Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

CAYDA MUUSE BIIXI IYO MANIFESTADA OLOLAHA WADANI!

Manifestadu waa bayaamin ama cadeynta guud ee siyaasada iyo ujeedooyinka ku wajahan bulshada isbedelada, siyasadeed,dhaqaale, bulsho iyo nabadgelyo  ka hor wakhtiga aftida doorashada xisbi ama  musharax .Waxaa la yidhaahdaa Demuqraatiyadu waa laba baarti ama in ka badan nidaankood oo ah mid muxaafid ah iyo kuwo mucaarid ah oo ku tartamaya siyaas iyo nidaamka bulshada iyo hogaaminteeda. Fikirka ka dambeeya ee aas aaska u ah demuqraadiyadu waa guuleysiga hal xisbi iyo kuwa kale oo laga guuleysto (one party wins and the other loses).

Waxaa barnaamujka xisbig ku saleysan yahay soo bandhiga fikirado iyo qorshayaal ku wajaheysan isbdel lagu sameenayo qaabka loo mareenayo horumarka,dhismaha siyaasadeed dhaqaale iyo bulsho ee wadanka.Xisbigu waa in uu la yimaadaa qorshahaasi oo ku saleysan daraased iyo aqoon lagu saleeyey kor u qaadida ama hoos u dhigida fakriga,nabadgelyada siyaasada iwm.

Iftiiminta Manifest tada xisbi ama musharax waa in laga dheehan karaa qaabka xisbigaasi u dhisayo wadanka hadii uu ku guleysto doorashada,qaabka uu ku kala horumarinayo qorshayaasha dhismaha bulsho ku dhisan cadaalad iyo ixiriraam salka ku haysa isbedel horumaineed.

Taasi waa tubta aad u soo qaadi karto dhinaca ololahaagu in uu ujiheysto dhinaca ku guuleysiga doorashada si aanu iska horimaad u dhicin ama loo qaldamin mar kale.

Suaasha aan rabo in aan nafteyda weydiiyo waxay tahay :

Ololaha Xisbiga wadani iyo Cayda Musharax Muuse Biixi maxaa ka dhaxeeya?

Xisbi kasta oo doorasho doon ahi waxaa uu ka shidaal qaataa dastuurka iyo sharciyada qaranka ma ka ay jirto xaalad u saamexaysa arimahaasi,Xisbigu wuxuu ilaaliyaa nidamka u degsan qawaaniinta doorashad iyo akhlaaqiyaadka doorashada.Waaana uu diiradiisa saaraa meelaha uu ka gufeenayo daldaloolada siyaasadeed,dhaqaale iyo bulsho dalkiisa iyo dadkiisa wakhti iskagama qaado cay ku wajahan shaqsi balse waxaa lala yimaadaa siyaasad salka ku haysa wax qabad iyo houmarin salka ku haysa  ku guuleysiga hadafka xisbiga ee wax ka bedelka hanaanka horumarka dalka.Balse Markaad daawatid muqaalkadan waa mxay xukunka markiiba kugu soo dhacayaa ba ila eeg muqaalkan : https://www.youtube.com/watch?time_continue=7&v=IbyrRBRGEj8

Sidoo kale:

https://www.youtube.com/watch?v=I6zxaNniqao

https://www.youtube.com/watch?v=ikvIwnUNMdI

 Waxaa kale oo xusid mudan muuqaalkan kale Daahir Calasow iyo Xayeysiinta Wadani

https://www.youtube.com/watch?v=t07eFCqPXeU.

Waxaa jawaab u ah xaysiinta taageerada daahir calasow ee wadani Aragtida cilmiga ku dhisan ee wax garadka culimada siyaasiniinta odaysha Somaliland ku sifeeyeen Mudane muuse biixi bal ila eeg muuqaalkan ruug cadaaga Somaliland iyo sifahooda ku aadan mudane muuse Biixi:

https://www.youtube.com/watch?time_continue=45&v=CQD3ybv684E

https://www.youtube.com/watch?v=xir6feqFHUo

Runtu waxay tahay in aan Cayda muuse Guul lagu gaadheynin mudane Cabdiraxmaan cirona waxaa uu guul ku gaadhi lahaa isaga oo xisbiga ka ilaaliyo dadka aan dhaqan celinta siyaasadeed u baahan ee u baahan bal in loo naxteexeeyo

Si ay u qaataan door ka duwan kan maanta.Barnaamujka xisbigana ka fogeysid masaxayaasha barnaamujka xisbiga xisbiga wadani iyo sumcada wadani waayo waxaa loo baahan yahay in raali gelin xisbigu ka bixiyo wasakheynta dhegaha dadka ee ku ololaynta cayda muuse biixi iyo kuwa kale ee la mida.

La soco qaybaha kale…………

Mahadsanidiin dhamaantiin,Allah(swt) ayaa ay u sugnaatey mahad dhamaanteed

M J Farah. Political analyst and writer, BEng (Hon), BA, AVCE, Cert. C. Journalis

©Hogaanka.wordperss.com

 

%d bloggers like this: