Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

WAA HUBAAL IN MARWO EDNA ADAM KAALINTEEDA KA SOO BAXAYSO BALSE KAALINTEENA LAMA HUBO

Marka ugu horeysa waxaa aan jecelahay in aan ku hambelyeeyo Dr Edna Adam iyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ee xilkaa culus u magacaabey ba, Waxaa lee yahay waa arin lagu farxo in Dr Edna u xushid xilkan qaran ee ah iney Dalkan Somaliland u matasho wada hadalada dalka Somaliya lala gelayo.

Marwo Edna waxaa ugu hambelyeenayaa iney aqbashay xilkaasi culus.

Madaxweyne Axmed Maxamed waxaan ugu hambelyey nayaa xulashada wanaagsan ee uu u xulay qofkii ugu haboonaa ee xilkaas maanta qaban karayey. Waayo Edni waa tiir weyn oo ka mid ah tirarka siyaasada waxbarshada,caafimaadka iyo samafalka ee geeska Afrika guud ahaan gaar ahaana Somaliland.Markaa waayo aragnimadeeda,xogaalnimadeeda, aqoonteeda iyo kartideedu waa mid wax ka bedelidoonta qaabkii wada hadalada ee gaabiska ahaa,balse waxay guuleysan kartaa marka aynu muruq ,maal iyo maskaxba kula garab istaagno,oo u midowna qaranimada Somaliland.Warwarka keliya ee I hayaa waa Edna waa la hubaa in kaalinteeda ka soo baxyo balse fartu waxay ku godan tahay kaalinteena in aynu ka soo bixi doono iyo in kale balse taariikhda ayaa u dhaafayaa waxay mustaqbalka ka qoridoonto.

Maanta waxaa aan qalinka u qaatey oo keliya in aan u hanbalyeyo Dr Edna Adam.waana shaqsiga keliya ee aan ugu hambalyey xil loo magacaabay qoraal ahaan weligay, wayse muteysatey Edni.

Mahadsanidiin dhamaantiin,Allah(swt) ayaa ay u sugnaatey mahad dhamaanteed

M J Farah. Political analyst and writer, BEng (Hon), BA, AVCE, Cert. C. Journalism

©Hogaanka.wordperss.com

 

%d bloggers like this: