Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

TARTAMAYAASHA DOORASHADA MAXTOOYADA EE SOMALILAND MIYEY HURDAAN MISE……?Q: 3aad.

 

  1. c) Adeegsiga TV yada radio yayaasha, iyo Wargeysyada (newspapers):

Dad badan ayaa ku xidhan aladahan oo ilaa imika isticmaala caalamka,balse Somaliland dadka badankiisu gaar ahaan dadka waaweyn,iyo dadka ku nool miyigu waxay aad ugu xidhan yihiin Radio yasha,halka laga yaabo in Tv yada iyo Wargeysyada ay aad ugu xidhan yihiin dadka qurbaha ku nool.

Waa ay jiraan in xisbiyadu iyo musharaxiintu isticmaalaan noocan ka mida saxaafada ha ugu badnaato tvyadu (kuwa gaarka loo lee yahay iyo kan dawladu maamusho).In kasta oo la odhan karo warbaahinta dawladu xisbiga xaakimka ayey u xaglineysaa,

balse waxaa cad in aaney xisbiyadu iyo tartamayaashuba xooga saarin wacyi gelinta iyo kasbashada codbixiyayaasha qaab ka horumarsan kii doorashadii ka dhici jirtey wakhtiyadii aaney jirin isgaadhiinta casriga ah iyo baraha bulshadu.

Waxaa muhiima in aan dul maro musharaxiintii isa soo sharaxayey ilaa laga soo bilaabo doorashooyinkii Somaliland tii hore ee isku diyaarinaysay qaadashada madax banaanida ama Jamhuuriyadii Somaliya markii lawada ahaa dhawr iyo lixdankii, ama Somalilandta Cusub(Jamhuuriyada Somaliland) ee hada ka Talisa cariga Somaliland doorashooyinka iyo musharixiintuba waa kuwo aan waxba ka badalin xirfadihii gaboobay ee hore loo tijaabiyey taas oo salka ku haysa nidaamka qabyaalada. Oo weliba lagu xardhay anshax xumo iyo aflagaadooyin lagu durayo reero iyo dad sharaf leh.

Marka dhankaas laga eego waxaan o dhan karaa ma hurdaan, balse waxaa ka maqan qorshihii ,hal abuurkii iyo isbedelkii ay ku kasban lahaayeen dadka codka bixinaya markaa waxay door bideen in ay copy gareyaan siyaasintii ka horeysey ee doorashada u tartamey qaabkii ay dadka codbixiyayaasha u kasban jireen oo ahaa Hadii aynu reer hebel nahay waa markeenii (ama la idoorey ama daadku iqaad).

Dhanka kale waxaad arkeysaa Aqoon lagu faanayo oo iska magac ah hadii aad haysato  degree ga ugu sareeya cilmibaadhista ee loo soo gaabiyo (HDR) oo aanad aqoon u lahayn ama kartidaaduba aaney hogaamin Karin laba qof  aqoonta dunida oo dhan iyo buugaagta taala waxba kugu kordhinmayso balse waxaa ka farshaxanimo wanaagsan mid tacliinta dugsiga sare dhameystey balse kartidiisu,waayo aragnimadiisu,daacadnimadiisu iyo daacadnimadiisu gaadhsiinsan tahay heer uu ku dhisi karo dal iyo dad ku mideysan horumar iyo barwaaqo  tani waa mida ay ku timi hal ku dhiga  DA’A YAAN LA URURINE WAAXGARAD HALA URURIYO .

Arinta kale ee aan u cuskan karo waa laba arimood oo kale oo u baahan in aynu fahano Dawladnimada iyo reernimada farqiga u dhexeeya iyo saameynta horumarka dalka iyo qabiilooyinka dalka intaba tani waxaa odhan karnaa waa sababta hortaagan in aynu helno qaran horumarkiisu taam yahay (dhameystiran yahay).

Kol kaana waxaynu odhan karnaa siyaasinta tartamayaa iyo xisbiyadoodu waa kuwo la socda wakhtiga casriga ah balse dadka reer Somaliland ee codka laga rabo Ayaan la socon wakhtiga casriga ah iyo dawlada casriga ah tan waxaa markhaati u ah:

  1. a) Xisbi kasta oo qaran dastuurkiisa waxaa ku qoran iyo madaxdiisa odhaahdooda waa kuwo iska hor imanaya hadii aynu soo qaadano Xisbi kasta waxaa ololihiisa ay ku howlgaan olole asal iyo saldhig u yahay hal qabsiga reer hebel iyo reer hebal  ayaa raba iney soo saaran musharax hebel iwm.
  2. b) Beesha Reer hebel oo taageeray xisbiga qaran ee habel oo shir jaraid ku qabatey hotel hebelAbtiyadaa baanu nahay, adeeradaa ayaanu nahay iwm, oo gobolkani adiga ayaa kuugu shubayaa
  3. c) Gobolkasta oo ka mida gobolada Somaliland xisbigu wuxuu u dirtaa oo u ololeeya mid reer ahaan ka soo jeeda gobolkaasi. bal xusuusow aragtidani waa mid aan ka duwaneyn Siyaasadii Maxamed Siyaad bare uu isticmaali jirey sanadadii 1980 ilaa 1989 kii markii uu gobolada Somaliland uu u soo dirijirey dad dawladiisa ku jira oo u dhashay goboladaasi si ay markhaati ugu noqdaan dhibka uu ku hayo dadkaasi aan waxba galabsan, waayo waxba kama qaban war bixiintii ay u keenaan oo aan ahayn inuu sii laba laabo dhibkii hore uga jirey wax ka qabasho hadalkeed iskaba daaye.

Markhaati uma baahna iyo cadeyn arimahani waayo waxaa kugu filan adiga oo youtube ka ama baraha kale ee techoology yada ee lagu keydiyo data in aad gashid oo aad google waydiiso waxyaabihii ugu dambeyey ee ay ku hadleyn musharaxiinta saddexda xisbi qaran iyo kaadiriinta xisbiyadooda ama taageeradooda,waa aad helaysaa macluumaad aad la yaabeysid oo 80% reer iyo xisbi aan dhaafsiisaneyn.

Kama helaysid Macluumaad la xidhiidha qorshaha musharaxa iyo xisbiga ee dhismaha qaran Somaliland ah oo uu gaadhsiinayo heer dadkiisu ka mid noqdaan dalalka aduunka ee ugu horumarsan dhinacyada siyaasada,dhaqaalaha iyo arimaha bulshada. Taa bedelkeedaa waxaa aan u arkaa in aaney muuqan strategy cad oo  xisbiyadu iyo tartamayaashoodu ka lee yahay mideynta mushtamaca Somaliland fikir dhisaya la dagaalanka musuqa oo meel halisa maraya, biyo la’aanta oo meel halisa mareysa,sharciga oo aan shaqeyneynin loona baahan yahay in cadaalada kor loo qaado,shuruuc badan oo qabyo ah iyo kuwo muhiim u ah dhismaha qaranka oo aan jirinba,shaqo la’aanta iyo maareynteeda,nabadgelyada iyo difaaca qaran ka kuwaas oo dhan. Sideedaba Qaranku waa jirida,xididada isku haya geedka intiisa kale qabiiladuna waa…….

La soco qayaha dambe

Mahadsanidiin dhamaantiin,Allah(swt) ayaa ay u sugnaatey mahad dhamaanteed

M J Farah. Political analyst and writer, BEng (Hon), BA, AVCE, Cert. C. Journalism

©Hogaanka.wordperss.com

 

 

Categorised in: Articles, Politics

%d bloggers like this: