Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

SHAQADA WAA LA KALA LEE YAHAY SALAADIINEY EE SIDAA OGAADA!

 

Waxaad moodaa in shaqadii qaranka Somaliland ka socon weydey dad aan loo idman oo aad moodo in shuruucda dalka ka sareeyaan,oo culeys kuhaya nololosha iyo horumarka wadanka. Somaliland uma baahna odayaal aan ka xishooneynin wixii duqaydii hore ka xishoon jireen, wakhti dheer ayey lugta ina hayeen odayaal reernimo ku hanjabaya oo qaloocinaya dawladnimada.

Taariikhda laguma hayo dal horumaray oo dadka wadankaa lahi ilaashan waayaan wadankooda,oo aad moodo in cid kale u ilaalineyso.

Waxaa ay lugta jiidayaan dawladnimada waxaa madaxda mar walba loo doorto hawlaha qaranka wakhtiga Cuqaasha qaarkood kaga lumiyaan dano shaqsiyadooda aan dhaafsaneyn.

Intooda badani reernimo cidna wax uguma qabtaan qaranimana cid wax uguma qabtaan ee waxaad moodaa in lagu yidhi wadanka burburkiisa ka shaqeeya.

Qarankani dadkiisa waxaa haysta dhibaato ay ku hayaan kuwii wax u qaban lahaa.

Allah(swt) isaga ayaa adoomihiisa kala xisaabaya waxaa hubaal ah in qofna aanu guul ku gaadheynin kala qaybinta iyo reer reer ku dirka balse Aduunyada iyo Akhiroba kharaare u tahay, Imisa ayaa xaaraantii ay dal dalayeen xanuunadii ay ka qaadeen dawlo loo waayey,imasa ayaa aynu arkeynaa kuwii dadka isku diri jirey waxa u dambeeyey xaalkoodu.

Aduunka waa maalma kooban sharaftuna waa mid qaali ah sidaa darteed bal dib ha iskugu noqdeen duqayda Somaliland oo ha isweydiiyeen waxa ka qaldan.Tan kale danta qaranka waa in laga horumariyaa tan is tustuska iyo durbaanka reernimo oo aay salaadiinta qaarkood xoog u tumayaan hadii kale Dawlada iyo dadka reer Somaliland geed qudhaanjo leh ayey idinku xidhi doonaan.

Waxaa aan aamin sanahay Shacabka reer Somaliland iney nadiif ka yihiin qayaalad,reer reernimo, waayo wax dan ah oo ugu jirtaa ma jirto waxay rabaan dal iyo dad mid ah oo cadalad iyo sinaan dhib iyo dheefba loo wadaago si siman. Balse dadka aan dani ugu jirine waa dilaalinta Siyaasada,iyo kuwo ku mabay dheefta iyo dhiiga inta badan ee wadankan dhibaatooyinku ka haystaan dhinacyo badan.

Ugu dambeyntii waxa talo ugu soo jeedinayaa in dalka hogaankiisa looga dambeeyo shaqada loo xilsaarey ee loo idmadey.

Waxaa ay igu muuqataa in ay muhiim tahay in la meel mariyo shuruucda ku saanbsan saxaafada,xoriyad qowlka, iyo kala saarida wararka dalka iyo dadka dhibaatada ku ah ee marmarsiiyaha looga dhiganayo xoriyada qawlka, Xoriyada qowlku ma aha in aad qabiil ku caydiid tani waa kala faquuqid bulsho waana dambi dalkasta oo sheega in uu xoriyada qawlka ilaaliyo Mareykan ha ahaado ama reer Galbeedka ha noqdee ma jiro sharci fasaxaya in saxaafadu qayb bulshada ka mid ah lagu aflagaadeeyo inaguna waxa aynu maqalney xoriyad qowlka ayaa la cabudhinayaa marka dembi laga galo qayb bulshada ka mid ah ama sharciga loo adeegsado cida ku xad gudubtey shaqsi,beel iwm.Wasiirka Cusub ee Warfaafintu waa uu ku mahadsan yahay codsiga uu Golaha wakiilada u soo jeediyey iney sharci ka soo saaraan ku xadgudubka xuquuqda muwaadiyiinta, ee salka ku haysaa cayda qabiilada, iyo cayda shaqsiyadeed ee lagu beegsanayo dad gaara,warar been abuurka ah, iyo dacaayadaha wax loogu dhimayo qaranka iyo nabadgelyada  kuwa isku diraya beelaha ee ka shaqeenaya nacaybka bulshada Somaliland iyo kuwa ka soo horjeeda Qaranimada Somaliland ee hadana iska dhigaya kuwo wada danta qaranka.tani waa kala fogeyn iyo kala soocid bulsho dawladuna waa waajibkeeda iney ilaaliso,sharafta,nafta iyo maalka muwaadiyiinta.Marmarsiiyo loogama dhigan karo waa xoriyad qowl in sharafta iyo nafta iyo maalka dadka si kas ah wax lagu yeelo.

Waad mahadsan tiin dhamaantiin.

%d bloggers like this: