Be curious, be constructive, and be compassionate. © hogaanka.org

WAR TOLOW COLKA JOOJA!

 

Waxaa Ayaan daro ah in dhiig mar kale ku daato deegaanka Dareerweyne ee ceel afweyn oo laba beelood oo walaalo ah qaybo ka mid  ahi ku dagaalamaan gobolkaa Sanaag.

Waxaa u arkaa ficil aan akhiro iyo aduunkaba khayr lagu heleen oo ciqaabta iyo cadhada Allah(swt) lagu kas banayo sidaa darteed in Allah laga baqo oo dulmiga iyo dhiiga dadka muslinka ah laga fogaado waa arin waajib ku ah qofkasta oo muslim ah.

Arinta kale waxaa aynu og nahay dadka dhulkaasi ku dagaalamayaa in ay yihiin dad ehel ah oo wada dhashay,oo aan sina u kala marmeyn oo isku dan ah.

Waxaa wax laga xumaado ah in aaney jirin sabab dhiiga dadkaasi loo daadiyaa,waxaa laga xishoodo ah in inaga oo mareyna qarnigii 21 aad oo adamigu dhinaca aqoonta islamka,tan cilmiga sayniska,dhaqaalaha,siyaasada iyo bulshadaba hore uga marey in ay weli jiraan dagaalo noocan oo kale ah oo jilib jilib loo dagaalamo weliba dadka reer Somaliland oo maanta aan moodeyey in ay wacyigoodu ka korey qabyaalada noocaa ah.

Sidaa darteed waxaa aan dadka halkaa ku dagaalamaya u soo jeedinayaa :-

a)      In si shuruud la’aan ah dagaalka u joojiyaan

b)      In dhaawa iyo dadka kale ee waxyeeladu gaadhey loo fidiyo gargaar degdega

c)      In si dhaba loo baadho sababta kelifeysa dagaalada soo noqnoda ee caynkan oo kale ah

d)      In dawladu kaalinteeda dawladnimo qaadato,si degdegana wax uga qabato.

e)      In la mariyo sharciga dadka sabata u ah dhibkan laguna qaado sharciga

f)       In gudi madax banan loo saaro soo baadha dhacdan

g)      In culimada,aqoon yahanada,waxgaradka,siyaasiinta,ganacsatada,dhalin yarada iyo haweenku gacan ka geystaan daminta colaaldaha noocan oo kale ah ee aan caqliga iyo cilmi midna ku dhisney balse ah fidmo iyo shar uun.

h)      Ugu dambeyntii waxaa aan noo soo  jeedinayaa dhamaanteen in aynu Allah(swt) ka baqno oo aynu isku kaashano kheyrka iyo wanaaga iskaga digno xuma iyo fusuqa.

Ugu dambeyntii waa Ayaan daro dagaalada noocan ah ee soo noqnoqanaya ee macno darada ah sidaa darteed waa in caqligu shaqeeyaa,oo dadka dabka hurinayaa Allah(swt) ka baqaan oo toobad keenan si ay naar uga badbaadaan.

Ugu dambeyntii waa ku soo gaba gabeenayaa WAR TOLOW COLKA JOOJA,OO ALLEH(swt) KA BAQA ,AKHIRADIINA IYO ADUUNYADIINABA DHAWRA.

 

Mahadsanidiin dhamaantiin,Allah(swt) ayaa ay u sugnaatey mahad dhamaanteed

 

M J Farah. Political analyst and writer, BEng (Hon), BA, AVCE, Cert. C. Journalism

©Hogaanka.wordperss.com

Blogs I Follow

%d bloggers like this: