Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

MA WAXAYNU U BAAHAN NAHAY HOGAAMIYE MISE HOOJIYE?

Idinka ayaa inoo sheegin hadii Allah (swt) igaadhsiiyo wakhtiga doorashada Somaliland ee soo socota Balse aan anigu idiin sheego kay ila tahay in aynu u baahan nahay:

Qarankan Somaliland wuu dhitinayaa waxaana uu u dhitinayaa hogaan xumo dhinacyo badan ka haysta.

Wuxuu la socon la yahay qodxaha ku jira ee kuwii dadku doorteen ku mudeen halkii la rabey iney ka Bixiyaan qodxihii hore ee ku jirey  oo dadkii soo doortey wax taraan,waxna u qabtaan.Kuwaas la eeday Ee dalkan horumarkiisa hoos u jiidayaa waxaa ka mida:

a)      Golaha Sharci dejinta waa lagu qasaarey oo iyaga ayaa masuul ka ah qodxo badan oo ku jira Qarankan waxay lumiyeen kalsoonidii shacabkii soo doortey.Xukuumada iyaga ayaa laga rabey iney la Xisaabtamaan oo dabraan,balse sheeko aan laga siisaney ayey inoo akhriyaan.

Wasiirada uu madaxweynuhu magacaabo iyo madaxda sare ee qaranka iyaga ayaa ansixiya markaa Dadkii ansixiyeen ee ay ogolaadeen uun baa dalka ka taliya. Weli lama hayo hal masuul oo la horkeenay Oo ay diideen oo ay yidhaahdeen masuulkani uma qalmo xilkan.

b)      Goloyasha deegaanada iyaguna in tooda badani degaanada waxay u qabtaan daaye waxay dadkii bareen dhaqan xun oo dhinaca maamulka ragaadiyey.Waa jiraan rag dalka iyo deeganadoodii laga soo doortey wax qabad iyo horumar ka saameeyey.balse waa fara ku tiris.

c)       Madax dhaqameedka iyo Xisbiyada siyaasada, halkii laga rabey in laga dhamaado xaaladii kala Guurka ee xiligii dawlad la’aanta ,geedi socodkii dhismo qaran oo qaab dimoqraadiya u kobca ayaa Waxaa sii kobcay doorkii siyaasada ay ku lahaayeen madax dhaqameedka iyo kaadirinta kobcinta Qabyaalada(xisbiyada siyaasada) oo isku milmay oo la kala saari karin,arintaasi

Khatar gelin kartana qaranimada guud iyo fikirka somailadnimada.Waayo xisbiyadii siyaasada ee la rabey In ay siyaasadooda iyo waxqabka ay ku furdaaminayaan dhibaatooyinka aan la xalilin ee qodxaha ku Jabsan qaranka dhismihiisa ayaa aragtidoodii noqotey mid aanba dhaafsiisneyn reernimo iyo waa Kolkayagii(Kursigu) anaga ayaa ku fadhiisaneyna, ragan isku haysta iney rug cadaa siyaasadeed yihiin Ayaa u muuqda kuwo aan wax badan ka ogeyn ama danahooda gaarka ahi uun u muuqdaan balse aan rabin in wadanku ku talaabsado horumar oo ay horsed u noqdaan qorshe loogu dhisayo dalka iyo Dadkan burburay oo fikir xisbi wata balse xisbiyadii waxay noqdeen kuwo loogu ololeeyo reernimo Aragti ku dhisan. Si kastaba ha ahaadee waa kumo hogaamiyaha ama xisbiga aragtidiisu dhaafsan tahay:

i)                    Xaflado xisbi la soo galey ii) Mid laga sii socdo iii) cayda xisbi kale iyo shaqsiyaad ,haldoorkii reer Hebelba xisbiga ku soo biirey iwm. Dadkani waxay u baahan yihiin hogaamiye ee uma baahna Hoojiye.Sidoo kale suldamada waaweyn ee reeruhu mid walba ninka musharaxa ay isku reerka yihiin Buu dabada ka wadaa oo aanu xitaa kala xishooneynin bulshada oo uu qalabka war baahinta la hor Imanayaa wax aan u arko in ay mudan tahay in laga xishoodo side baa dal iyo dad loo horumarin karaa Hadii reernimo wax lagu dooranayo oo qofkii dalkan wa u qaban lahaa lagu reebayo waa reer hebel ma Garan karo caqliga fikirkaa qaadan kara.

Maanta hogaamiyeha Somaliland u baahan tahay lama hayo,waayo hadii xaqiidada loo hadlo oo aynu Allah(swt) ka baqano saddexdan nin ee isku qoyska ahi iima muuqato farqi weyn oo u dhexeeya Hadafkooda iyo fikirkooda siyaasadeed balse way is dhaamaan oo waxaa iska cad oo muuqata ama sii Qoyanba ficilada ay ka dhex abuureen xisbiyadooda dhexdooda oo qaarkood ku guul dareysteen xitaa in Ay cadaaad ku maamulaan xisbiyadooda oo wax yaabo badan oo aan sharciga dalka iyo kuwa Xisbiyadaba lid ku ah sameeyeen.Tusaale:

1-      Musharax Faysal Cali Waraabe hadii uu ku guuleysto kursiga madaxweynaha dalka, wuxuu ka Iibindoonaa dalka iyo dadkaba cidii ugu sixir sareysa xaraashka dalka wuxuu yidhaahdaa runtaan Sheegaye runtu waa taa aan u sheegay.Tusaale waxaa inoogu filan imasa doorasho ayuu musharax Ahaa,musharaxii uu soo xushay ee laga wada markhaatiga ahaa halkee buu dhigay,imisa lugooyo ayuu Qaranka u geystey.Wallaalayaal Beesha dhexe ayaa wixiiba isku qaadatey ma taasaa cadaalad Ah………..waa hadalada soo noq noqda ee Mudane Faysal balse qawlka iyo ficilku ma wada socdaan Isagu marka uu cadaalad sameeyo ayaa uu inaga iibin karaa cadaalad.

2-      Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi hadii uu ku guuleysto dalku wuxuu gelidoonaa xaalad Qunyar socod u eeg balse aan waxbadan oo horumara ku soo kordhin dhaqaalaha,siyaasada iyo arimaha Bulshada balse ay dhici karto in dhicaha xidhiidhada caalamiga ah wax iska badan  oo ku saleysan Somaliland iyo bulshada caalamka,isagu uma arko in uu yahay in dalka iyo dadkaba looga baqo balse Waa nin ay ku xeeran yihiin dad aan dadka reer Somaliland horeba u soo arkeyn in aaney dalka iyo Dadkaba wax ay yeelaan mooye waxba u tareynin.Haddii Mudane Cabdiraxmaan uu ololihiisa dadkaasi Ka fogeyn lahaa waxaa hubaal ah inuu cid kasta oo la tartantaba uu ka dheereyn lahaa balsemay dhicin.

Waxaa uu mudo dheer ahaa Gudoomiyaha Wakiilada qarankan waxaa uu lahaa awood dawladeed oo Xoog badan waayo balse wuxuu qaadaneyey doorkisa danihiisa gaar ka ah balse kaalintiisii dawladnimo Ee danaha qarankan waxba ka muu qarban ee kursiga uun buu ilaashanayey runtu waa taa Reer,qabiil,iyo qaran toona wax  muu qaban.

3-      Musharax Muuse Biixi Mudo dheer ayuu siyaasada ku soo jirey,kol uu ahaa ururkii SNM(somali national movement), Kol uu ahaa wasiir arimaha gudaha xukuumadii labaad ee Somaliland yeelato,Kol Uu ahaa Golaha dhexe ururka Kulmiye iyo maanta oo yahay Gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee talada Dalka gacanta ku haya iyo musharaxa madaxweyne ee u sharaxan madaxweynaha. In kasta oo Xaaladahasi duruufo kala duwan oo waayaheeda leh ay yihiin mudo kala guura oo dalku aanu la hayn Wakhtigaa uu wasiirka ahaa dawlad si firfircoon u gudaneysay hawlaha dowladnimo oo meel adag oo Bilow ah Mudane Maxamed Ibrahim Cigaal(Alle ha u naxariistee) seeskii dawladnimada ka jeexay oo Aanu dhaqaale,gaadiid,ciidan,isgaadhsiin,garsoor aanu jirin oo aan lagu canaan Karin waxba muu qaban Hadana mudadii ka dambeysayna aanu ka mid noqon hawladeenadii dawladihii kala dambeeyey hadana Kaalintiisii hogaamiye wax badan kama qaadan.

Sidaa darteed anigu waxaa u arkaa in saddexdan mushar hadii afar mushax jiri lahaayeen oo mid ka mid Ahi nimanka tartamaya aragti dhaamo dhinacyada daacadnimo,Allah ka cabsi iyo caaaladna ku asteesan Yahay qorshe hal abuur iyo mashaariic dhaqaale,caafimaadka, waxbarashada  cadalada , nabadgelyada Iyo difaaca dalkana ka goan tahay ayaan codkeyga siin lahaa balse lama hayo sidaas darteed fursadan Hadii aan ku soo dhawaado Muuse bixi ayaa tahay in uu ka faa’iideysado Somalidu waxay ku Maahmaahdaa “HADII DAYAX LA WAAYO XIDHIGAHA AYAA LAGU SOCDAA”.Ma kula tahay kol hadii hogaamiye ku haboon aanu jirin ………..? Jawabtu waa idinka rayiganina waa aniga !.

Mahadsanidiin dhamaantiin,Allah(swt) ayaa ay u sugnaatey mahad dhamaanteed

M J Farah. Political analyst and writer, BEng (Hon), BA, AVCE, Cert. C. Journalism

©Hogaanka.wordperss.com

 

%d bloggers like this: