Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

WASIIRADII HORE WAXBA ISTUSAY BALSE WAA DAY-DAY IYO DAMIIMNIMO SIYAASADEED!

 

Inta badan ifafaalaha nolosha waayuhu wuxuu ina baraa arimo badan oo lagu cibro qaato, noloshuna waa marxalad la soo maro ilaa laga dhimanayo, sideedaba adamigu wuxuu wadaaga astaamo isku mid ah balse waxaa lagu kala tegey jidka loo maro guusha oo dadka qaarkood ka ambadaan oo ay qaadan jid kale oo ay moodayaan jidkii saxa ahaa balse geeya meel aan sax ahayn,sidaa awgeed dadka qaarkii dib ayey uga noqdaan oo waxay raadiyaan jidkii saxa ahaa balse qaar badani way ka quustaan rajada iyo horumarka,oo waxay ku fogaadaan xumaanta,xasadka, iyo burburinta jidka loo maro wanaaga.

Intaa waa tilmaan guud balse akhristow maxay dawladnimadu tahay sideedaba

waa su’aal u bahan jawaab,balse:

Ugu horeyn dawlad waa nidaamka ama koox dad ah oo u xilsaaran isku dubaridka,abaabulida,iyo ka shaqaysiinta danaha bulsho,inta badan qaran.Dawlad waxaa ay koobsanaysaa oo ay ka kooban tahay:

  1. a) Sharci dejinta(Legislature)
  2. b) Maamul (administration)
  3. c) Garsoor (Judiciary)

Hayada fulinta(maamulka) ayaa waxaa aynu si kooban ugu eegi doonaa wasiirada oo ah shaqaalaha ugu sareeya xafiisyada adeega hayada fulinta ee waaxaha iyo hayadaha maamul ee dalka, si gaara nidaamka Jamhuuriyada Somaliland ayaanu uga hadlaynaa.

Si kooban Jamhuuriyada Somaliland waxay maamulka nidaamkeeda dawladnimo ku saleysan yihiin Jamhuuriyad madaxtooyo ah. Taas oo uu Madaxweynuhu yahay madaxa ugu sareeya ee hawl wadeenada qaranka. 3da Xisbi siyaasadeed ee ka jira Jamhuuriyada Somaliland ayaa iska soo dhexe xula, min hal musharaxa doorashada uga qaybgala ka dib ayaa loo raacaa qabka loo maro habraaca sharciga doorasha iwm. Waxaana si toosa u soo doorta codbixiyaasha sharciga u leh iney codkooda dhiibtaan ee jamhuuriyada Somaliland wakhtiga doorashada, waxaana madaxweyne noqda musharaxa ugu codka bata musharaxiinta tartemeysay.

Madaxweyna la doortey waxaa isagunaX cugtaa(doortaa) Golahiisa wasiirada, iyo madaxda sare ee qaranka ee uu doonayo inay la shaqeeyaan, isaga ayey u taalaa hawshaasi waxaana uu qaadan karaa talooyinka loo soo jeediyo ee la xidhiidha Xulashada waiirada, balse wax qasab ku ah maa aha.

Waxaa bisha 13/12/2017

Somaliland laga dhisay xukuumad cusub ka dib guushii Jagada Madaxweyne nimo markuu ku guuleystey Madaxweyne Biixi. Madaxweynihii hore ee Somaliland wuxuu wareejiyey xilkii dawladnimo dalka markaa laga bilaabo waxaa uu qaadanayaa sumada Madaxweynihii hore (formal President). Masiiradii la shaqeenayeyna way ka wareegayaan magacii hore ee sumada u ahaa oo waxay noqonayaan kuwo halkaasi kaga tegey xilkii wasiirnimo ee loo idmaday.

Ka dib magacaabidii wasiirada cusub waxaa inoo muuqday munaasibado ay abaabulayaan inta badan wasiiradii hore ee Somaliland iyo qayb yar oo ka mid ah qoyskii Madaxweynihii hore ee Somaliland,tan oo u muuqata isku day wax ka helid xilalka qaranka ee uu dhisayo Mudane Madaxweyne Muuse Biixi oo ay ka waayeen danoohoodii iyo xilal cusub oo loo magacaabo sidaa darteed waxay adeegsanayaan hanjabaado,iyo caga jugleeyn u muuqda ismuujin,isxusuusin,iyo issheegid dhoolo tus  salka ku haysa si ay u dhaqdhaqaajiyaan dareenka shacbiga iyo kan madaxweynaha si cabsi gelin ah, oo sharciyad cuskaneyn,balse waxay moogan yihiin in sharciga dalku yahay mid shaqeenaya oo qabanaya cid kasta oo la maagan dibidaabyo iyo dib u dhac.

Hadii wakhtiyadii hore siyaasiyiintu u gabaara gurdeyn jireen madaxda dalka,oo ay ku heli jireen dheef iyo xilal baad ah maanta waa laga gudbaytaasi ee maskaxda ku haya.

Waxa maanta dalkan Madaxweyne ka ah Mujaahid Muuse Biixi oo ay garabkiisa taagan yihiin in ka badan 3 milyan oo qof oo Somalilander ah oo diyaar u ah iney garab iyo gacan ku siiyaan dhisida qaranka Somaliland oo sanadada dhow ee soo socda noqda qaran la citiraafsan yahay oo ka mid noqondoona Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa.Dadkaasi waa kuwii u codeyey iyo kuwii ka codeeyeyba balse waxaa mideeyey waa Somalilanimo.

Sidaa darteed Waxaa talo iga ah Wasiiradii hore waxba iastusay oo humaag baa meel uga baxay balse dhabtu waxay tahay waa quud aan jirin qoryo u guro, balse ogaada day-daynimadu waa damiimnimo marka laga eego aragtida culuunta bulshada ee  wakhtiga ha iskaga luminina wax aaydaan guul ku gaadhey suuqu intaanu idinka buuxsanina shaqo ka raadsada hadiiba cidi idin qaadan karto marka CV  aad tustaan xafiiyada shaqo bixinta ee dalka. geysaan suuqa muruqmaalka, waayo wax aad dadkan u soo kordhiseyn ba ma arko ee badankiinu is daba qabta beriba waa maaline.

Mahad dhamaanteed Allah(swc) iska leh

M J FARAH  BEng(Hon)BA

Categorised in: Articles, Politics

%d bloggers like this: