Be curious, be constructive, and be compassionate. © hogaanka.org

MAXAA SABAB U AH CUDURADAN HALA-KEEYEY SOMALIDA? Q: 2

Cudurkani inuu mudo dheer ragaadiyey Somaliya waxaa tilmaa cad u ah gabaygii wadanigii Cabdilahi Suldaan Timocade Allah (swt) naxariistii jano ha geeye. Waa kii lahaa “Dugsi ma laha qabyaaladi waxay

dumiso mooyaane”. Tixdaasi waxay markhaati u tahay in dhibaatada qabyaaladu somaliya ka soo ifbaxday wakhti hore balse aad u sii fiday xornimadii somaliya ka dib.Qaybaha soo socda waxa aynu ku qaadaa dhigidoonaa cudurkan iyo kuwo kale oo ka farcamey dhibaatooyinka ay ku hayaan 12 ka milyan ee Somalida ah ee caalamka ku nool,iyo sida ay u yartey rajada laga qabo in la xakameyn karo fidida cudur sidahan oo loo yaqaan qabiil-tire halkii looga baahnaa in la helo daawa sidaha loo yaqaan Qabyaalad-suuliye,oo aan ilaa hada la hayn balse halkiisii uu galey qabyaalad tarmiye,Marka aynu si fiican u darisno dhaqanka Somalida iyo Qabyaalada waxaa inoo soo baxaya in qabyaaladu tahay aragti gaaban oo aan dhaafsiisaneyn khiyaamo,dadka qaarkii u adeegsadaan danahooda gaar ka ah.

Waxaa kale oo muhiima in aynu ogaano farqiga u dhexeeya Qabyaalada iyo Tolnimada iyo Sameynta adeegsiga labadan dabeecadood. Taariikhda hadii aynu dib ugu noqono abtirsiinta (genealogy) Adamigu waa mid ku arooreysa Abaheen Adam,kolkaa qabiilku ma aha mid dhibaato wata ee tafiirtu(ancestry) waa ka soo farcankii Adam iyo Xaawa,Sidaa darteed Dadka oo dhami wuxuu ka yimi halkaas.Dhaqanadii blshooyinkii hore ayaa waxaa laga helayaa iney u isticmaali jireen diiwangelin gaara oo dadka ah iyaga oo uga faa’iideysanayey qaabka xukunka boqortooyada loo kala dhaxlayo oo caruurta boqoradu dhalaan ayaa liis loo sameyn jirey lagu qorayo magacyadooda,waxaa kale oo iyadu jirtey in qabiilooyinka abtirsiintoodu hayd mid la ilaalin jirey si aaney u lumen oo caruurta waalidiintu bari jirtey si silsalada qabiilku u socoto oo jiilba jiil ka dhaxlaayey.Si cilmi baadhisaha lahayaa tilmaamayaa Assyrians kii hore, Masaaridii hore (the ancient Egyptians) iyo Shiinihii(Chinese) waxay dhaqan u lahaayeen in ay ku ilaaliyaan diwano isirka dadkaasi.

Greeks kii hore Romaniyiintii iyo Maori ka soo jeeday New Zealand iyaguna waxay ahaayeen kuwo dhaqan u lahaa ku xsaabtanka abtirsiimada iyo tafiirta dadkoodii wakhtigoodii.

Da’ahii Dhexe (Middle Ages) ee taariikhda  wakhti qiyaas ahaan ku began A.D. 450 ilaa A.D. 750)   ilaa iyo wakhtigii kitaabka Quduska ah(biblical times). Waxaa adag in la kala saaro runta Caadooyin (mythology) ka soo badbaadey marxaladii hore iyo qabiilada iyo magacyada qof qof ahaaneed ee dadka wakhtigaasi taas oo jahawareer ku noqotay dadka baadha isirnimada iyo abtirsiinooyinka Adamka. Waxaa nasiib wanaag ah in wakhtigan aynu joogno in baadhista ehelka si fiican loogu guuleystay oo la heli karo asalka ehelnimo iyo qabiilooyinka dadka kala duwan ee Adamiga.

Tusaale waxaynu u soo qaadan karnaa in Engiriiska laga heli karo raadraac laga soo bilaabo 1500s kaas oo ay diwangelisay Kiniisadu (Church records). Waxaa xusid mudan marka laga hadlayo baadhista isirka dadka britishka in uu si fiican oo fudul oo sahal ah aad u baadhin asalka tolnimada  adiga oo adeegsanaya nidaamkii uu u dhisay Henry VIII. Taarikhdu markey ahayd 1538 ayaa uu codsadey in loo bahan yahay in la diwaan geliyo Kiristaanka(christenings),babtisms(baptisms) guurarka(marriages) iyo aasaska(burials).

Si kastabaha ahaatee isirnimada iyo tolnimadu waa mid aan wax dhibihi ku jirin marka sida wanaagsan ee loogu talo galey u adeegsano taas oo faa’iido weyn u leh isku soo dhaweynta iyo is xidhiidhita qaraananimo.

Balse mushkiladu waa marka si qaldan oo khiyaamo salka ku haysa loo bedelo hadafkii iyo ujeedadii dhinaca wanaaga ee qabiilka loona bedelo qabyaalada.

Qabyaaladu waa fikir ku saleysan khiyaamo lagu baneysanayo dulmi salka ku haya hunguriweyni iyo dhac,xadgudub,sharafta hantida,iyo nafta dad aan iyagu waxba galabsan.

Somaliduna waa caado xun oo ay ka soo dhaxleen wakhtiyadii hore ee casri jaahiligii,balse aan wax isbedel oo weyna aaney ku sameyn wakhtigii Diinta islaamku soo gaadhey Somalida,balse kolba heer soo martey ilaa casrigan oo ay mareyso heerkii koritaankeedu ugu badnaa oo aad moodid in kobaceedu soo jiiey siyaasiyiinta,dilaalinta dhinaca idealogyga iyo dadka u oo man amnaanta,faanka,dhaqaale si fudud lagu helo ,musuq tuutayaasha iyo muuqashada. Kuwaas oo Hub ka dhigta ay ku ugaadhsadaan qabyaalada dabinka qabyaaladana u dhigta qabiilooyinkooda si ay ugu gaadhaan dantooda gaarka ah iyaga oo aan haba yaraatee wax maslaxad ah ugu jirin qabiilka balse dabinka khiyaamada iyo  boroganaandadiisa u adeegsanaya una sheegaya in tolkoodu ku dulman yahay dhinacyo ay u arkaan in ay daldalooda ka jirta xukun ama dawlada uga faa’iidansan karaan ku gaarida dano shaqsiyeed ku saleysan qabiil kicin…………..

.……..

 la soco qaybaha dambe

Mahadsanidiin dhamaantiin,Allah(swt) ayaa ay u sugnaatey mahad dhamaanteed

M J Farah. Political analyst and writer, BEng (Hon), BA, AVCE, Cert. C. Journalism

©Hogaanka.wordperss.com

Blogs I Follow

%d bloggers like this: