Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

JAALE FARMAAJO ARINTAADU HAWADA SOMALILAND IYO SOMALIYA KA WEYN Q.1AAD!

A-     GARNAQSI:

Madaxweyna Federal ka Somaliya ee codka qabqablayaha reeraha ku fadhiya magaala madaxda Fedelaka Somaliya ee aan isaguna ku iman rabitaanka iyo doonista dadka somaliyeed ee Talaanigu gumeysan jirey mid baan odhanayaa malahayga u dan ah naftiisa iyo konfurta Somaliya labadaba. Isxusuusin kooban ila wadag Jaale Farmaajo:

1-      Somaliland waa dalkii ugu horeyey ee Somaliyeed ee Xornimadiisa hela intii Somalida la gumeysanayey Jaale taariikhda dib u raaca oo baadh Somaliland taariikhdeeda.

Wakhtigaa aan sheegayo maamulka hawada Somaliland xorbey ahayd oo Xamar lagama xukumi jirin.

2-      Somaliland dadkeedu waa dadkii Somaliyeed ee ugu horeyey taariikhda Somalida ee iyaga oo xor ah yidhaahda Somali baanu mideynaynaa ee 1 Julay 1960 si bilaa shuruud ah ula midoobey Somalidii korfuureed ee Maalintaa Xoriyadooda qaatey

3-      Midawgaa Dadka Somaaliyeed ee konfurtu soomay dhaweyn oo dadkii walaalahood ahaa ee reer Somaliland waxa ay ugu yeedheen QALDAAN ereygaasi sida aan filayo waxaa bixiyey Siyaasiinta reer Konfureed ee markaa siyaasada dalkaasi gacanta ku hayey balse dadka reer konfureed ee Somaaliyeed may bixinin waayo iyaguba way rabeen Somaliweyn aniga aragtideyda sida ay ila tahay. Balse waxaa ka dambeyey Dawlada talyaaniga oo qaramada midobey u xilsaartey in uu dawladnimo gaadhsiiyo 10 sano loo diyaarinayey dawladnimada qaabka dhismaha dawlad casri ah, ayaa lugweyn ku lahaa siyaasada iyo siyaasiinta Somalida Konfureed kulana taliyey in aanay waxba loo ogolaan  Somaliland markey xorowdo waayo waxay idin la qaybsanayaan maamulka iyo khayraadkiina ee iska fogeeya,isaga oo uga dan lahaa si midowga Somaliweyn u fashilmo,taas oo ay gacan ku lahaayeen dalalkii kale ee haystey dhulkii somalida ee la qaybsaday ,si aaney ugu kicin duufaano somaliweyn aaminsan oo gilgila meelahay gumeysanayeen ee dhulka Somalida.

4-      Somaliland Waa dadkii ugu horeyey taariikhda Somalida Xorta ah ee ciidamadii Somaliyeed u xasuuqeyn si ka baxsan naxaariista muslinimada,wadaniyada,Somalinimada,Ehelnimada iyo Muwaadinimada Somaliyeed taas oo lagu garaacay dadkii, magaalooyinkii tuulooyinkii,beerihii xoolihii iyo Masaajidyadii Ilahy hubka ugu casrisan ee dhinacyada cirka dhulka,bada iyada oo loo adeegsaday awood xad dhaaf ah dad rayid ah oo wadankoodii ku nool si aan kala sooc lahayn.

5-      Shacbiga Somaliland waxaa aan Qabaa Taariikhda Casriga ah cadaymaha loo hayo dad rayida oo la xasuuqay oo dhulkoodii la baabiyey oo loo adeegsadey in markii Duuliyaashii Soomaliyeed la aamini waayey oo la yidhi malaha in uun bay damiir celiya yeelan,ama naxariis ka muuqan waxaa loo soo kireystey Caloolshood u shaqaystayaal Cadaana, oo aan laga fileyn wax naxariis ah in ay ugalaan shacabkaas lagu garaacayo diyaaradahaasi bom booyinka culus xambaara.ee hadana hal qof aan maxkamad caalamiya oo la soo taagey aaney jirin iyada oo cadaymo ku fila loo hayo dhagar qabayaashii debiyadaa dagaal galay oo Jaale Farmaajo aad adigu u taqaan geesiyaal difaacay kacaankii 21 oktobar ee uu Adeerka Maxamed Siyaad Hormoodka ka ahaa

6-      Ururkii SNM oo noqday taariikhda somalida, ururka Qudha ee Somaliyeed ee dagaal hubeysan la galey Dawladii aad diplomacy u ahayd ,ee aan wax argoosiya ku kicin markuu gacanta ku dhigay magaalooyinkii iyo tuulooyinkii Somaliland iskuguna yeedhay wax garadkii wada degenaa ee kacaankii 21 oktoober isku diray ee kala fogeeyey dadkaa walaalaha iyo ehelka ah halkaana laysku saamaxay dawlad Somaliland ahna lagu yagleelay oo loo dhan yahay.

7-      Jaale Farmaajo adigu xiligaa waxaad ku mashquulsaneed qorida buugaagi qalin jebinta jamacada ee aad u dooratey in aad ku amaanto Jaale siyaad kuna caydo Qabiilooyin Somaliyeed oo sharaf kaa mudan waliba qaar caruurtaada Abtiyadood yihiin oo aad hooyadoodna ooridaada tahay balse arimahaasi waxaa kaa indho tirey abaalkii uu kugu lahaa adeerka maxamed siyaad sidaan filayo. la soco qaybaha dambe………..

Allah Mahad Dhamaanteed u sugnaatey

M J Farah BEng (Hon), BA

Categorised in: Articles, Politics

%d bloggers like this: