HORTAA BAAN BARAARUGAY
Ogoow wakhtigu waa mid sida silsilada is daba socda oo shalay manta iyo bari waa taxane soconayoo Dharaar waliba wayaheeda leh.Bale ila wadaaga sheekandan iyo tixdan baraarujinta ah:
Maalin ayay laba wiil ku heshiiyeen inay
Wax wada dhaqdaan isla markaana lacag isku darsadaan
Iskuna biirsadaan xoog iyo talaba waxay hayaan
Waxayna iswaydiiyeen waxay awoodi karaan
Isla markaana gadan karaan ee lacagtoodu u goyso
Waxay maskaxda rogrogaanba waxay go aamiyeen
Inay digaagad iibsadaan ileen jeebkooga ayaa sidaa yidhiye
Isla amintiiba way soo gateen balse waxay ka fikireen
Sidii ay uwadaagi lahaayen ileen waa hal digaagad iyo laba wiileh
Midkii ugu maskaxda badnaa ayaa markiiba hadal kusoo tuuray
Kii kale isagoo leh waar aniga waan ka tanaasulay
Iibka digaagadan waayo inooma qayb samayso
Ee shan cisho beedkeega isii oo kaliya lana wareeg idigaagadaba
Wuu farxay laakin muusan fahmin ujeedada saaxibkii shanta beedka ah u dalbaday
Wuuna aqbalay hadalka saaxiibkii kasoo yeedhay wuxuuna u qabtay muddo
Waxa dhamaaday mudadii wuxuuna qaatay shanti beedka ahaa ee ugu horeeyey
Dabadeed wuxuu u dhigay digaagad kale oo xafashtay si ay ugu dilaaciso( kiciso) shan digaagadood
Oo kale wuxuna u samray mudadii ay ku fadhiday digaagadu
Halka kii kale uu iibinaayey beedka ay u dhasho digaagadu
Isagoo aan ka fikirin waxa ku iman kara digaagadan keliya geeri iyo gabowba ( kordhi xabadan digaagada).
Kii u dhigay shanta beedka digaagada way u dilaacisay
Wuxuuna markaliya yeeshay afar digaagadood iyo diig
Waxana maseeray kii kale balse si aad u hesho jawaabta akhri waa tixdan hoos
Ku xusan:
Hortaabaan baraarugay
Banaystoo albaabkii
Buuxsaday dhankaygii
Shanta beeda markaan helay
Umay baahan calooshuye
Caqligaa bisleeyoo
Bari kaydso igu yidhi
Ma anaa bartaa dhigay
Kan barooranaayee
Sheegaaya baahida
Waan wada bilawnoo
Kala baadnay hadanee
Bal maxaan se dheeraa
Garan maayo buuqane
Malaha Bisinkuu hilmaame
U bilaaba maantaba
Garan maayo baab kale
oon wax kuugu bidhbidhiyee
laydhkaa baxaayee……….
Mahadsanidin
la soco qaybaha dambe
waa Murtidii iyo qoraalkii
Abwaan Cabdilahi Yusuf (Baqaye)
Comments are closed.