Be curious, be constructive, and be compassionate. © hogaanka.org

WAA MAXAY BAAHIDA INOO HAYSA KALADOORASHO 3 MUSHARAX Q.2?

iv- Saddex xisbi ee Somaliland waxay xisbi kastaaba dhexdiisa ka soo saareeyn oo soo doorteen saddex madaxweyne iyo saddex m-xigeen oo mid waliba xisbi matalayo si uu u qabto hogaaminta dalka sidaa awgeed ayaaynu ugu baahan nahay in aynu inaguna kala doorano musharixiintaasi inaga oo ku kala saareyna sida ay dalka iyo dadkaba u horumarin karaan marka aynu ka eegno, tayadooda hogaamineed,aqoontooda,daacadnimadooda iwm. Qofkastaa wax buu ku kala dooranayaa musharaxiisa balse waxaa ugu liita ka qabiil ama hunguri u eega.

I-                     Anigu waxaa aan ku dooran lahaa  saddexda musharax  oo an ku kala saari lahaa sifooyinkan:

1- Allah yaqaan, Daacadnimo iyo aminimo kii baa leh   :soomalidu waxay ku maahmaahdaa wixii aan daacad ahaynin dabadeydey ka xumaadaan.

2-Run low iyo talo wadaag: Hadal waa run kama reys

Geesi iyo gaadh haye  4-   Dulqaad iyo xilkasnimo 5- Naxariis badan,danqasho leh xiliyada dhibaatada 6- Go’aan qaadasho wanaagsan leh  7- Hal abuur iyo horsed wacan

      8- Cadaali iyo sharci ilaaliye 9- Balan dhawre iyo wakhti ilaaliye 10- Taariikh            yaqaan,aqoon iyo caqli leh 11- Samafale,lexejaclo iyo wadanimo leh 12- Waayo arag iyo shaqadiisa yaqaan 13- Hogaamin iyo dad iskuwad leh 14- Xulankara kaadiriinta ku haboon shaqo kasta iyo dhiirigeliye kuwa dalka wax tarka u leh 15- Dal jire aan ahayn dantiisa jire.

 

II- Hadaba sidee ayaan ku helayaa arimahaasi in uu ku sifoobay mid ka mid ah?

Waxaa aan raadinayaa taariikhda saddexda musharax ee noloshooda wixii laga qorey iyo wixii ay iyagu iska qoreen ee CV gooda ku jira,aniga oo aan ka been sheegeynin raadraacooda taariikheed kuna qiimeynin qoraalada beenta ah ee laga qorey,cayda iyo magac dilka aan salka lahay ee af ku xoogsadayaashu ka faafiyeen balse raad raacaya wixii cadeymo leh ee marag loo hayo.

Dhibaatooyinkii iyo duruufihii dalka iyo dadku soomarey ilaa laga soo bilaabo 26 June 1960 ilaa maanta wixii ay ka geysteen ee samafal ah,nabadeyn ah, horumar ah ee ay tareen dalka iyo dadka.

Fikirkiisa Siyaasadeed muxuu aaminsan yahay aragti ahaan

Dalka debi ma ka galay kaas oo aan ahayn dhinaca Siyaasada ilaa weligii oo aaney ku jirin kuwo si cadaalad daro ah loogu helay oo aanu geysan tusaale ahaan dawladii kala dambeeyey dad badan oo aan wax dambiya geysan oo fikirkooda uun cabirayey ayaa layska xidhi jirey kuwaasi waa dad aan dembi gelin balse la cabudhinayey.

Balamo uu hore u galey oo aanu fulini ma la helayaa oo ma jiraan mudadii uu siyaasada ku jirey’

Xisbiga uu ka soo jeedaa maxaa uu dalka hore ugu qabtey oo la hayaa haddii uu doorasho hore ku guuleystey iyo hadii uu mucaarid ahaaba………

La soco qaybaha dambe haddii Allah(swt) ogolaado.

Mahadsanidiin dhamaantiin,Allah(swt) ayaa ay u sugnaatey mahad dhamaanteed M J Farah. Political analyst and writer, BEng (Hon), BA, AVCE, Cert. C. Journalism
 

Blogs I Follow

%d bloggers like this: