Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

TALO XUMO WAA LAGU GUMOOBA!

Mudooyin badan ayaa inagu dhaafay talo xumo salka ku haysa wax aan la sharixi Karin oo aan u maleenayo in weli loo la yahay cidii sharixi lahayd, tani waa mid sameyn ku  yeelatey Somalida dadka lagu magacaabo oo dhan.Arintani waa mid u baahan in si dhaqso ah wax looga qabto waayo waa arin sii gumeynaysa Somalinimada, balse su’aashu waxay tahay :-

1- Waa maxay Talo Xumada aan sheegaya?

Talada Xumada aan sheegayaa waa midan cid walba u muuqata ee aynu ka wada dharagsan nahay oo ka mid noqotey nolol maalmeedkeena taas oo ah hogaan xumo,siyaasad xumo, maamul xumo, waa arinta hor taagan in dhibaatooyinka somaliya  somalidu wax ka qabato, waa taariikh aan hore somalida u soo arin balse ka soo amba qaadey wixii ka dambeyey sanadkii 1977 ilaa maantana wadadeedii uun la hayo.

2- Xagee ayey Joogtaa talo Xumadu?

Talo xumadu waxay  yururtaa caqliga qaar ka mida oday dhaqameedada somaaliyeed, iyo kuwo sheegta siyaasiin oo gacanta ku hayey talada dalkaasi la odhan jirey somaaliya ilaa hadana ku haya, qaar ka tirsan ganacsatada somaaliyeed. Qorshaha ay ku fuliyaan si ay u gaadhaan waxaa la yidhaahdaa qabyaalad ku qadhaabo.

,taas oo hageyso  dano shaqsiyadeed oo huwon shaadh qabyaaladeed ku dhisan dhalaan habaabis fikireed.

3- Maxaa ka Jira in dadka qabyaalada ku adeegtaa ay dhab ka tahay qabyaaladu oo ay daacad u yihiin qabiilkooda?

Su’aasha Jawaabteedu waa mid si fudud qof waliba uga jawaabi karo waayo waxa aynu u soo joogney isbedelka ku dhaca dadka ku xoogsadada qabiilku markey danahooda gaarka ah ku fushadaan in ay ugu dambeyso soo hadal qaadka qabiilkii uu ku abtisan jirey markuu rabey in uu ku fushado ama ku kacsado awrkiisa .

Tusaale yaal badan ayeynuu soo qaadan karnaa sida aaney dhab uga ahayn kooxaha dadka ku kiciya qabyaaladu inaaney wax dan ah ka lahayn qabyaalada iyo reernimada balse ay u adeegsadaan uun qalab ahoon (as a tool),si ay uga faa’iideystaan caadifada kuwa aan ka ilbaxin hagardamada, iyo shirqoolka maalin walba taagan.

Marka taariikhda dib u eegno waxaa aynu milicsan karnaa dhacdooyin badan oo taariikhda ku xusan oo rag xukun ku coloobay balse isku reer ahi isku shirqooleen iyaga oo sidaa u yeelaya uun xasad,iyo shaqsi toocsi balse aan dan ka lahayn qabiil,dawladnimo qaranimo, horumar iwm.

Waxaa ahay dhamaadkii sanadkii 1969 bishii oktoober  markii madaxweynihii labaad ee ay Jamhuuriyadii Somaliya lagu toogtay magaalada Laascaanood, Waxaaa dilkaa ka dambeyey Askari ka mid ah ciidamadii ilaalada u ahaa madaxweynaha( Marxuum Cabdirashiid Cali Sharmake) Alle ha u naxariistee.

Sida la weriyo marxuunku wuxuu u dhintey dhaawicii ka soo gaarey toogashadaasi,waxaana lagu sababeeyaa shirqool siyaasadeed oo ay ka dambeeyeen rag ay isku hab yihiin……….

la soco qaybaha dambe

 

%d bloggers like this: