Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

QAABKA AYNU U SEEXANO IYO SAAMEYNTA CAAFIMAADKEENA

Waxaa inoogu filan tusaale muhiimada ay hurdadu u leedahay noolalaha ,gaar ahaan Adamaha hadalka Alle . Oo inoo cadeeyey in habeenkii iyo maalintii mid walba uu ugu tala galay in looga faa’iideysto si yaabo kala duwan,oo ah in maalintii la shaqeysto oo la raadsado risiqa Allah habeenkiina asturaad iyo nasasho.bal u fiirso saddexdan ayadood ee ka mid ah quraanka kariimka ah ee micnohoodu yahay sidan:-

Allah (swt)wuxuu yidhi: “Miyannaan Hurdada Raaxo Idiinka dhigin(9). Miyannaan Habeenka asturaal idiinka dhigin(10). Miyaannaan Maalinta wakhti shaqo idiinka dhigin(11)”(Quran, An-naba).

Waa aad nooga dhigtay Yaa Allah waana kugu mahadinaynaa nicmadaada.

Hadaba marka dhamateen tagno sariirta waxaa aynu u seexana dhabarka,dhinaca iyo beerka(caloosha) uurku jirtaba.Hurdadu waxay jidkeena u tahay muhiim waayo marka aynu seexano waxaa ay saameyn ku lee tahay shaqiyadeena caafimaadkeena iyo weliba caafimaadka maskaxdeena.Daraasad cusub oo dhawaan lagu daabacay The Journal of Neuroscience, ayaa lagu sheegay hurdada aynu u seexano dhinac halkii aynu uga seexan lahayn dabarkeena ama caloosheena waxay u ogolaan kartaa maskaxdu inay iska saarto waxyabaha qashinka ah,sidaa darteed waxay yeraysaa khatarta  Asaasaqa (Alzheimer’s) iyo cudurada kale ee dareen-wadayaasha (other neurological diseases).

Dadka badankoodu markey hurdaan ma qiimeyn karaan hurdada ay heleen balse waxaa aynu taas bedelkeeda madaxa,dhabarka,lugaha iyo garbaha ayaa aynu ka dareenaa dhibta iyo dhib la’aanta hurdadeena,waayo marka aad si aan wanaagsaneyn u seexano waxaanu soo toosnaa inaga oo ka cabaneyna qoorta,garbaha lugaha iyo meelaha kale ee jidkeena waana ta dad badani yidhaahdaan xaley waan barkimo ka dhacay oo qoorta ayaa I xanuunaya. Sida lagu ogaadey daraasado la sameeyey waxaa lagu sheegay in dhinaca ama dhabarka oo loo seexdaa ay aad ugu wanaagsan tahay caafimaadka maskaxda iyo jidhkaba.Sidoo kale waxaa baadhistaasi lagu ogaadey in qofka dhinaca ama dhabarka u seexdaa aanu habeenkii hurdo ka kiciidiisu aaney bedneyn,oo aanu wax carqalada la kulmin.Sida qoraal lagu baahiyey sanadkii 2007 in The Internet Journal of Allied Health Sciences and Practice,cilmi baadhistaa waxaa lagu ogaadey in ay dadka intooda badani jecel yihiin iney u seexdaan dhinaca(the side-sleeping position) iyo in aanay  badneyn  in ay ka cawdaan dhibaatooyinka dabarka,luqunta waxayna helaan hurdo habeen wanaagsan,sida dadka kale ee u seexda qaabka kale ee ka duwan ay ka cawdaan qorxanuunka,garbo xanuunka  iwm.Sidaa awgeed waxaa muhiim ah in…………..

La soco qaybaha dambeQ.2aad

Mahadsanidiin dhamaantiin,Allah(swt) ayaa ay u sugnaatey mahad dhamaanteed
M J Farah. Political analyst and writer, BEng (Hon), BA, AVCE, Cert. C. Journalism
©Hogaanka.wordperss.com

Categorised in: Articles, Health

%d bloggers like this: