Be curious, be constructive, and be compassionate. © hogaanka.org

MA GARANEYSA WAXA AAD RABTO?

In badan oo inaga mid ahi waxay joogaan wakhtigii uu Sheekh madar Allah ha u naxariistee uu qaar beelaha Somaliland ka mid ah lahaa dad muslim ah baa tihiin oo walaalo ah ee joojiya dagaalka dhexdiina ah oo kuwada noolaada nabad gelyo,wanaag iyo Allah ka cabsi. Sidaan filayo wakhtigaa waxaa laga joogaa in ka badan 100 sano.

Wakhtigaa hore aan tilmaamayo Magaalooyinka,Dugsiyada, dhakhtarada,gaadiidka isgaarsiinta, dhismayaasha wadooyinka dalku waxay ahaayeen kuwo lagu qiyaasi kara  in ka hooseysa 0.3% taa macnaheedu waxay la mid tahay in aaney jirinba inta badan dhamaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo habka dhaqan dhaqaale ee casriga ah.

Xeerarka iyo shuruucda dadka lagu maamulo waxaa ka garniqi jirey guurti xeer beegti dhaqan, oo loo xuli jirey qaab beeaysan.

Waxaa kaabi jirey oo dhinaca shareecada Islaamka ka garsoori jirey Culimo tiro yar oo intooda badani heerka aqoontoodu aaney sidaa u badney oo lagu magacaabi jirey Aw balse waxaa jirey tiro aad u yar oo aqoon durugsan u lahaa diinta islaamka oo logu yeedhi jirey Sheekh.

Hadii aynu is barbar dhigno wakhtigaa hore iyo wakhtiyadii kala duwanaa ee xukumada kala duwani maamuli jireen dhulkan haatan loo yaqaan Somaliland marka tariikhda dib loogu noqdo waxaa ka xusi karnaa Wakhtigii tukrigu (Cismaaneyiintii) xukumi jirtey Somaliland,Wakhtigii masaaridii hore ay xidhiidhka ganacsi lala hayd sida faraaciintii,Shiinaha,Beershiya iyo Musabataaniya. Waxaa iyaguna xusid mudan 1884 Markii gumeysatayaa reer yurub ku hashiiyey kaga qaybsigii dhulka somalida.

Gumeystiihii Engriisku wuxuu qayb u helay dhulkii Somalida qaybta uu ula baxay Somaliland waxaana uu bilaabay in uu heshiisyo la galo odayaashii degaankaasi caqliga iyo taladaba u ahaa waxaana ay la saxeexteen heshiisyo. Engriisku wuxuu sameyey Maamul uu isagu garwadeen ka yahay waxaa uu qortey shaqaale,ciidamo,waxaa kale oo uu dhisay maamulka dhaqanka reeraha isaga oo mushaharna u qorey sida caaqilada,iwm.

Sidaa darteed Caaqiladu waxay ka mid ahaayeen shaqaalaha Engiriiska oo waxay si toosa ugu dhaxeyn jireen reerka uu caaqilku ka soojeedo iyo dawlada Engiriiska si ay ugu fududaato maareynta arimaha nabadgelyada ee xukunkiisa iyo dhexgalka bulshada oo markaa ku degaameysneyd dhulka miyiga ah oo salka ku haysey nolosha reer guuraaga, oo maalinba geedi ku ahayd biyo iyo baad reedis salka ku haysa guur guurid aan lahay degaan joogto ah.

Waxaa laga joogaa wakhtigaa manta waa mudo dheer weli hadana waxaa taagan fikirkii wakhtigaas ee ay ahayd in taariikhda loo dhaafo oo aynu uga faa’iideysano taariikh ahaan waayo manta iyo maalintaa waxa u dhaxeeya waa mid qof walba u muuqata,heerka aqoonta dhinaca waxbarashada oo laga helayo Somaliland gudaheeda Jaamicado lagu diyaariyo Ilaa heerka ugu sareeya ee waxbarashada caalamka,Culimada ugu waaweyn ee takhasuska diinta Islaamka masaajida ugu quruxda badan tiro iyo tayoba, dhaqaalaha ganacsiga oo heer ka uu marayo aan la qiyaasi Karin,Caafimaadka iyo dhakhaatiirta oo aynu og nahay heerkooda.Somaliland oo lagu tilmaamo manta dal aan la aqoonsan oo hadana iftiin u ah dumuqraadiyada ee qaarada Afrika iyo meelo badan oo aduunka ka mid ah.

Maqaal kooban lagama bogan karo taariikh mudooyin kumaansanadood soo taxneyd oo marxalado badan soo martey balse waxaa iga su’aal ah Magarenaysaa waxaad rabto?

Su,aashaasi jawaabteeda waxaa aan ka sugayaa dadka isku haysta iney ka go do talada dalkan aan haysan aqoonsi caalamiya,dhaqaale buuran,awood ciidan oo xoogan aqoon yahan daacad ah oday dhaqameed wax garad ah,siyaasi aragti fog, ganacsade wax garad ah oo aan daneyste ahayn  iyo xisbiyo siyaasadeed oo barnaamuj iyo aragti fog leh iyo,shacab reero ah oo aan wadaniyiin ahayn.

Hadii aan anigu jawaabteyda idiin sheego ma garaneysid waxaad dooneysid waayo:

Mudo laga joogo in ka badan boqol sano iyo maanta waxaa taagan Ereyadii Sheekh madar iyo Aragtidiisii ahayd waxaad tihiin dad Muslim ah wada dhashay ee dhiigiinu waa xaaraane Allah(swt) ka baqda oo dagaalka joojiya Balse Maanta Halkii Sheekh Madar Allah ha u naxariistee  Sida ay ila tahay waxaa jooga Kuwo leh dhiignu waa isku xalaal ee dagaalka wada. Subxana Alaah ,Alle miyaaney ka baqaneynin kuwaasi.

Taasi waxaa tusaale u ah arimaha la yaabka leh ee saxaafada laga hadayo oo aan xitaa lala dhuumaneyn xishoodna aan lahay waxaa ka mid :

La yaab ka jira madax dhaqanka sheegta in ay Somaliland taladoodu ka godo oo hadana dhiiri gelinaya dhiig baxa dadka walaalaha ah oo leh waanu dagaalamanaa oo guubabada ku Jira waxay ila tahay in la gaadhey wakhtigii laga qaadi lahaa xilka odaynimada kuwo caqligoodu aanu ka soo gudbin xiligii jaahiliyadii  ee Islamka ka hore. maanta oo magaaloyinka Somaliland iyo tuulooyinkaba eedaanka salalaada laga wada maqlayo ayaa waadhadhka dhaqtareeda waxaa lagu dabiibayaa dad ku dhaawacmay dagaalo jilibyo ka mid ah hal qabiil oo mid ah maye culimadii diinta ee aynu muftiyada u naqiiney wacdiga badnaa, maye aqoon yahanadii proff.yadii jamicaduhu ee aqoonta ku faanayey, Awaayey hogaamiyayashii xisbiyada ee siyaasada dalka jaangoonayey sookan mudane ciro Boorame tamashleynaya ee hadal haya doorashadii laga adkaadey ee lagu kala baxay muxuu ka yidhi dagaalka Darar weyne Mee Fasal.Xaalku miyaanu ahayn waxaan danteyda ahayn dan kama lihi.

Dawladu kaalinteedii way qaadatey balse in lagu eegaa waa khalad keligeed Muuse Bixi waa madaxweyne balse Far qudhi fool ma dhaqdo keligiina dalka ka ma taliyo ee talada waa lawada lee yahay markay dan gaara siyaasiintu lee yihiin codkoodu waa dheer yahay eedaytooduna waa badan tahay markase dan guud timaato dawlada u daa waa caqliga aan taabo gelin xisbiyada aan ka korin kursiga ku gaadh balse waxba uga hooseyn taasi waa ama la idoorey ama daarka raaci qaranimada iyo nabadgelyada!

 

Blogs I Follow

%d bloggers like this: