Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

MADAXWEYNE TRUMP WUXUU DIB UGU NOQDAY WAKHTIGII BURBURKA IYO ISKU DIRKA FALAYSTIIN IYO ISRAA’IIL

WAXAA LA GAADHAY WAKHTIGII XALKA BALSE MADAXWEYNE TRAME WUXUU DIB UGU NOQDAY WAKHTIGII BURBURKA IYO ISKU DIRKA FALAYSTIIN IYO ISRAAIIL WAAYO?

Ugu horeyn Shucuubta Carabta iyo Yuhuudu Waa laba wada dhashay oo iskugu dhiig dhow caalamka labadaba waxaa Awoow u ah Nebi Ibrahim (Caleyhum Salam) oo labadiisii inan  nebi Ismaaciil iyo nebi Isaxaaq ayey tafiir ahaan ka soo jeedaan taasi waxay cadeynaysaa in ay waxyaabo badan wadaagaan dhinaca wada dhalashada,sidaa darteed waxaa aan aaminsanahay in si cadaalad ah oo caqli cilmi daacadnimo iyo isku soo dhaweyn ah arimahooda loo dhexgalo inta horta kala duwanaashahooda iyo tabashooyinkooda la ha kiyo.Madaxda Caalamku oo uu ugu horeeyo Madaxweynahan hada ee Mareykanku way ku fashilmeyn iney ay xaqa taageeraan oo runta ku dhaqmaan dimoqraadiyadana dhisan marka laga eego dhinacyo badan Falatiin waa shacab lagu xad gudbay xoriyadoodii iyo xaqoodii dhinac walba waa shacab xabsi looga dhigay dalkoodii xuquuqtii bili adamiga(Human rights) ee Adamigu sharciyeystay waa laga reebay oo iney jiraanba waa la dafirey.

Waxaa aan muran ka jirin in dagaal iyo gacan ka hadalba la soo tijaabiyey balse aan Israaiil mareynka reer galbeedka iyo arabtuba guul ka gaadhin oo khasaare dhibaato uun ay sii siyaadisey.

Maanta dalkii Ka naxaya shucuubta Falastiin iyo Israaiil waa midka ka shaqeenaya walaaltinimadooda iyo in ay si nabad ah kuwada noolaadaan.

Madaxda Israaiil oo ugu horeeyo madaxweynahooda,raysalwasaarahooda iyo siyaasiintooda waxaa guul u ah inay falastiin la heshiiyaan oo ay soo dhaweeyaan dadka reer Falastiin waayo waa dad dhulka la leh oo xaq u leh iney ka tashadaan aayahooda balse Fikirka iyo ragtida o dhaneysa Biytal Qudus waa caasimada Israaiil waa mid aan faaiido ugu jirin shacbiga Israaiil waayo magac waa la bixin karaa balse natiijada ka dhalata ayaa guul ama guul daradu ku timaadaa,tani waxay u eeg tahay guul daro ku gadaamaan siyaasada israaiil ee nabada iyo wada noolanshaha dadka walaalaha ah ee carabta iyo israaiil gaar ahaan Falaystiin oo laysku soo dhaweeyo ayaa ka muhiimsan dab la kala dhex dhigo.Talo waxaa iga ah in Israaiil madaxdeedu dib u eegaan taariikhda, waayaha nolosha iyo danta dadka Yuhuuda ah balse islaweyni,xoog sheegasho iyo in nacabka la sii buun buuniyaa ay tahay uun dhibaatadii hore oo la sii laba laabey taasina aaney dan u ahayn nabada bariga dhexe,falastiin waa in xaqooda la siiyaa si nabad ah oo ay ku mareeyaan  si ay nabag ugu noolaadaan dhulkoodana ay si xora uga faa’iideysantaan khayraadkiisa,cabsi iyo cadaadis la’aanba. fastiina waxaa kula talinayaa in ay nabada iyo wada hadalka xooga saaraan si ay u fududaato furdaaminta dhibtan weyn ee lagu hayo shacabka sharafta leh ee Falastiin. .Israaiiliyiintuna waa in ay nabad helaan,oo ku noolaadaan cabsi laaan’dhulkooda oo falastiina ogolaataa in si cadaalada loogu wadanoolaado.

 

Israaiil Madaxdeedu waa in ay ogaadaan in mar uu cadaalad la hor keeni doono cidii ku gabool fasha xuquuqda qof Adami ah oo la marindoon Abaalkiisa sidaa darteed waa dhab oo Hitler waa uu xasuuqay malayiin aan waxba galabsan oo Yuhuuda caalamkuna waa ka hawlgelay sidii cadaalada loo geen lahaa dambiilayaashii gumaadkaas geystey, qofkasta oo Adami aha oo caqli lahi waa uu ka garaabayaa dhibkaasi gaadhay dadka Yuhuuda ah balse waxaa la yaableh in ay Dawlada Israa’iil xaqsuuqdo dad aan waxba galabsan oo reer Falastiina tanina waa mid aan laga aqbali Karin Israa’iil.waxaa run ah in Xukuumadiihii kala dambeyey ee Israaiil ay xasuuqeen malayiin dad falastiiniyiin ah oo aan waxba galabsan balse waxa iman wakhti ay dadkaasi helidoonaan cadaalad la horkeeno dadkii ka dambeeyey falalkaasi xunxun ee aan ilaa hada dhamaan.

Madaxweynaha Mareykanka waxaa aan kula talin lahaa:

a)      magaalada Qudus waa magaalo Barakeysan,intaanad Magaalo madaxda Israaiil u aqoonsan waxaa kaga fiicneyd in aad falastiiniyiinta u aqoonsatid dad la dulmiyey xaqna u leh inay dhistaan dalkooda iyo magaaladooda Qudusba, Israaiilna xil ka saaran yahay fulinta dhamaan qaraaradii hore uga soo baxay UN (united nations) kuwaas oo waraaqo uun ku qoran una baahan in dhaska laga tumo.

b)      Carabta iyo Israaiilna Waxaa aan kula talin lahaa wallaalo is nacay xabaalahooda uun baa bata ee u midooba danahiina oo ku wada heshiiya wada noolaansho iyo kala duwaansho labadaba.

c)       Qudusna Waa Magaalada 3 aad ee Caalamkan caasimada u ah waa magaalo Allah (swt) karaameyey waa magaalo ku xidhan tahay quluubta malaayiin dad ahi waana caalimad aan shaabad Israaiil lagu dhufan Karin balse waxaa ka horeeya in Falastiin iyo Israaiil la walaaleeyo Balse Pransident Trump waa uu ku gafey xuquuqda Falaytiin iyo Israaiil sidoo kale waxaa uu ku gafey Islaamka,Christaanka iyo Jews kaba waayo saddexdaa diimood ee samaawiga ahiba waa meel ay qadariyaan oo ay xurmeeyaan, kuna tilmaaman magaalo cibaado.

Falastiin Waad helin Cadaalad iyo Horumar Isha Allah Caalamkuna wuu u Hiilin cadaalada iyo Aayaha Dadka reer Falastiin ee Dulmiga,Kibirka iyo Xasuuqa layskugu darey.Dadka reer israahiilna waxay kala dooran doonaan rayiga cabsida,walwalna ee Mudane Trump ama rayiga caalamka ee falastiin iyo israaiil oo kuwada nool farxad nabad gelyo iyo is ixtiraam. But, the choice is yours!

Mahadsanidiin dhamaantiin,Allah(swt) ayaa ay u sugnaatey mahad dhamaanteed.

M J Farah. Political analyst and writer, BEng (Hon), BA, AVCE, Cert. C. Journalism

 

%d bloggers like this: