Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

FURAHA MADAXWEYNE MUUSE WAA LA HELAYAAYE KAN ADIGA (FAYSAL) AH IYO CIRO YAA LAGA DOONAA MISE WAA FURE GUUD (MASTER KEY)?

Ma qaalkeygan kooban waxaa aan jecleystey in aan jawaab kooban ka dhiibto maqaal kan hoose ku lifaaqan ee Gudoomiyaha Xisbiga UCID kaga hadlay arimo la xidhiidha shir isaga yo Gudoomiyaha Xisbiga wadani yeelandoonaan. Waxa na uu yidhi “ANIGA IYO CABDIRAXMAAN CIRO AANU SHIRAYNAA, NINKAN MUUSE FURIHIISA KEENA WAANU LA NAHAY OO FUREBA MALAHEE……” Ka akhri halkan:

http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=216808#sthash.88YnKDb8

Iima muuqato in ay arin xaqiiqo ah tahay in siyaasiyiinta Somaliland ka dhab tahay u adeegida dadkooda iyo dalkooda intooda badani waxay siyaasada ugu jiraan arimo shaqsi ahaaneed oo aan dhaafsiisneyn dano gaara arintani kuma koobna siyaasiinta Somaliland oo qudha balse waa mid ku baahsan siyaasiinta Somaliyeed iyo kuwo dalalka qaaradaha kale ee aduunka aan dhinaca garaadka iyo dhaqalaha ka kobcin.Waxaa laga yaabaa in aaney dad badani ila qabin rayigeyan balse waxaa aan aminsanahay in ay sidaasi tahay waayo waxaa Qaybka iyo quluubta og waa Alle (swt) keligii balse adamigu wuxuu qiimeyaa uun wixii aan ka qarsooneynin ee uu markhaati ka yahay uun.

Su’aal baa waxay tahay wax garad horta waa kumo?

Waa inta qaran u Talisa oo aan is yeel yeeleen,marka aan ka soo qaado mudane Faysal wuxuu ka mid yahay hogaamiyayasha Somaliland waa nin oday ah oo ka mid ah dadkii wadankan cashuurtiisa wax lagu soo barey isaga iyo rag badan oo kaleba.Wuxuu hogaamiyaa xisbi siyaasadeed oo ka mid xisbiyada siyaasada ee Somaliland intii doorasho madaxweyne dalkan laga qabtey intaba waa uu tartamey, oo calafkiisa ayuu ka qaadey .

Faysal maanta ma aha ninkii Fure raadin lahaa balse waa nin kii Quful walba kala furi lahaa si uu u kala tuuro xadhka lagu dabrey horumarka Somaliland waayo cid uga xogogaalsan arimaha Somaliland ma jiro marka aanu is yeelyeeliin.Siyaasada Adeerkey Faysal waa mid maalinba midab leh oo aan lahayn qaaciido loogu soo hagaago waayo:

a)    Mar waa hogaamiyaha Xisbiga UCID oo siyaasada xisbiga in uu inagu hogaamiyo ayaa ragabaa oo uu siyaasada qaranimo iyo dastuurka dalka ku shaqeeyo,fayal muxuu ku soo kordhiyey siyaasada Somaliland,muxuu ka qabtey aoonsiga Somaliland,mise wuxuu inaga dhaadhicinayaa xukuumada ayey shaqadeeda tahay oo anigu xil kama hayo,taas ma aha jawaab lagu qanci karo waayo xisbi dhan oo qaran buu hogaamiyaa oo ka mid ah xisbiyada dalkan ee la rabo iney khad cusub u jeexaan,siyaasada,dhaqaalaha iyo arimaha bulshada ee qarankan aan cidi aqoonsan waana waajib saaran in uu khadiyada Somaliland gaadhsiiyo caalamka balse may dhicin taasi.

b)    Mar waa Siyaasi oo waxaa looga fadhiyaa siyaasad ku saleysan danaha qaranka Somaliland,waa maxay waxa lagaga daynkaraa faysal ee siyaasinta da’da yari ugu hayn karaan abaal ku dashasho mudan ma arko anigu waxa aan ahayn in uu go’aan uu qaatey oo uu ka noqday ahayn sidii arintii Jamal Cali Xuseen oo aynu ogeyn,halkuu la marey….

la soco Qaybta 2aad

%d bloggers like this: