeen Khaatumo ka dhex samee si aad ugu gorgortanto  oo aad labadaba ku khasaarin mid hadii aad masab ka weydo kan kale ula macaamisho , balse waxay ku qurux badney inuu saddex talaabo mid uun qaado :

1-      In uu oday somaliyeed oo dhexdhexaad u ah loolanka siyaasadeed ee Somalida federalka ah iyo Somaliland noqdo oo uu ka qayb qaato wada hadalsiintooda, la talintooda iyo isku soo dhaweyntooda waayo waa uu ka geysan karey gacan waxaana uu heli lahaa magac iyo maamuus ka balaadhan waxan uu raadinayo oo taariikhda ayuu geli lahaa .

2-      Haddii uu taas ka ilduufay waxaa u furnaa in uu maskax iyo xoogba geliyo ka qayb qaadashada dhismaha qaran Somaliland ah oo loo wada siman yahay ka dibna uu isagu hogaamiyo oo uu horseedba u noqdo somalilandta cusub.

3-      Tanina haddii ay u cuntami weydey waxay ahayd in uu maskax iyo dhaaqaaleba geliyo siddii uu u dhisi lahaa dhulbahante oo mid ah heshiis ah is aaminsan meel na uwada jeeda.

Saddexdaas wado waxa aan ahayn oo u furnaa ma jirin haddii hami siyaasadeed hayo, balse haddii aanu siyaasad diyaar u ahayn waxay ahayd in uu adeerkey cali khaliif iska nasto oo uu wakhtigiisa ku saleeyo cibaado iyo camal aan farshaxanimada siyaasad ahayn.

Wey badan yihiin Siyaasiinta Somalida ee aan kaba saaqidin siyaasada,markey waxoogaa suursanaadaanba inagu soo baraaruga.

In yar haddii aan  wax ka tilmaamo wax yaabaha ka dhalan kara ama ka dhashey heshiiska cali khaliif hogaamiyaha khaatumo iyo dawlada Somaliland waxaa ka mid ah:

a)      Soo bixitaanka kooxo hor leh oo iyaguna wada gorgortan kale sida hadaba soo shaac baxeysa ee kooxda dhisatey ciidamada la magac baxay Gaadh haye ee bariga sanaag.

b)      Khilaafyada iyo tabashooyinka jira oo sii xoogeysta si ay kooxaha daneystayaasha ahi u helaan fursad ay isku muujiyaan si dhaqaale ama masab u helaan.

c)      Iney ay sameysmaan dilaalin siyaasadeed.

Arimahan oo dhami waxay soo kordhinayaan culeys dhaqaale,nabadgelyo iyo xoojinta musuqa.daneysatanimada iwm.

Waxaana meesha ka baxaya adeegyadii bulsho ee la rabey in kor looqaado,waayo dhaqaalihii waxaa loo leexinayaa meelo aan wax tar u lahayn mujtamaca dan yarta ah.

Anigu ma diidani in lawada hadlo,wadanka daganaanshihiisa laga shaqeeyo,oo si cadaalad iyo sinaan ah wax loo wada qaybsado balse waxaa aan ka soo horjeedaa mashaariicda siyaasadeed ee lagu xalaashanayo hantida umada iyada oo aaney muuqan nitiijo wax ku ool ah oo ka soo baxaya wada hadalno aan dhaafsiisnay dano shaqsiyadeed oo salka ku haya dhaqaale iyo maskab. Waxaa aan aaminsanahay dadka reer Somaliland ama Somaaliyeed waa dad isku mida balse ay kala geyeen Siyaasin damqashada iyo dacadnimadu ka madhan tahay, oo aan wax naxariis ah lahayn. Kuwaasi ayaa kala fogeeyey dadka, balse maanta waxaa haboon in Somaliland iyo Somaliya Siyaasiintoodu iska kaashadaan dhismaha laba dal oo walaalo ah jiraan ah,oo isku tiirsan jidkaasi waa midka qudha ee ii muuqda in uu anfac iyo waxtar u leeyahay Somali oo dhan.In la midoobo iyo in la kala maqnaado waa arin kale balse maanta waxaa la gudboon siyaasinta somaliyeed in ay dhisaan mujtamac somaliyeed oo walaalo ah taasina waxay ku iman kartaa oo keliya hogaamiyayaal fahansan xaalada siyaasadeed ee Somalida federalka ah iyo Somaliland oo si kala duwan u koreyey dhowr iyo labaatankii sanadood ee u dambeyey.Waa xaqiiqa aan cidina iska indho tiri Karin in 100% Somaliland iyo Somalida Federalka ahi kala madax banaan yihiin siyaasad ahaan , inkasta oo Aqoonsi caalamiya haysan Somaliland hadana si dadban ayey ayey u heysataa aqoonsi sir ah oo aan u muuqan dadka caadiga ah balse si kale u shaqeenaya kaasi oo u tadawiri doona mid ka baxa sirta hadii ay siyaasinta Somaliland noqdaan farshahamiin siyaasadeed,oo ay bedelaan dhaqanka siyaasinta somaliyeed badankooda ee fool xumo siyaasi!

Waad Mahadsantihiin Dhamaan. Allah(swt) a yaa Mahad dhamaan teed Leh

M J Farah. Political analyst and writer, BEng (Hon), BA, AVCE, Cert. C. Journalism

©Hogaanka.wordperss.co

Categorised in: Articles, Politics

%d bloggers like this: