Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

RAGAN QAARKOOD KU SOO BIIRA XISBIYADA MAXAY KA SHABAHAAN HAWEENKA KA BURAANBURA AROOSYADA!

Waayahan dambe waxaa ku soo kordhay xafladaha aroosyada ee Somalida in ay kaqyb ka noqdaan Dumar ka qayb qaatada madadalada xafladaha arooryada oo Buraanbur amaana u tiriya arooska iyo aroosada,dardaaran iyo tusaalayna siiya lamaanayaasha dhisaya reerka cusub.

Dumarkaa buraanburaa waa kuwo soo bandhiga aftahanimo,iyo ereyo faan u badan oo lagu amaanayo qoysaska ay ka soo jeedaan labadan lamaane ee loo ciyaarayo xafladooda,wax dhib ahna uma arko oo waa arin kor u qaadeysa uun hal abuurnimada afkeena hooyo, in kasta oo laga yaabo in dadka qaarkood fikir kale ka qabi karaan balse in aaney dhibi ku jirin waxaa kugu filan wax dacwad ama tabasho ah kama timaato oo ma aragno cid ka cabaneysa,balse waxaa ay ku dhamaataa farxadaas habeenkaas.

Sidaa la ii sheegay dumarkaasi waa kuwo ku shaqaysta xirfadaa buraan burka oo maaweeliya habeenkaas ama maalintaas dumarka xafladaas iskugu yimi.

Balse Waayahan dambe waxaa aad moodaa in qaar ka mida xisbiyada Somaliland ay door bideen in ay hawlgeliyaan rag loo arko iney shabahaan dumarkaa aroosyada ka buraanbura,

Kuwaas oo ka duwan qaabka ay dumarkaasi u adeegsadaan suugaantooda waayo ragani buraanbur iyo gabayo midna ma soo bandhigaan lagama faa’iido wax xigmad ah  ragan balse cay iyo shaqsi weerer ayaa u badan weedhahooda,dhinaca kale waxaa aan ka madhneyn amaan iyo faan inta badan aan wax badani ka jirin oo qoloba qolo sida nuurada guryah lagu bilo ku bileyso oo bilic aan jirin u sameeneyso ama cay aan wax badani ka jirin la dul mareyso.

Hadaba Waxaa qudha ay iska shabahaan waa:

1-      Munaasibadaha waayo Dumarkani waxay ka buraan buraan mudnaasibadaha Arooryada,halka nimankanina ka hadlaan munaasibadaha xisbiyada ee ku saleysan tartanka doorashooyinka.

2-      Ujeedada sababta oo ah dumarkan buraan buraa waa dhaqaale doon oo way shaqeysanayaan,halka raganina yihiin xildoon si ay u helaan dhaqaale.

3-      Dumarkan buraanburaa waa kuwo can ku ah buraan-burada oo marka aroos jiro loo baahdo,horena loogu yaqaaney buraan burka,Sidoo kale ragani waa kuwo can ku ah arimahan oo mudo ku soo jirey siyaasada,xilalna soo qabtey balse wax aan dhib ahayn laga dhiifin,wakhtiga xisbiyadu xusuustaana ay tahay wakhtiga loolanka dhexdooda ah.

Markaa miyaaney iska shabihin dhinacyadaas in kasta oo ay ku kala duwan yihiin dhinacayo badan oo kale.

Hadaba waxaa aan kula talin lahaa labadan xisbi iney ku bedelaan dhaqankooda noocan ah aragtiyo,qoshayaal,aqoon daraasido salka ku haya horumarinta dalka iyo dadka soona bandhigaan waxqabadkooda iyo isbedelka dhabta ah ee ay rabaan iney ka sameeyaan dhinacyada dhaqaalaha,siyaasada, iyo bulshadaba.Munaasibadahana u soo diyaarsadaan kaadiriintooda aqoonta,sharafta,waayo aragnimada u leh arimahan ay rabaan iney ku ololeeyaan,si xisbiyada uga muuqdaan xubnahooda wax tarka ah ee wax ku soo kordhin kara halkay ka adeegsanayaan kuwo caytamaya oo aan waxba ku soo kordhinaynin xisbiyada waliba hore loo soo arkey hadimooyinkooda qaarkood.

Mahadsanidiin dhamaantiin,Allah(swt) ayaa ay u sugnaatey mahad dhamaanteed

M J Farah. Political analyst and writer, BEng (Hon), BA, AVCE, Cert. C. Journalism

©Hogaanka.wordperss.com

%d bloggers like this: