Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

JAALE FARMAAJO ARINTAADU HAWADA SOMALILAND IYO SOMALIYA KA WEYN Q.2AAD!

Somaliland

7-      Jaale Farmaajo adigu xiligaa waxaad ku mashquulsaneed qorida buugaagi qalin jebinta jamacada ee aad u dooratey in aad ku amaanto Jaale siyaad kuna caydo Qabiilooyin Somaliyeed oo sharaf kaa mudan waliba qaar caruurtaada Abtiyadood yihiin oo aad hooyadoodna ooridaada tahay balse arimahaasi waxaa kaa indho tirey abaalkii uu kugu lahaa adeerka maxamed siyaad sidaan filayo.Sheekadu halkaas ayey inoo mareysey Jaale Balse milicso arimahan:

Jaale Farmaajo waxaa aad la socotaa taariikhda 03/04/1988 ayaa Maxamed Siyaad Bare iyo Mingiste waxay kala saxeexteen heshiis kaas oo uu maxamed siyaad bare filayey in uu ururkii SNM hawada ka saarey markaana uu xasuuqidoono dadkii taageersanaa sidaan filayo waayo waxaa uu ku gacan saydhay taladii iyo tusaalihii ay u soo jeediyeen odaydii iyo waxgaradkii gobolada waqooyi taas oo uu ka door biday heshiiskaasi uu la galay dawlada itoobiya.

Jaale Farmaajo waxaa xusuus mudan doorashadii aad ku soo baxadey ee dhowrka xildhibaan ee iyaguba aan toos dorasho ah ku soo bixinkuu codeeyeen in lagu tilmaamay doorashadii ugu qaalisaneed ee cod lagu iibsado taas oo warbixiintii ay ka qoreen dadka hawlahaasi u dhuun dalooley iyo ururo madax banaani sida Markhaati oo warbixin ku qorey sidan: Rival presidential candidates have accused each other of buying the loyalty of lawmakers, and local anti-corruption campaigners say tens of thousands of dollars have been handed to individuals to secure support in the vote.

“This is probably the most expensive election, per vote, in history,” the Mogadishu-based anti-corruption group Marqaati said in a report released on Tuesday.

Sidoo kale Deeq bixiyayaashu waxa laga soo xigtey sidan: Western donors admit the vote was far from perfect, but that it marked a modest step forward from 2012 when just 135 elders picked the lawmakers, who chose the president.

They also point to the levels of female participation: almost a quarter of elected MPs are women.

But Fadumo Dayib, a Somali politician who briefly campaigned as a presidential candidate last year, said female MPs would “not stand a chance” if they tried to assert themselves.

“The vote was given to clan elders who just selected the women to represent their interests. If [the women] do not do what they are told they will be ostracised,” Dayib said.

See more read https://www.theguardian.com/world/2017/feb/08/somali-presidential-election-won-mohamed-abdullahi-mohamed

Jaale Farmaajo taariikhdu waxay faa’iideysaa in khaladkii hore aan dib loo marin balse malaha waad ka dhoohan tahay taariikhda ama meel kale ayaa kuu cad aniga waxaa iga talo ah hadii aad u aragtid in ay ku amfacayso arimahan:

a)      Somaliland iyo Somaliya waxay midoobeen 1 July 1960 waxaaney ku midoobeen si aan qasab iyo xoog midna ahay imikana waxay ku kala tegeen si aan xoog iyo qasab ahayn balse ogow arimahan:

i)                    Maanta umada somaliyeed waxay ka soo kabanaysaa dhibaatooyinkii siyaasiinta Somalidu ku kala qabiyeen ee ugu horeyey Adeerka Maxamed Siyaad Bare taas waxaa markhaati u ah magaalooyinka Somaliland waxaa ku nool oo ka xoogsada oo ganacsi waaweyn ku leh reerkaga cid wax u haysataana ma jirto cid ka sheeganaysaana ma jirto oo waa dad somaliyeed.

ii)                   Waxaa kale oo ku nool dadkale oo somaliyeed oo aan u dhalan Somaliland iyaguna waa la mid cid dhib u geesan kartaa ma jirto waayo waa dad somaliyeed qabilna looma eego.

iii)                 Somaliyana waxaa ku nool gobolkasta dad Somaliland u dhashay cid wax u geesataana ma jiro oo waa dad somaliyeed.

Arimahaasi waxay markhaati u yihiin in dadka somaliyeed ay yihiin dad walaalo ah oo aan xumaani ka dhaxay iskuna mid ah. Balse fidmada somalida ku dhexjirtaa waa siyaasi xun oo fikirkana ka jiran oo aan wax dan ah ka lahay dhismaha umada somaliyeed iyo wada jirkeeda kaas oo adiguna ka mid tahay waayo wax kala fogeenaya mooyee wax isku soo dhaweenaya umada somaliyeed marna kama talinaysid adiga iyo kuwii kaa horeyey.

b)      Somaliland Hawadeedu waa u gooni cid ku qasbi karta in Somaliya laga maamulo ma jirto dadka aan aqoonta u lehayn qawaaniinta caalamka iyo caruurta iyo dadka kale ee aan si fiican garaadkoodu u qaangaadhin ayaa sheekadaas run moodaya balse adiguna waad og tahay caalamkuna waa ka war hayaa in aaney dhaci Karin arintaasi.

c)       Kol hadii ay arintu sidaa tahay waxaa kula gudboon in aanad isku dirin dadka somaliyeed iyo dawladaha Somaliya iyo Somaliland ee aad ka shaqaysid wanaaga iyo walaalnimada dadka somaliyeed oo aad taageertid in Somaliland iyo Somaliya wada hadlaan taas oo qudha ayaa ah xalka guusha waxaanse u maleenayaa in aad heshiiskii 1988 kii Jaale siyaad la galey dalka Ethiopia in aad  adiguna 2018 ku riyootey hawada Somaliland inaad Kenya kala soo wargidoonto oo Somaliland halkaa hawada kaga bixidoonto riyooyinka noocaas ahi miyaa xaqiiqada taariikheed lagu bedelin wakhtigu waa ileys ordayee ka fiiro waxaad falyso jaale Farmaajo oo haynagu ceebeen arlada.

Allah Mahad Dhamaanteed u sugnaatey

M J Farah BEng (Hon), BA

 

 

 

 

 

Categorised in: Articles, Politics

%d bloggers like this: