Be curious, be constructive, and be compassionate. © hogaanka.org

TALO DADWEYNE (PUBLIC ADVICE) IYO TILMAAN SIYAASI (POINT OUT THE POLITICIAN)

Talo sidee daba waa nasteexo marka ay tahay mid salka ku haysa daacadnimo,waayo aragnimo,tusaaleyn waayaha ku xeeran cida lala talinayo iyo toosin wax dhisid ku jehaysan cida kolba loo nasteexeenayo. Balse waxaa xaqiiqo ah dhinaca kale talo daacad ahaan in ay tahay,marin habaabin,tilmaan qaldan iyo u sahlid jidka guul darada ku dhiiri gelinteeda waayo Shaydaankuba Adamaha waa uu la taliyaa isaga oo raba in uu xaqa iyo jidka guusha weedaariyo.Labada arimood maha macduuc yar balse waa faniyo dhan oo lagu derso culuun badan oo xidhiidh la leh lamo kala duwan ee culuunta balse ujeedaydu waa uun in aan tilmaan kooban uun ka bixiyo aniga oo aan dhexgelin mawduucayaa balaadhan.

Sidaa darteed(awgeed) waxaa haboon in cid kasta oo lala talinayo horta marka ugu horeysa qiimeyso talada la siiinayo,cida siinaysa,ujeedada ka dambeysa talada iyo mawduuca lagala talinayo cida la talinaysa aqoonta iyo waayo aragnimada ay u lee dahay mawduuca ka talo bixinayso intaba.Si aanad u qaadan talo dhibaato kuu soo jiideysa oo aanad hubin iskana shaandheyn.

Marka aan dib u amba qaado maqalkaygan kooban ee aan ku suntay (u bixiyey) Talo dadweyne iyo Tilmaan Siyaasi waxaa aan si fudud oo la fahmi karo uga hadlaya bal talada aan u hayo dadka Somaliland iyo tilmaanta aan siin karo siyaasiinta Somaliland.

Sidoo kale tilmaantani waa mid faa’iido u ah Somalida oo dhan ama cidkasta oo daneysa mawduucan.

Waxaa aan u kala qaadaya laba qaybood oo kala ah:

1- Talo Dadweyne  2- Tilmaan Siyaasi

1- TALO DADWEYNE: Dadweyne waxaa aan ula jeedaa waxa luqada qalaad qaarkood lagu yidhaado public.

Dadweynaha Somaliland waxaa muhiima in ay fahmaan farqiyada u dhexeeya qabiilka iyo qaranimada, sidoo kale waxaa muhiima in aynu fahano waxa ay ku kala duwan yihiin  danaha guud ee qaranka iyo danaha gaar ee shaqsiyaadka iyo xidhiidkooda ay wadaagaan. Marka aynu fahano arimahaasi ayeynu talo kabixin karnaa.

Ugu horeyn aynu isweydiino su’aalshan:-

a) Waa maxay  qabiil (tribe) iyo qaran(nation)?

Taariikh ahaan waa laba erey oo macnayaal kala duwan iyo kuwo isku mida loo isticmaali jirey loona isticmaalo ilaa iyo hada. Ugu horey Alle (swt) ayaa inoo cadeeyey in aynu ka kooban nahay qabiilo iyo qarano (shucuub) kala duwan, ujeedaduna ay tahay in aynu isku aqoonsano,balse waxaa lagu kala duwan yahay ee dadku ku kala horeeyaan tahay oo keliya sida Alle(swt) loogu kala cabsi iyo cibaado badan yahay.

Halkaa waxaa ka cad in Adamigu ku kala sareyn qabiil iyo qaranka uu ka soojeedo oo aynan halbeega qiimaha shaqsiga aynan ku miisameynin reerka uu ka soo jeedo kol hadii aynu Allah(swt) inoo cadeeyey, waxaa waajib inagu ah in aynu amarka Alle (swt)qaadano, oo aynu fahano in halbeega shaqsiga ee aynu ku qiimey neynaa ahay reerka uu ka soo jeedo.Tani waa talada 1aad ee aan dadweynaha Somaliland siinayo.

i) Qabil (tribe)

Dhinca kale marka aynu ka derisno cilmiga anthropology ga qabil waxaa ay ku tilmaameen qaybo yar oo ka mida unuga farcanka adamiga ee  dhismaha urur bulsheedka kaas oo wadaaga si ku meel gaadha ama rasmi ah isku xidhnaan (isdhexgal) siyaasadeed iyo hadii aynu si kale u qeexno wadaaga caadooyin,af,dhaqan iyo fikir- mangalka (Ideology).

Marka aynu dhinacaana ka eegnay qabiilnimada dadka reer Somaliland ma aha mid ay ku kala sareyn karaan balse waxay yihiin kuwo fara iyo asalba isku mid ah waayo waa unugaa yare ee urur bulsheedkaa wadaaga diinta,weliba isku hal mad-hab ah(shaficiya),Af, caadoyin iyo wax kasta oo laga heli karo hal qabiil oo kaliya.

ii) Qaran (nation)

Qaran iyo qabiil waxaa loo kala eegaa marna isku mida marna macnayaal kala duwan kuwaas oo la xidhiidha taariikhda wakhtiga iyo umadaha kala duwan ee caalamka, oo u kala isticmaaley macnayaal kala duwan laakiin waa kuwo isku dhow oo xidhiidh wada leh macno ahaan. Sidaa awgeed waxaa aynu odhan karnaa qaran waa bulsho degan oo dad ah oo lagu saleeyey (wadaaga) wada jirka af ka dhexeeya,dhul,nolosha dhaqaalaha,Jinsiyad iyo /ama qurinta nafsaniga ah oo muuqata dhaqnka guud(psychological make-up manifested in a common culture), refer Wikipedia.

Taladeyda 2aad waxay tahay dadka reer Somaliland qiil loogu helimaayo waa qabiilo ee qabiilo ha loo qaybiyo oo qaab qabiil saami qaybsi haloogu sameeyo. Waayo waxa ay wadaagan astamaha qabiil kaliya iyo qaran keliya ma jiro wax ay ku kala duwan yihiin sinaba.Waxaa aan dadweynaha Somaliland kula talinayaa inay halbeegaasi qalad yahay oo aynu u baahan nahay in aynu ku bedelno ayaa dalkeena iyo dadkiisa wax taraya oo hogaamin kara, isaga oo cadaalad horumar,qorshe aqoon,yool fog leh oo daacadnimo u dheer tahay……

La socoda qaybaha dambe hadii Allaha weyni ogolaado.

Mahad oo dhan Alle (swt) ayaa iska leh

 

 

 

 

Blogs I Follow

%d bloggers like this: