Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

MAXAAD KA BARATEY ANIGUSE MAXAA KA BAXTEY 3 DAN MUSHARAX?

Ka hor intaanan Guda gelin qoraalkaygan waxaa aan jecelay in aan xuso laba dhacdo oo kala duwan mid I naxdin gelisay iyo mid I farxad gelisay oo kala ah:

a-      Qaraxii dadka badani ku nafwaayeen mudisho ka dhacay maalintii dhaweeto waxa aniga oo ka xun aan lee yahay Samir iyo iiman ha ka siiyo dhamaan ehelkooda,qaraabadooda ,umada somaliyeedba iyagana  Allah(swc) godka ha u nuuro, aamin yaa ALLAH.

b-      Hadal aan warbaahina ka maqley oo talo waayeel ah ayaa isoo jiitey isaguna, Allah(swt) raali ha ka ahaadee Mudan Adam Axmed Diiriye (Adam baradho).Wuxuu ka Hadley waa xaqiiq jirta waana nasteexo waayeel waanan ugu hambelyeynayaa ganacsade Adam waxaa wanaagsan ee uu inoo sheegey ka daawo isku xidhkan hoose: https://www.youtube.com/watch?v=pnBFIvxe8Xo

Mudani Adam waxaa aan lee yahay Adamow waxaa aad gudatey waajibkii kaa saarnaa dalkan iyo dadkan waxaa mudan tahay in lagugu mahadnoqo khayrka aad noo tilmaamey iyo waanadan waayeel ee aad u soo jeedisey siyaasiinta,saxaafada iyo dadkan la sikhraasan qabyaalad iyo dhaqano aan dalka lagu daneyn balse lagu duminayo. Hadii aan dib ugu soo noqdo qoraalkaygan dulucdiisa waxaa aan qabaa in

Qofkasta oo Adami ahi yahay markhaati u jooge,oo taariikhda noloshiisu waxay la kowsataa isbedelka xaaadaha iyo waayaha aduunka ka dhacaya.Sidaas darteed maalin ba taariikdu waxay yeelanaysaa bog cusub oo ka duwan kii hore aad ku ogeyd.Sidaas darteed aniga wxii iiga (bidhaamey) baxay saddexdan musharax ee u taagan madaxweyna nimada Dalkan curdinka ah ee citiraafka u baahani waa tan halkan aan ku  qoray fikirkeyga, balse Adiga wixii kaaga baxay waa sidan aad u fahantid  balse arinku waa  rayi isdhaafi uun.

1-      Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi:

Waxaa aan ka bartey:

i-                    Dabeecada Mudane Cabdiraxmaan waa nin degan oo faraxsan had iyo jeer,waa in aan is lurin had iyo jeer oo si fudud u dhexgala hawlahiisa,waxaana uu had iyo jeer jacel yahay inuu dhinacwalba raali geliyo marka ay noqoto hawlaha adag ee ka dhasha muranada howl maal meedka.

ii-                  Go,aan qaadashada mudane Cabdiraxmaan waa nin go’aan qaadashadiisu ku xidhan tahay raali gelin shaqsiyaad awood ku leh dhinaca siyaasada ama saaxiibadiisa musdambeedka u ah waa nin isbedel ku sameeya fikiradiisa marka uu gaadho dano uu ku raali gelinayo cid ka idna marka dhinaca kale cadaadis uga yimaado muujinaya inuu ka soo horjeedo aragtidii hore uu ula qaatey urur ama shaqsi siyaasadeed.Tusaale waxaa uu hogaaminayey shirkii labada gole ee qadiyada maalgeshiga dekeda Barbara oo shirka ayuu ka qabqaatey meelmarintii mareyntii shirkaasi balse markii uu shirkii xidhmey ayuu sxaafada ka sheegay in go’aankaasi ahaa mid uu ka soo horjeedo.Waxaad ka helaysaa dhacdooyin xidhiidh la leh beerka jecli xaydha jecli ama dhinac walbaq ku jir oo Murano badan gelinsiyey bulshada sida mudanahini u dhisi karo qaran aad u balaadhan oo baahidiisu  badan yihiin una baahan hogaan daacad ah waxna dhisi kara.

iii-                Xidhiidhka bulshada iyo xulashada kaadiriinta xisbiga, marka dhinacaasi laga eego xidhiidhka bulshada Somaliland mudane cabdiraxmaan guud ahaan xidhiidhka bulshada ee mudanahu ma aha mid firfircoon marka ay xaaladu jiq ku noqoto ayuu cod dheer ugu dhawaaqaa bulshada Somaliland iyo beesha caalamkaba si isaga iyo xukuumada u soo kala dhexgalaan…………….

Lasoco qaybaha dambe

Mahadsanidiin dhamaantiin,Allah(swt) ayaa ay u sugnaatey mahad dhamaanteed

M J Farah. Political analyst and writer, BEng (Hon), BA, AVCE, Cert. C. Journalism

©Hogaanka.wordperss.com

 

 

%d bloggers like this: