Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI HOGAAMIYE IN BADAN LA SUGAYEY!!

Sababtu maxay tahay?

Waxaa aan jecleystey in Jawaabta Su’aasha ka hore mariyo weedhan oo waa hore mufikiirn cilmi siyaasada qaarkood ka yidhaahdeen Heshiiska bulsha (The social contract).

The state presumes to control our lives in all sorts of ways. Those wielding power within the state take our money in the form of taxes; they make wars in our name; they fine or imprison us if we break rules that they impose; they monitor our movements and tell us what to eat and where to smoke… and a thousand things besides.

By 50 Political ideas you really need to know, Ben Dupre’.

Political theorist from Thomas Hobbes qarnigii 17aad ilaa John Rawls qarnigii 20. Waxay sheegeen in qaabka ugu wanaagsan ee loo qeexi karo  Sharcinimada dawladnimada maleenayaan in qaabdhismeedka hayadaha lagu aasaasey iyada oo ku saleysan qaab heshiis  wada xaajood ah oo u dhexeeya xubnahooda.

Taasi waa Macquul balse kuwo badan oo dawlado jira ayaan loo marin dhismo heshiis bulsho sida xukuumada Somaliya iyo qaar kale oo caalamka ah. Waxaa aan u maleenayaa in maanta Somaliland heshay hogaamin la saadaalinayey wakhti balse ku soo beegmay wakhtigii loo baahnaa sababtu waxay tahay:

1-      Intii uu xilka dalka la wareegey waxaa isbedel ku yimi dhaqaankii siyaasinta, odayaasha dhaqanka iyo dilaalinta siyaasadeed,waxaana hoos u dhacay:

a)      Mashquulkii iyo culeyskii badnaa ee Xarunta looga taliyo Somaliland oo inta badan habeen iyo maalinba mashquul ahaan jirtey dadka hor tuban xafiisyaduna ahaan jireen inta badan kuwo dano shaqsi u socda balse wax shaqo ah oo khuseeya xafiisyada madaxtooyada aan wadan tani waxay curyaamisay hawlihii ay u xilsaarneyd hayadaasi.

b)      Waxaa hoos u dhacay hanjabaadihii dawlada loo soomarin jirey baraha bulshada

c)      Waxaa is bedelay saacadihii madaxda dawladu ku lumen jirtey danahooda gaarka ah oo waxaa la soo sheegayaa in agaasimayaasha guud iyo mareeyayashu guudba intooda badan ay joogaan xafiisyadoodii iyaga oo ogsoon in saafta xukuumadan cusubi galka aaney ku jirin.

d)      Waxaa sii sheekhaya Durbaankii iyo sii dhaweyntii cuqaasha,ganacsatada guurtida,wakiilada,madaxda qaranka ee madaxweynuhu markuu dalka ka baxayo iyo markuu ku soo guryo noqonayo oo caado ahaan jirtey in meel walba jabaqdu ka baxdo  caasimada dadka iyo gaadiidkuna dhibweyn ku qabeen xayiraada jidadka iwm.

2-      Intii uu xilka uu qabtey waxaa soo muuday:

a)      In dhulkii danta guud ee sifaha sharciga baal marsan lagu bixiyey in dib u saxid lagu sameeyo oo si hufan loo mareeyo shuruucdana loo maro qaabka loogu soo celinayo gacanta qaranka.

b)      In Muwaadiyiinta wadanku rajo ka muuqato in ay helayaan wadanka oo siyaasadiisu u jeheysanayso qaab wax dhis ah oo salka ku haysa kobcinta iyo mareeynta dhamaan ilaha dhaqaalaha,xulsho aqoon yahaniin waayo aragnimo sare leh Tusaale Polit Rodol oo khabrad balaadhan u leh shaqada madaarada iyo diyaaradaha rakaabka ee caalamiga ah.

La soco qormada 2aad…..

 Allah Mahad Dhamaanteed u sugnaatey

M J Farah BEng (Hon), BA

Categorised in: Articles, Politics

%d bloggers like this: