Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

TARTAMAYAASHA DOORASHADA MAXTOOYADA EE SOMALILAND MIYEY HURDAAN MISE Q:5………?

 Balse waxay u baahan yihiin hogaamiye bisil oo aragti dheer,daacad ah,waxaa uu qabanayo maskadiisa ku keydsan tahay,raba inuu Somaliland oo mid ah Madaxweyne u noqdo,oo citiraafkeeni kara,dhaqaalaha kobcin kara,difaaci kara dalkiisa,shaqooyin abuuri kara,xoolaheena wax soo saarkooda iyo suuqgeyntooda habeen kara , walse nasiib daro xisbiyada aan ogahay dadka hagaya kama filayo waxaan ahay feenasho iyo xaalufin dad iyo degaan, waxaa aad moodaa in dad badan oo ku saaqiday shaqadii loo xilsaarey iney hanqalka la soo kaceen iyaga oo doonaya lugooyo kale oo dib ugu ridaan bulshadan Somaliland ee duruufaha kala duwani haystaan.

Waxaa aan qabaa in maanta Somaliland u baahan tahay Siyaasi ay ka go’an tahay in uu taariikhda Somalilandta cusub ka galo baal dahab ah.

Balse taasi fari kama qodna waayo rageediiba ma hayno, bal u fiirso muwaadinow dhibta ku haysatada ee u baahan in aad xal u heshid :

1)        Biyo La’aanta:

Waxaa aynu og nahay in noloshu ku xidhan tahay biyaha .Somaliland biyo la’aantu heerka ay taagan tahay waa lawada og yahay  ma hayno siyaasad waafi ah oo tartamayaashu iyo xisbiyadoodu inoo soo bandhigeen sidii wax uga qabanayaan.Waa maxay Siyaasada biyaha ee dalku?

Yaa garanaya. Bal ila eeg warbixintan Action Aid:

Somaliland on the brink of famine as East Africa crisis worsens

Thursday 9th March 2017

Alexa Phillips

Communications team

“Right now, hunger is wrenching apart whole communities and it is women and girls who are in the most danger.” This is the stark assessment of Sadia Abdi, ActionAid’s Country Director in Somaliland. Somalia, where ActionAid works in the region of Somaliland, is at significant risk of famine, with 6.2 million people in urgent need of humanitarian aid. These photos show the impact that the East Africa crisis is already having on women and girls, and why we must act now to save lives.

Water levels are critically low

Ceelbaxay is 30km outside of Hargeisa, the capital city of Somaliland. This is the main water-point in the area. Families are being forced to travel hundreds of kilometres from as far as neighbouring

Ethiopia to get water for themselves and their livestock, because of the lack of water in the region.

Hadaba waa maxay sababta aynaan afkooda uga maqal waxaa ay ka qabanayaan musharixiintu dhibaatada biyo la’aanta, kalka ay inoo sheegaan boqolaal hadal oo aan waxba inaga quseeynin oo la xidhiidh shaqsiyaad iyo xisbiyada la tartamaya oo aan xitaa la xidhiidhin siyaasada qaranka ee dhinacyada biyo helida , kobcinta,horumarka,nabadgelyada caafimaadka iyo waxbarashada iwm.

2)        Shaqo la’aanta:

Shaqo abuuristu waa qayb muhiim u ah dhismaha dhaqaale,caafimaadka iyo wanaajinta nolosha muwaadiniinta waxaa lagu qiyaasaa in shaqa la’aantu 80% kor u dhafsan tahay Somaliland dadkeeda gaadhay heerkii xoogsiga. Sidaas darteed in musharixiintu soo bandhigaan qorshooda ku aadan shaqo abuurka hadii ay ku guuleystaan doorashada waa muhiim.Balse taa badalkeeda waxaa in badan inagu soo noqnoqota soo bandhigid iyo xayeesiin siyaasiin ku aan lahayn wax hal abuur ah oo horeba ugu fashilmay xilalkii ay xukuumadihii hore ka hayeen oo lagu yeedhayo rug cadaayo siyaasadeed ayaa ku soo biirey xisbiga aragtida noocaas ahi waa mid aan ka gadmeynin siyaasiinta doonaysa in ay hogaanka dalka qabtaan. Waxaa tani la mid tahay wax cusub idiinma haye ee waa dib ugu qoqosho bilawgii sanadadii tagey ee Musuqa (corruption), Dacaddarida (dishonesty),Akhlaaq aan fiicnayn(unethical) iyo Hunguri weyni (greed).Waxaa loo bahan yahay in dhalinyarada fursad loo siiyo iney mustaqbalkooda dhisaan oo ay ka muuqdaan siyaasada ururada hogaamiyaana balse ninka intii Somalilandba jirtey siyaasada ku soo jirey ee weliba xilal waaweyn ka soo qabtey ee aan lagu xusuusan darbi uu dhisay muxuu hada dadka la hor imanayaa ee uu u hayaa isbedel ayaa la rabaa ee lama rabo lugooyo iyo umada oo wakhtigii wax loo qaban lahaa la qasaareeyo oo dad aan wax ku soo kordhinay isbedelna aan keeneynin la horboodo tani waa dhaliil kale oo ay lee yihiin siyaasiintu waana arinta u baahan in shacbigu dhug u yeeshaan, Qabil iyo reernimo looma eego dhismaha noloshaada(Qaranka) ee waxaa loo ee gaa  ayaa wanaajinaya,kor u qaadaya daacad ah karti leh,aan xoolaha umada hungureyney .Balse hadii aad idho ka dhigato reernimo oo aad wax ku qiimeyso kan baanu isku qoys nahay oo aanad u eegin sifooyinka lagu doorto qofka lagu aaminayo masiirka dalkaga iyo waxa uu ka qaban karo ogow in aanad meel gaadheenin waayo fjm62waayo waxaad martey meel qalad ah intaas oo adeega ina adeernimo layskuguma siiyo ee waxaa lagu helaa qaranimo hogaan wanaagsan leh taasina waxay ku imanaysaa xulashada cida ku haboon.Marka aanu si fiican uGu fiirsano ficilada tartamayaasha iyo xisbiyadoodu ma aha kuwo hurda ee waa kuwo ku  talagaley siyaasada noocan ah…..

La soco qayaha dambe

Mahadsanidiin dhamaantiin,Allah(swt) ayaa ay u sugnaatey mahad dhamaanteed

M J Farah. Political analyst and writer, BEng (Hon), BA, AVCE, Cert. C. Journalism

©Hogaanka.wordperss.com

 

%d bloggers like this: