Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

REER BUHOODLE BALAYO KA WEYN HOGAAN XUMO MA HAYSO!

Dadka degaanka Buhoodle waxay tabayaan  garaadada,cuqaasha,suldaamada iyo dhaqan yaqaanka sidoo kale waxay tabayaan doorkii dawladnimo,waxay tabayaan kaalintii waxgaradka, Aqoon yahanka, waxay tabayaan Kaalintii Culimada, waxay tabayaan kaalintii Somalida.

Maxaa aan sidaa u lee yahay ee ay iigu muuqataa in ay tabayaan kaalinmahaasi waxaa garteyda u culskanayaa arimahan:-

1-      Deeganka Buhoodle wuxuu noqday mid aan lahayn Maamul mideeya ilaa iyo burburkii dawladii Somaliya ilaa maanta.

Sidaa awgeed Buhoodle waxay noqotey bahalo galeen,oo maalinba kooxi ku qadhaabato,tani waxay muujinaysaa in dadka bulshada taladooda hayaa in aaney daneynin horumar,deganaan,iyo nabadgelyo ka dhalato degaankaasi.Haddii ay daneenayaan waxaa maamulkeedu ku soo ururi lahaa halmeel oo ay heshiis ku yahiin.

2-      Buuhoode iyo deegaanka ku hareereysanba dadka degaanadiisi waa kuwo raba iney helaan adeegyo caafimaad,waxbarasho,biyo iyo mashaariic horumarineed,sidaa darteed waxay la yahiin dadkii u habeyn lahaa,ee dadkoodaasi wax u soo bartey,siyaasiinta u ahaa,madax dhaqameedka u ahaa culimada lahaa ee gaarsiin lahaa qorshe horumari bulsho oo sax ah.

3-      Buuhoode iyo Sameeynta siyaasada Somalida:

Dad baa aaminsan in somalidu qabiilo isku hayso oo siyaasadeheedu ku dhisan yihiin qabiil ideology balse anigu sidaa si ka duwan baan u arkaa Sababta oo ah.

  1. a) Haddii somalidu qabiilku ideology kal u tahay may dhacdeen in Mudane Daahir Riyaale Somaliland Madaxweyne ka noqdo,Mana dhacdeen in maanta Mudane Maxamed Cabdilahi farmaajo Somaliya Madaxweyne ka noqdo, oo muqdisho ka maamulo. Waayo Mudane Farmaajo wuxuu buug uu qorey mar uu Jaamicad ka qalinjebinayey ku aflagaadeeyey Qabiilo somaliyeed.Mudane Daahirna wuxuu ka mid ahaa Saraakiishii dhinaca sirdoonka iyo nabada ee waliba ka soo shaqeenayey Gobolada waqooyi wakhtiyaadii dagaalka culus lagula jirey kacaankii 21 oktbor ee kacdoonadii ka socdeen,dawladuna adeegsaneysey awoodeeda oo aan naxariisi ku jirin.
  2. b) Somalidu waa dad isku dhexjira oo wax colaad ah oo ku qotonta dhinaca ideology yada aaney ka jirin waayo hadii aad maanta aad booqatid guri ka mid ah guryaha Somalida waxaa aad kula kulmaysaa dad kala qabiila oo si fiican u wada sheekeysanaya oo aan kala qalooneynin oo jaar ah ama ilmo abti ,habrawadaag ah, amaba saaxiibo ah oo siday iskugu faraxsan yihiin aad yaabeysid tanina waa arin kale oo cadeyneya in dadka somalidu ideological qaybyaaladu ka ahayn.
  3. c) Somalidu waa dad inta badan is caawiya oo aan waxba kala bakheylin dhinaca is caawinta, is dhexgalka ku wanaagsan oo kuwada tukada masaajidyada,caruurtoodu wada ciyaarto,oo wada ganacsada taasina waa astaan kale oo cadeyneysa in Somalidu Qabyaaladu ideology ka ahayn.

Waxaa aan rabaa in aan iftiimiyo qaybyaadu markey gaadho heerka Ideology ga waxaa tusaale fiican u ah nacaybka arabta iyo yuhuuda oo aan sina u wada noolaan Karin heerka is nacaybka taas ayaa la odhan karaa waa qaybyaalad salka ku haysa ideology. Balse tan Soomaalidu   qaybyaalad salka ku haysa caadifad iyo dano dhaqaale,iyo masab ku raadin.

Waxay ila tahay in reer Buuhoode dhibaatadoodu tahay mid la mid ah kuwo kale ee Somalidida ee la xidhiidha uun siyaasada siyaasiinta,madax dhameedka ee salka ku haya masabka iyo dhaqaalaha ee danaha shaqsiyeed sida caadada u noqotey Somalida kaleba. Taasina ay sabatey in dadkii talada ka go’aysey u kala qaybsamaan Somaliland,Somaliya,Puntland,Khatumo iyo dhinacyo kolba dhinac u guuraya oo ka faa’iideysanaya fursadaha siyaasadeed eek a banaanada meelahaasi.

Ugu dambeyntii waxaa aan kula talinayaa in la joojiyo dagaalada macno darada ah ee dhiiga dadka aan waxba galabsan lagu daadinayo dadka waxgaradka ah ee somaliyeedna u gurmadaan kala dhexgalka beelahan ku dagaalamaya dhalanteedka, Allah (swt) laga cabsado oo la joojiyo ficilada noocaa ah ee aan dhamaadka lahayn ee soo noq noqa.Reer Buhoodlena hogaan xumada Alleh(swt) ka saaro.

Mahadsanidiin dhamaantiin,Allah(swt) ayaa ay u sugnaatey mahad dhamaanteed

M J Farah. Political analyst and writer, BEng (Hon), BA, AVCE, Cert. C. Journalism

©Hogaanka.wordperss.com

 

 

%d bloggers like this: