Be curious, be constructive, and be compassionate. © hogaanka.org

MAGAC BILAASH UMA BAXO (DAB –CASAR)!

Maanta waxaa aan qalinka u qaatey arin ka duwan qoraaladii hore ee aan diirada ku saari jirey waayaha,guud aragtida dhaqan dhaqaale,  balse maanta waxaa  aan qalinka u qaatey arin curad igu ah balse mudan in aan rayigeyga ka dhiibto waayo,maalmahan dambe saaxiibadeyda baraha bulshadu waxay  ii soo dirayeen codad iyo aflagaadooyin kala duwan oo ay qaar ka mida dadka somaliyeed ku aflagaadeenayeen qaran iyo bulsho somalida u ah hormoodka wanaaga iyo walaalnimada,naxariista iyo iskaalmeynta, somalinimaduna astaan u tahay,balse aan weli wanaaga ay somalida u hayaan aaney garan somalidu balse Allah (swt) ku ilaalinayo khayrka ay la jecel yihiin walaalohooda Somaliyeed ee caalamka ku dhaqan iyo dhamaanba bulshada caalamka.

Qoraalkeygani ma aha mid ku dhisan caadifad,amaan aaney waxba ka jirin iyo iska dheh balse waa mid ka tarumaya runta,xaqiiqada iyo taariikhda Somalida guud ahaan iyo tan gaarka ah ee Somaliland.

Hadii aan tilmaantaa guud uga siidhawaado ujeedada iyo fariinta uu xabaarsan yahay maqaalkeygan koobani waxay tahay arimahan:

1-      SAXID FIDMADA DAB-CASAR.

Ugu horeyn ninka magacaasi leh wax aqoon ah uma lihi waxaana maqalkiisa iigu horeysey muqaal gabadh isku magacowdey Mama Malyun Suuban qarka mid ah saaxiibadey igu soo gudbiyeen Social Media yaha ,balse markaa in yar dhageystey bilowgiiba waan iska saarey waayo wax aan khayr ku jirin oo debi mooyaane wax kaga kordhayaa aaney jirin bay ku daldalmeysey,kuwaas oo ka baxsan anshaxa,sharafta,xaqa muslimiintu isku lee yihiin waxayna dhiiri gelinaysey dambiyo aan aakhriradeeda iyo aduun yadeedaba u xun balse iyada ayey u taalaa iney ka dalbato Allah (swt) dembi dhaaf dadkii ay sharaftooda ku xad gudubteyna iney cafiyaan weydiisato base waa iga talo iyo nasteexo arintani.

Mama Malyun Suuban shared Malyun Ali‘s post.

Waxaa Arimahaasi ii xigey muuqaalo kale oo isla arintaa ka hadlaya,sidaas ayaan ku ogaadey sheekadaasi.

Hadaba maxay tahay sabata aan u saxayo Fidmo dad yar ku kooban waxay tahay :

  1. a) Ninkani sida aan muuqaalo la ii soo gaadhsiiyey ku cad waa nin ku xad gudbay dad iyo dal aan wanaag mooyee xumaan u geysan,waayo sida ii muuqata waxaa uu ka soo kacitimey cariga mareykanka waxaa uu boqasho shaqsi ah ku yimi Jamhuuriyada Somaliland oo ay ku nool yihiin ubadkiisu.
  2. b) Markuu madaarka ka soo degey waa la Xurmeeyey oo la soo dhaweyey sharaf aanu mudneyna waa lagu maamuushey weliba sida aan maqley qaybta dadka mudan ama lacagta badan bixiya ee loo yaqaano VIP ayaa laga soo dejiyey sida la ii sheegey
  3. c) Hotel lada ugu qaalisan ee Jamhuuriyada Somaliland baa la dejiyey
  4. d) Dadka Soo dhaweenaya kuwan casuumaya iyo wadankan uu sida xorta ah ee xitaa loo soo xurmeyn dadka u dhashey Somaliland loogu soo dhaweyey ,waxaa jirta in uu Aflagaado,cay iyo been uu ku maamuusi jirey sida layga waramey ama la hayo cadeyntiisii.
  5. e) Waa la bad baadiyey oo ciidamada amaanka ayaa amaankiisa sugey ka dib markuu bilaabay in uu aflagaado, cay iyo arimo siyaasadeed oo abaabuln  uu bilaabay in uu bulshada Somaliland ku fidiyo si amaankooda ,dhismaha qarankooda iyo dawlada cusub ee dalka uu khalkhal u geliyo xiligan kala guurka ee labada xukumadood ay kula kala wareegayaan maamulka, waayo hadii aaney police ka Somaliland ka badbaadin kacdoonka dadkan uu caayda iyo aflagaada la beegsaday maxaa ku dhici lahaa ninkaasi naftiisa.
  6. f) Ninka intaas oo wanaaga loo sameyey ee wax aanu mudneyn lagu maamuusey muxuu ka dhigey Abaalkii loo galey…………………….

La soco Qaybaha dambe…

hogaanka.wordpress.com

 

Blogs I Follow

%d bloggers like this: