Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

MAXAAD KALA SOCOTAA FAA’IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE KU DUUGAN RUMAANKA (POMEGRANATE)?

Rumaanka(Pomegranate) midhihiisu waxaa kumanan sanadood mudo laga joogo Adamigu u isticmaali jirey dawo ahaan.Bariga dhexe (Middle Eastern) ayaa geed qudradeedkan lagu daaweyn jirey xanuuno kala duwan si  dhaxalgal ahna uga hortagaa cuduro badan oo halis u geysta nolosha adamiga. Kuwaas oo ay ka mid yihiin :

Cudurada wadnaha,dhiig karka sare (high blood pressure), Caabuqa(inflammation) iyo qaar ka mida cudurada Kansarka (and some cancers) oo uu ku jiro Kan ku dhaca xiniin yaha ( prostate cancer).

Rumaanka waxaa uu yahay ilo wanaagsan oo laga helo vitaminska iyo macdano kale oo uu hodan ku yahay faa’iido balaadhana u leh nolosha fayo qabida adamiga.Waxaana uu qani ku yahay Vitaminadan A.C,D iyo E.Sidoo kale waxaa ku jira Fibre iyo Iron iyo weliba noocyada kale ee Antioxidans (notably tannins).

Sanadkii 2013 daraasad la sameeyey ayaa waxaa lagu ogaadey in rumaanku (pomegranate) ka qayb qaato toosinta(hagaajinta) lafaha iyo caawinta ka hortaga osteoporosis ka.Daraasadan waxaa lagu samey Jir balse laguma sameyn bili-adamka.Marka biology ahan jirka (Mice) iyo Bili-adamgu ay isku mid yihiin la yaabka jira,Ma xaqiijin karno weligeed in najiitooyinkan inaga inay inagu haboon yihiin ( we can never be sure that these results will be applicable to us).

La soco qaybaha dambe……

Mahadsanidiin dhamaantiin,Allah(swt) ayaa ay u sugnaatey mahad dhamaanteed

M J Farah. Political analyst and writer, BEng (Hon), BA, AVCE, Cert. C. Journalism

©Hogaanka.wordperss.com

%d bloggers like this: