Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

SOMALILAND IYO DOORASHADA WAXA AAN KA IDHI!

Waxaa aad arkeysaa in doorashadu mareyso marxaladihii ugu sareyey ee diyaargowga, xaaladahani waa kuwo u baahan in waxyaabo badan laga hortago waayo waa wakhtiga ugu khatarsan dawlad aan la hayn geesiyaal wadaniyiin ah o ilaashada dadkooda iyo dalkooda taas markaan lee yahay waxaa aan ogahay :

1-      Juquraafi ahaan meesha aynu ku nalo(dhacno) oo ah geeska Africa oo dab ka baxayo oo ay iskugu yimaadeen dembifalayaashii caalamka, oo soo bidhaansaday burburka iyo kala daadsananta dawlad la’aanta iyo nabad gelyo la’aanta ka jirta geyigan ha ugu badnaato dhibaatada Somaliya oo aynu ka mid ahaan jirney, dad aynu walaalo nahayna ah.Qalalaasaha dagaalada ka socda Yammen,oo ah dal aynu wax badan wadaagno,duruufaha siyaasadeed ee dalka Itoobiya oo dad iyo dalba inaga dhexeeyo taariikh dheerna aynu wadaagno.

2-      Qabyaalada oo ah mida khayrkeen inaga reebtay oo aad moodo in aynu wax walba ka horumarineyno xitaa islamnimada,wadanka,qaranka,jaarnimada xididnimada iyo xigaalka guudba.

3-      Wadaniyada iyo qiimaheeda oo aan inoo bilaabmeyba tan oo yareysey lexejacladii wadanka iyo dadkeena oo aad moodo in dhaqaale,magac,muuqasho iyo awood helid laga horumarinayo.

4-      Doorashadan oo aad moodo in habar dugaag oo dhami iskugu habar wacdeen iyaga oo ku soo gabanaya reernimo,dhaqaale ay bixiyaan iyo hadalo u muuqda beerlaxawsi oo ay rabaan in ay awrkooda ku kacsadaan.

5-      Dadka reer Somaliland oo aan wax ka baran dhibaatooyinkii iyo taariikhihii hore ee soo marey oo aadna moodid in si yar oo sahal ah in mar kale loo xambaareyn karo.

6-      Xisaab la’aanta taasi oo muujineysa in laga yaabo in aynu kala saari weyno maxaa aynu ku dooraneynaa mudanahan ee tayo ah ee uu dheer yahay kan kale taasina ay  inoo horseedo doorashada kii ina kadi lahaa.

Arimahaasi iyo kuwo kale oo jiraaba waxay keeni karaan dhibaatooyin hadii aan laga sii hortegin sidaa awgeed waxaa ugu horeyn kow ah in la sugo amaanka dalka iyo dadka oo dhan waa in si qorsheysan oo la is wada og yahay loo mareeyaa bniga guud ee dalka waana in shaqaalaha dawlada ciidamada qalabka sida iyo haydaha kale ee wada shaqaynta la lehiba sii diyaariyaan dhamaan tasaaiilaadka doorasha aadna isha loogu hayaa dhamaan sugida abniga gudaha iyo debeda.Cidkasta oo ku guuleysatana si nabada loogu haneeyaa xilka laguna hambalyeeyaa.Muhiim ma aha shaqsiga ku guuleystaa balse waxaa muhiima in uu dalka ka qabsoonto doorasho si xalaala oo cadaalad ah u dhacdaa, oo qofka ay dadka intiisa badani doortaan uun wadanka hogaamiyaa, iyada oo reernimo,xisbi iyo sifo kale toona loo mucaaradin oo looga soo horjeesto.Waa in danta qaranka Somaliland laga hor mariyaa mid shaqsi gaari lee yahay ama reernimo waayo qaranimo ayaa horumar lagu gaadhi karaa ciidamada qaranku iyo hawladeenagda kale qaranku waa in sharciga u ilaaliyaan dalka iyo dadka looga ogolaan in si ciyaar ciyaaraama kibir ah lagu dhaawaco dalkeena iyo dadkeena Allah(swt) lala kaashadaa howlaha adag ee inogu soo food leh.Tusaale waxaa inoogu filan sheekadan Rasal warsarihii hore ee dalka Boqortooyada midowday (United Kingdom) Mr. David Cameron oo dadiisu tahay 50 sano jir ayaa markii uu iska casiley xilkii rasal waraha wuxuu mudo ku shaqeenay mutadawacnimo aan lacag qaadan si uu u caawiyo dhalinyarada dalkan(15-17) sono dadoodu tahay  ururka lagu magacaabo the National Citizens Service Trust (NCS).Sidoo kale waxaa uu dhawaan ogolaadey in uu shaqaale ka noqdo shirkad wadanka  mareykanka laga lee yahay.Tani waa tusaale fiican oo ka turjumeysa in nin kastaa markuu xilkiisa ka tago u xoogsi tagaa dhulkaa Allah(swt) ee balaadhan balse ma aha in uu shaqo ka dhigto aan dhamaad lahayn siyaasada dalkan faqiirka ah ee somaliland oo uu damco in dawladii dhalataba isagu ka dhex muuqdo.

Mahadsanidiin dhamaantiin,Allah(swt) ayaa ay u sugnaatey mahad dhamaanteed

M J Farah. Political analyst and writer, BEng (Hon), BA, AVCE, Cert. C. Journalism

©Hogaanka.wordperss.com

 

%d bloggers like this: