Be curious, be constructive, and be compassionate. © hogaanka.org

WAXBA IILAMAAD HADHIN

Heestan wuxu markii ugu horeysay soo saaray abwaan Cabdiqays 1988kii markii Burco iyo Hargeysa dagaaladu ku dhexmarayeen Xoogagii SNM iyo Ciidamadii Taliskii Siyaad Barre. Wakhtigaasi Cabdiqays wuxu joogay Muqdisho waxanay aad isugu xidhnaayeen niman Madax sare ka ahaa dawladda oo weliba hayb ahaanna reerka uu Siyaad Barre ahaa ka soo jeeday qaarna ay qoyska odaygaba ahaayeen, taas oo dadkii taageersanaa SNM qaarkood ay gaadheen heer ay ka shakiyaan.
Maalintii ugu horeeysay ee heestan uu soo saaray waxa la fadhiyaa guri ay degenayd fanaanadii waynayd ee Shamis Abokor (Guduudo) waxanu la fadhiyaa nin janan( Sareeye Guuto) ahaa oo la odhan jiray Cabdi Xaaji Xaashi oo Siyaad Barre uu seedi u ahaa iyo nin isaguna isla reerkaas ah oo Baanka Dhexe gudoomiye ka ahaa oo la yidhaa Maxamed Aadan Guud, dad kale oo fanaaniin u badan rag iyo dumarba lihina way fadhiyaan.
Zaynab Cige oo dagaalku uu ugu dhacay Hargeysa ayaa dirqi kursi ku soo heshay dayuurad oo ka soo degtay Muqdisho waxay markiiba daf soo tidhi gurigii Guduudo oo ilyartu isqabatay. Zaaynab oo warkii kub-ku-siigaalaha sidday ayaa la waraystay oo si daacad ah isaga warrantay. Ninkii odaygu seediga u ahaa oo malaha xamili waayay warkii dhiilada lahaa ee Zaynab ayaa is-hayn waayay oo sua’aal lama filaan ah ka dhex tuuray waraysigii oo yidhi “Zaynab horta Isaaq muxuu doonayaa?” Shib baa la wada yidhi hadalkiina waxa horarsaday ninkii ugu xigay ee tolkii ahaa oo yidhi “waar xishood ragoodii baa fadhiya ee dumarka wax ha waydiin” shaw goobtana wax rag ah oo duriyadda ah Cabdiqays waaba keligii, dadkii oo dhamina mar keliya xagiisa ha soo wada jaleecaan. Hadal waxa ka soo baxay “ Khadraay kamankaa ii dhiib” Khadrina fartay ka saartay markaasuu bilaabay heestan oo Khadri Daahir ay qaado

Waaxyahayga go’an baad
Waraabaha ugu baaqdoo
Wadar habar dugaag baad
Wacdayood u yeedhoo
Ku wiirsaad lahaydoo
Noloshaba ha waayee
Anuun baan wadkaygiyo
Wakhtigaygu galinoo
Waynahu i daayee
Waxba iila maad hadhin

Wabiga i sitee
I walwaalayaa
Xaguu igu waadaa
Waydiiya oo
Wed waa loo dhashee
Wax ka daran miyuu
Ii warinayaa?
Waraariyo jar dheer
Waadiga xargaga
Hayga weecinoo
Hayga waabin dhaha
Imisaan walwaal
Iyo ceel wardheer
Kaga baxay wadaan?
Imisaa waaheen
Wabi soo rogmaday
Igu daray bad weyn
Waxna aanan noqon?

Adoo walax suniyo
Waabay cabaa
Waa kuu beryaa
Wirriiriga hadii
Wed lagaaga dhigo
Ma ogtahay wakhtiga
Lama waabiyee
Waaceen jiriyo
Wehel baynu nahay
Wanaagaan qabana
Wayga wayraxshaan
Waan ku waaniyaa
Wacdigaad dhegaha
Waydaarisaa
Wanaag baan sidaa
Jacayl baan wadaa
Anoo waafiyaad
Wayd iga dhigtaa
Waraar iyo jar dheer
Waadiga xargaga
Hayga weecinoo
Hayga waabin dhaha
Waaceen jiriyo
Wehel baynu nahay
Wanaagaan qabana
Wayga wayraxshaan
Waan ku waaniyaa
Wacdigaad dhegaha
Waydaarisaa
Imisaa waaheen
Wabi soo rogmaday
Igu daray bad weyn
Waxna aanan noqon
Wanaag baan sidaa
Jacayl baan wadaa
Anoo waafiyaad
Wayd iga dhigta

source:

Facebook’s Ali Gurey

Blogs I Follow

%d bloggers like this: