Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

TARTAMAYAASHA DOORASHADA MAXTOOYADA EE SOMALILAND MIYEY HURDAAN MISE………Q.2?

12cisho ayaa laga joogaa maalintii aan balan qaadey in aad ka jawaabi doona su’aasha!

Ma aha su’aal yar ama macno daro ah waa su’aal wax badan u kashifi karta sida ay wax uga jiraan hogaamiyaasheena siyaasadeed iney fahmi kari la yihiin wax yaabo badan,waxaa aan jecleystey in aan su’aasha jawaabteeda la wadaago akhriyasha balse aanan ku koobnan uun qoftii I su’aalaysu’aashaas I weydiiyey,haddii aad isku dayeyso jawaabta su’aasha waxaa aad jawaabtaada igu soo dirikartaa email: rashiid64@outlook.com waxaa ay iga caawindootaa in aad wax ka ogaado in dhaliilaha loo jeedinayo dadka doorasha u tartamaya iyo dhaliilaha ka muuqda. Sida ay u jiraan iyo waxaa laga filayo culeyskiisa inta uu leeg yahay

Maan helin jawaabo ku filin in aan ku qiimeeyo jawaabahayga waayo dadka ka soo jawaabay codsighayga oo aan badnay owgeed sidaa darteed aniga ayaa isku koobaya sida aan u arko dhaliilaha musharaxiinta aniga oo si guud uun uga hadlaya wakhtigan.

Marka taariikhda dib u milicsano maalin walba waxaa siyaasada caalamka ku soo biira aragtiyo,afkaar, isbedel,horumar iyo dib u dhacba horseeda Somalilana waa mid ka mid ah Caalamka oo waxay la wadaagtaa sameynta isbedelada siyaasadeed,dhaqaale iyo bulsho.

Waliba waxaa u dheer dhibaatooyinka qaran aan aqoonsi ka helin caalamka.

Waxaa kale oo Caqabad ku aha Dawlada Somaliya oo rabta in ay mijo xaabiso dhismaha iyo nabada ka jirta Somaliland.

Waxaa iyaduna aan ka madhnaynin Dawlado dano kala duwan ka leh in xaalada wadankii la odhan jirey Somaliya uu kala lusho oo aaney kala tegin wada jirina oo sidaa xaaladu ahaato (isa sheegasho), aan xal lahayn.

Waxaa iyaguna jiri kara siyaasiin Somaliyeed oo aan ka faa’iidaysan waayihii somaliya ee keenay in ay burburto Somalidii Midowday 1 July 1960 Kala noqoteyna 18 May 1991.

Intaas oo caqabado ah oo jira waxaa aad moodaa in ay dhaliilo badan ka muuqato qaabka ay u wajahayaan musharixiintu ololahooda waayo:

    Musharixiintu kama muuqato ololahooda adegsiga awooda Baraha bulshada (social media).

Waxaynu ognahay in isgaadhsiinta casriga ee aduunku, caalamka ka dhitey hal tuulo oo aan war isku seeganeyn  khayr iyo sharba wax kasta oo ka dhaca, daafaha caalamka.Waxaa suura geliyey waa Farsamada casriga ah(new technology) iyo horumarka laga gaadhay. Isgaadhsiinta casriga ah waxaa ay sahleen isku xidhka caalamka iyada oo la adeegsano Baraha Bulshada( Social media) Sida :

a) Facebook , Twitter,Instagram, Google+,LinkedIn, Reddit and Pinterest. Adeeg siga Social Media waxaa isticmaala in badan oo dadka codka laga rabo oo u badan dhalinyarada, dadka dhexdhexaadka ah in ka badan 60%, balse musharixiinta iyo xisbiyadoodu kama muuqdaan in ay ka faa’iideysteen isticmaalka social media yaha oo taageerayaashooda ama tageerayaal cusub ku wacyi geliyaan.

b) Dhinaca Smart Phone ka: Waxaa aynu og nahay in smart phone yahay mid wax badan ka bedelay isku xidhka bulshada,dhaqaalaha,caafimaadka,siyaasada iyo in ka badan oo sameyn ku leh isbedel nolol maalmeedkeena sida muuqata Bulshada bulshada Somaliland in ay 65% ay haystaan smart phone , halka in ka badan 20% ay haystaan telifoon aan ahayn smart phone guud ahaan dadka haysta mobile phone ee codka bixin kara in ay gaadh in ka badan 85% kuwaas oo ku nool dhamaan magaalooyinka tuulooyinka iyo miyiga fog ama dhow ee dalka jamhuuriyada Somaliland.Mana muuqato wax cadeynaya in musharixiintu ama xisbiyadoodu ay isticmaaleen texyo ama fariimo kale oo ay u dirayn dadka taageersan ama ay ku soo jiitaan tageerayaal cusub.

c) Adeegsiga TV yada radio yayaasha, iyo Wargeysyada (newspapers):

Dad badan ayaa ku xidhan aladahan oo ilaa imika isticmaala caalamka,balse Somaliland dadka badankiisu gaar ahaan dadka waaweyn,iyo dadka ku nool miyigu waxay aad ugu xidhan yihiin Radio yasha,halka laga yaabo in Tv yada iyo Wargeysyada ay aad ugu xidhan yihiin dadka qurbaha ku nool.

Waa ay jiraan in xisbiyadu iyo musharaxiintu isticmaalaan noocan ka mida saxaafada ha ugu badnaato tvyadu (kuwa gaarka loo lee yahay iyo kan dawladu maamusho).……….

Mahadsanidiin dhamaantiin,Allah(swt) ayaa ay u sugnaatey mahad dhamaanteed

 

Categorised in: Articles, Politics

%d bloggers like this: