Be curious, be constructive, and be compassionate. © hogaanka.org

WAA MAXAY BAAHIDA INOO HAYSA KALADOORASHO 3 MUSHARAX Q: 3?

Dhibaatooyinkii iyo duruufihii dalka iyo dadku soomarey ilaa laga soo bilaabo 26 June 1960 ilaa maanta wixii ay ka geysteen ee samafal ah,nabadeyn ah, horumar ah ee ay tareen dalka iyo dadka.

Fikirkiisa Siyaasadeed muxuu aaminsan yahay aragti ahaan

Dalka debi ma ka galay kaas oo aan ahayn dhinaca Siyaasada ilaa weligii oo aaney ku jirin kuwo si cadaalad daro ah loogu helay oo aanu geysan tusaale ahaan dawladii kala dambeeyey dad badan oo aan wax dambiya geysan oo fikirkooda uun cabirayey ayaa layska xidhi jirey kuwaasi waa dad aan dembi gelin balse la cabudhinayey.

Balamo uu hore u galey oo aanu fulini ma la helayaa oo ma jiraan mudadii uu siyaasada ku jirey’

Xisbiga uu ka soo jeedaa maxaa uu dalka hore ugu qabtey oo la hayaa haddii uu doorasho hore ku guuleystey iyo hadii uu mucaarid ahaaba

Marka aan derso shaqsiyadiisa,kartidii, wadaniyadiisa midkasta oo ka mida ayaan hadana daraasad ku sameynayaa barnaamujkiisa dhaqaale,bulsho iyo siyaasadeed ee uu rabo in uu ku hogaamindoono shanta sanadood ee soo socda hadii uu ku guuleysto doorashada.

Waxaa kale oo aan qiimeynayaa musharax kasta rakaabkiisa uu soo urursadey ee ololaha u wada ee saaxiibadiisa siyaasadeed ah waxa ay ku suntan yihiin dhinaca horumarka dalka ,siyaasada, dhaqaalaha  iyo kartidooda wadaniyadooda aqoontooda iyo waxay gashadeen dalkan iyo dadkan ee wanaag ah ama dhibaato ah.

Waxaa aan iska ilaalinayaa in aan wax ku doorto nin jacayl ,reernimo,saaxiibtinimo, balan qaad la ii sameeyo sida xil ama lacag iwm.

Waayo waxaa aan ogahay in Allah (swt) igula xisaabtamayo ficil kasta oo aan sameeyo khayr iyo sharba oo la I weydiin doono maalin aan tol, saaxiib,ehel,caruur ,waalid ,walaal  iyo hanti midna aanu ku anfacayn ilaa camalka wanaagsan oo aad sameysey mooyee.

Waxaa kale oo aan ogahay in dadkaaga iyo dalkaaga wanaaga aad u horseedaa uu yahay mid nololshaada iyo tan reerkaagaba sameeyn wanaagsan ku yeelanayo.Waayo hadii aad qof wanaagsan oo dalka dhisaya,dhaqaalaha.,waxbarashada,caafimaadka iyo kaabayaasha dhaqalaha aan doorto schoolada,hospitalada,wadooyinka,biyaha iyo shaqooyin abuurku uu sameeyaa ay cid walba faa’iido u tahay mucaarid muxaafid mid neceb iyo mid jecelba.Balse hadii aan doorto mid Dugsiyadii(Schools) jirey xaraashaya Dakhtaradii(,hospitaladii) jirey aan dayac tireynin,biyihii yaraa aan horumar iyo balaadhin ku sameynin,mid dabada ku wata wax matarayaal hunguriga uun ino u yihiin waxaa aan ogahay in aan lumiyey oo aan khasaariyey furasad dahaba oo  dalkana khasaariyey iyo dadkaba sidaa darteed ayaa ay muhiim u tahay in aynu kala doorano saddexdan musharax iyo xisbiyadoodaba ,oo aynu ku doorano astaamaha togan ee inooga muuqda, iyo waxay inoo muujiyeen, wax qabad iyo daacadnimo shaqo wanaagba leh.

Dhamaad

Mahadsanidiin dhamaantiin,Allah(swt) ayaa ay u sugnaatey mahad dhamaanteed.

M J Farah. Political analyst and writer, BEng (Hon), BA, AVCE, Cert. C. Journalism

 

 

Blogs I Follow

%d bloggers like this: