Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

MAXAA SABAB U AH CUDURADAN HALA-KEEYEY SOMALIDA? Q: 1

Markaan si fiican u raadraacay taariikhda cudurada halista ah ee dadka somaliyeed faraha baas ku haya qaar badani oo ka mid ahi u godgaleen, inbadani u jiran yihiin,oo uu hayo cudur-sidahu siina fidayo maalinba maalinta ka dambeysa ayaa waxaa ii soo baxay arimo badan oo I argagax geliyey. Mudo dheer yey igu qaadatey in aan si fiican ugu kuurgalo sida uu xanuunkani u fidayo dadka uu ku badan yahay,heerarka uu soo maro wakhtiyada ama xiliyada uu aad u faafo dhibaatada dhaqaale,siyaasadeed, bulsho ee uu ku hayo bulshada somaliyeed sida loo daween karo cida u jilicsan in uu si fudud ugu dhaco,dadka cudurkan fidiya,sida la iskaga ilaalin karo.

Iyo dadka u arka in ay cudurkan ay dani ugu jirto,si madaxbanaan ayaan iskugu dayayaa in aan Allah(swt) dartii aan darasadaydan ugu soo bandhigo dadka somaliyeed cidna waxba kagama rabo aan ahay Allah(swt) mooyee.Balse sidaa an wax u arko ayaa uga hadlayaa,waana ay dhici kartaa in fikirkeygu aanu wada sax ahayn wixii aan ku gafo Allah ayaan cafis weydiisanayaa iyo dadka somaliyeed ee aan ka hadlayo,wixii khayr ahana Allah(swt) ha iigu naxariisto isagaa naxariiste falsan ahe.

Cudurada Somaalida hayaa waa Badan yihiin balse waxaan ku eegaynaa maqaalkeenan qaybo ka mida kan ugu daran oo mudo dheer hayey hadana u muuqda inuu aad iyo aad u sii feday dad badan oo somaliyeedna ay u god galeen,caruuro badani ku agoomoobeen.

1-    Qabiil:

Qabiilku waa ka duwan yahay qabyaalada oo farqi baa u dhexeeya labdan marka laga eego dhankastaba.

Qabiilku waaifafaale taariikhiid oo uu Allah(swt) inoo cadeeyey macnaha iyo ujeedada qabiilka oo ah in aynu ka kooban nahay abuur ahaan qabiilooyin iyo qaramo ujeedka ka dambeysaana ay tahay in aaynu isku garano,oo aynu uga faa’iideysano xidhiidhka qarabanimo ee dhinacyada isirka si aynu u ilaalino waajibaadka iyo xuquuqda qaraabanimo ee Allah inagu amray ilaalinteeda iyo isxidhhidhinta isir iyo farac ahaaneed oo xuquuq iyo waajiba ka dhalanayo.Taasi oo inoo fududeenaysa sidii si fudud ugu gacan gelin lahayn amaano kasta cida u ehel ah. Tusaale

Haddii Qof adami ah dhinto isaga oo aan qoyskiisa la joogin ama safar ku maqan waxaa ugu horeyn la raadiyaa sida caadiga ah cid qofkan garaneysa,ehelkiisa iwm.Tani waa tusaale yar uun oo ah aqoonsi loo bahan yahay kuu yahay qofkani tani waa faadida qabiilka qayb yar oo ka mida.

  1. b) Waxaa kale oo Allah (swt) inoo cadeeyey in adamigu khayr iyo wanaagiisa astaan u ahayn qabiilkiisa bale loogu kala wanaagsan yahay sida Allah (swt) loogu kala adeecid,cabudid,cabsi badan yahay. Tani waxay meesha ka saareysaa in qabiilku ahayn mid saameyn ku leh caqiidada loogu dhawoonayo Alleh(swt) balse qof waliba camalkiisu yahay kan ama aad Alleh loogu dhawaanayo ama looga fogaanayo. Cuduradani dadkeena qayrkood ka reebay kanugu horeeya bal aynu eegno hada:-

 

2- Qabyaalad:

Qabyaaladu waa cudur ka mid cudurada ku dhaca aadamiga ee asiiba dhinaca maskaxda adamaha.

Cudurkani meelaha u aad ugu badan yahay waxaa ka mid ah somaliya oo dad gaadhaya 97% uu hayo. Waxaa lagu qiyaasaa n sanadkiiba ay u dhintaan in ka badan 10,000 oo nafood ugu yaraan.Cudurkani wuxuu ugu badan yahay dadka da’haan waaweyn iyo dhalinyarada ka weyn qiyaas ahaan 16 sano.

Cudurkani waa mid la kala qaado oo si fudud u faafi kara xiliyada doorashooyinka siyaasada iyo markasta oo ay hoos u dhacdo daaweynta cudurku.Cudurkan oo dilaa halis ah oo si dhaqso ah ugu faafi kara waxaa fidiya sida daraasad dheer ka dib aa ku ogaadey dadka ugu liita bulshada xaga hogaaminta iyo kartida,naxariista iyo fikirka dadka aan si fiican ugu xidhneyn Allah(swt) cabsiduna ku yar tahay. Dadkan waxaa ka mida oo laga dhex helayaa darajo kasta ama dabaqad kasta oo bulshada ka mid ah Sida Culumada,Oday dhaqameedka,Siyaasiinta, Saraakiisha sare ee dawlada,Aqoon yahanada,Suxufiyiinta,ardayda,macalimiinta,dhaqaatiirta iyo bayacal mustariga iyo reer guuraga,beeraleyda iwm..Cudurkani inuu mudo dheer ragaadiyey Somaliya waxaa tilmaa cad u ah gabaygii wadanigii Cabdilahi Suldaan Timocade Allah (swt) naxariistii jano ha geeye. Waa kii lahaa “Dugsi ma laha qabyaaladi waxay

dumiso mooyaane”. Tixdaasi waxay markhaati u tahay in dhibaatada qabyaaladu somaliya ka soo ifbaxday wakhti hore balse aad u sii fiday xornimadii somaliya ka dib.Qaybaha soo socda waxa aynu ku qaadaa dhigidoonaa cudurkan iyo kuwo kale oo ka farcamey dhibaatooyinka ay ku hayaan 12 ka milyan ee Somalida ah ee caalamka ku nool,iyo sida ay u yartey rajada laga qabo in la xakameyn karo fidida cudur sidahan oo loo yaqaan qabiil-tire halkii looga baahnaa in la helo daawa sidaha loo yaqaan Qabyaalad-suuliye,oo aan ilaa hada la hayn balse halkiisii uu galey qabyaalad tarmiye……..

la soco qaybaha dambe

Mahadsanidiin dhamaantiin,Allah(swt) ayaa ay u sugnaatey mahad dhamaanteed

M J Farah. Political analyst and writer, BEng (Hon), BA, AVCE, Cert. C. Journalism

©Hogaanka.wordperss.com

%d bloggers like this: