Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

BILE IYO MORGAN LABA KALA DUWAN!

Somalidu waxay inta badan caado u noqotey in ay qabiilka ay dhufeys uga digtaan dambiyada ay ka galaan Adamaha iyaga oo sababeenaya dhagarta ay galaan in ayney qabin balse qabiilnimo loogu xumeenayo oo qabiilnimo loo maagayo,taasi waa arin u baahan in laga jawaabo waayo waa arin u baahan in godka loogu galo kuwa ku andacooda ama qiil ugu sameeya dhagarta ay faleen iyaga oo moogan xadgudub yada ay ka galeen dadka aan waxba galabsan.

Waxaa anu isbarbar dhigaynaa Mudane Bile Roofle Guuleed Iyo Maxamed Siciid Moorgan:

Mudane Bile Rofle Guuleed Somaliland ayaa uu dhinaca uu doono u tamashleenayaa isaga oo weliba sharfan oo aan casuumad iyo soo dhaweyn ka bixin waayo waxaa lagu xusayaa waajib uu gutey oo si fiican oo wadaniyada ugu shaqeeyey xili uu madax ka ahaa goboladii waqooyi ee Jamhuuriyadii Dim.Somaliya  halka saaxiibkii Morgan wakhti uu isaguna goboladii waqooyi ee Jamhuuriyadii Dim. Somaliya lagu xusayo magaca caanka uu ku noqday  Hilib laha hargeysa (“Butcher of Hargeisa”) maatidii iyo waayeelkii dhalinyaradii caruurtii uu dhiigooda iyo hilibkooda wadhay ayuu ku muteystay magaacsi. Wax yar aan xusuusiyo farqigooda dadka aan la socon iyo kuwo wakhtiyadan dambe dhashay oo mala u haysta in Morgan daaroodnimo lagu eryanayo balse ogow Bile Rofleba waa daarood labaduba waxay ka mid ahaayeen Wasiiradii Dawladii ugu dambeysey ee Jamhuuriyadii D. Somaliya ilaa at ka dhacaysey 1991. Balse maxaa lagu kala fadilay u fiirso taariikhda labadan General.

 

1- Mudane Bile:

a) Bilowgii Todabaad-taneed yadii(70) ayaa uu soo shaac baxay Mudane Bile Roofle isaga oo markii ugu horeysey ,ka dib markii uu Siyaad bare u magaacabay gudoomiye gobol ee mudug sidaa aan filayo taas oo uu bilowgiiba loogu bedelay gobalka

togdheer halkaas oo uu si hawlkarnimo ah uga qabtey mashaariic wax ku ool ah.

b) Horaantii 70 nadii ayaa Mudane Bille loo soo bedelay Gobolkii Waqooyi Galbeed oo ahaa Magaaladii ahayd Caasimadii 2aad ee Jamhuuriyadii D.Somaliya Si kale hadii aynu u dhignona ahayd Caasimadii British Somaliland ka hore 26 June 1960 gii oo ay noqotey Caasimadii Somaliyeed ee ugu horeysey Somali xor ah. Sidaa Darteed Hargeysa Waa Magaalo Madaxda Dhamaan dadka ku hadla Af Somaaliga Waayo waa hooyadii Xoriyada Umada Somaliyeed

c) Mudane Bile Waxaa uu ku soo shaac baxay oo si fiican dadka reer Somaliland ama goboladii waqooyi ee markii ugu horeysey hawlgaladii uu ka sameeyey magaalada hargeysa iyo hareeraheeda aniga oo wakhtigaa ka mid ahaa caruurtii yaryareed ee malcaamad quraanka wax ku baran jirtey ee magaalada hargeysa ayaan waxaa aan jecelahay in aan wax ka tilmaamo wixii aan goob jooga u ahaa wakhtigaa Bile iyo hargeysa

i) Waxay ahayd sidaan filayo 09.00 Habeenimo mar uu dab qabsaday aqal Somali ku yaaley xaafadii laba nuux oo uu ku gubtey Nin da’ah oo hurdey gurigaasi ka dib ay meel ay u soo maraan ay waayeen gurmadkii degdega ahaa  waayo, Wakhtigaa xaafaduhu Jidadkoodu waxay ahaayeen kuwo cidhiidhi ah oo gaadiidku  si sahal ah u soo geli Karin xaafada oo waxaa adkeyd sida loogu gurmado, Anigu waxaan ka mid ahaa caruurtii yar yareed ee goobtaa gurmadka ka qayb gashay waayo xaafadaasi nagama fogeyn.kolkaas waxaa ka mid ahaa markhatigiyadii habeenkaa goob jooga ahaa in kasta oo aanan wakhtigaasi da ahaan aad u yaraa, Wakhtigaa Gobolka Waqooyi galbeed waxaa Governer ka ahaa Gen.Bile oo sida aan u maleenayo wakhti yar ka hor uun loo soo bedelay.

ii) Mudo ka dib ayaa waxaa aan maqley in xaafadahaasi wado lagu soo wado oo la marinaya meel kasta oo ay ku soo hagaagto waxaan filayaa in wadooyinkaasi ay soo dedejisay dhacdadaasi balse ma xaqiijin karo. Mudane Bile hadii aan sheekadiisa halkaa u yara ha kado…… balse aan is yara dultaago Gen.Morgan

2- Gen.Morgan:-

a) Maxamed Siciid Morgan sida la sheegay waxaa uu tabarka ciidamada ku soo qaatay dalalka Mareykanka iyo Talyaaniga, Waxaana uu ahaa sanadkii 1980 Taliye cutub ka tirsan xoogii dalka ee somaliya oo saldhigoodu ahaa Muqdisho.

                            Ka dib wuxuu noqday Taliyihii ciidankii Koofiyad casta( the Red Berets)              b) Laga soo bilaabo 1986 ilaa 1988 wuxuu ahaa Sareye Guuto isla markaana waxaa loo magacaabey Taliyaha qaybtii 26 aad ee ciidamada qalabka sida ee maamulkoodu koobayey goboladii Somaliland (waqooyi). loo yiqiinayc) Morgan waxaa uu masuulka ahaa ololihii dawladii somaliya ee Siyaad Bare ku eekaysey dadkii shacabka ahaa ee Waqooyiga Somaliya Sida warbixino caalimaya iyo baadhis ay sameeyeen hayadaha xuquuqda Adamaha u dhaqdhaqaadha iyo saxaafada caalamiga ay soo bandhigeen ololahaa ku adanaa xasuuqa iyo naxariisdarada waxaa hogaaminayey Gernal Morgan  (Morgan was in charge of these operations, and thus became known as the “Butcher of Hargeisa”)

d) Dagaaladaasi waxaa ku dhintay 50 kun ilaa 60 kun oo dad rayid a

e) Waxaa kale oo jira tacadiyo balaadhan oo wakhtigaasi ololaha lagu xidxidhay dad badan oo indheergarad iyo aqoonyahano ah waxaa lagu dhacay hanti badan oo dad shacab ahi lahaayeen.

La soco Qaybta 2 aad

References:

From Wikipedia

  1.  Sometimes referred to simply as “war criminal General Morgan” or “Colonel Morgan”.
  2. Jump up^ In January 1990, Africa Watch published a 268-page report on the war in northern Somalia, which had broken out in May 1988. By the beginning of 1990, an estimated 50,000 to 6,000 had been killed and nearly half a million had fled the country, the majority for Ethiopia. Entitled A Government at War with Its Own People: Testimonies About the Killings and the Conflict in the North, the report was based on research and interviews with newly arrived refugees in August 1989 in Djibouti and from June to October 1989 in England and Wales, where a sizeable refugee community had also gathered. The report provided eyewitness accounts of the human rights abuses that preceded the outbreak of war, and examined the conduct of the war by government forces and SNM insurgents.
    • The estimate of 40,000 killed is given in SOMALIA ASSESSMENT, Version 4, September 1999, Country Information and Policy Unit of the Immigration & Nationality Directorate, Home Office of the United Kingdom Government, Section OGADEN WAR & OPPOSITION TO BARRE, paragraph 3.13. [1]

 

 

%d bloggers like this: