TARTAN WEEYI DUNIDUYE
Maansan Waxaa Curiyey Abwaanka da’da yare Cabdilahi Yusuf xasan waxaana uu ku bilaabayaa sidan:
noloshu waa sidaa humaag laba geesle ah oo gees ku dilayo geesna ku dawaynayo hadana waxaad moodaa inaad adigu sabab u tahay dawada iyo dilitaanka naftaada iyo nugaylka wakhtiga hadaba tixdan TARTAN waxay kaaga digasaa ku dayashada ruux liita iyo himilo la’aanta aad u horseedi kartid Ku dasho indho la'aan ah. Tartan weeyi duniduye Ha tilmaansan waligaa Ruuxaan taami garanayn Oo tacab khasaare ah Isagaa tilmaantana Kugu tuura naartoo Kolay tahay timaadada Tirsigiyo dharaaraha Talan toolka waayaha Hadba teeda suganiyo Hadba tii tagaysana Ku tabayn xiskiise Adiguna tiraabtiyo Tacliintiyo ha sii dayn Teelteelka maalmaha Tusaaluhuna waa fahan Lagu taabo qaado Maskaxdoo la tuuja Tusmo aad jaqdaabay Toos kuugu dhiiqdaa Ood ku taabo qaada Tacab waxaad u leedahay Haduu ruux tagoog jabo Toos loogu kabayee Rabigeen tashigiyo Nagama tuuro gashada Inaguna tilmaantiyo Ma sii dayno tukashada Shanta tiir islaamiyo Taageeridoodaba Talo waa wixii saxa Arin waa wixii togan Ee taabo galayee U talaabso waligaa Sidii aad tisqaadood Tamar waafa leeday Mar hadaan islaam tahay Waxaan tiigso leedahay Rabibaa tolkaayee Talo saaro kaligii. By Cabdilahi Yusuf Xasan
Comments are closed.